Thursday, April 20, 2017

Diyaaradihii Jaadka keeni jiray Garoonka Aadan Cadde oo loo weeciyay Garoon kale oo kuyaala magaalada...










Diyaaradihii Jaadka keeni jiray Garoonka Aadan Cadde oo loo weeciyay Garoon kale oo kuyaala magaalada...
----------------------------

Diyaaradaha Jaadka ka keeni jiray dalka Kenya ayaan maanta kasoo degi doonin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magalaada Muqdisho, waxaana diyaaradahaasi loo weeciyay kana soo dagayaan Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar

Ganacsatada Jaadka keena magaalada Muqdidsho ayaa sheegay in lagu kordhiyay canshuurta ay Wasaarada Maaliyada ka qaado jaadka garoonka Diyaaradaha Adaan Cadde laga soo dejiyo, waxa ayna ganacsatada sheegeen in ay go'anasadeen in aysan jaadku kasoo dejin garoonka Muqdisho.

Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa la sheegay in lacago dheeraad ah oo canshuur ah ay kusoo rogtay Diyaaradihii jaadka keeni jiray magaalada Muqdisho, waxa ayna taasi keentay in ay is fahmi waayaan ganacsatada iyo Wasaarada Maaliyada.


Maalin walbo garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kasoo degi jiray Afar diyaaradood oo jaad sida, hada ahaatee diyaaradahan ayaa maanta ka degi doona Jowhar waxaana jaadka Muqdisho kusoo gali doonaa dhinaca dhulka.


Inta badan Diyaaradaha Jaadka keena Muqdisho ayaa la sheegay in uu iska leeyahay Xildhibaan Cadow Cali Gees oo horey isugu soo sharaxy xilka Madaxweynaha, waxaana Xildhibaanka iyo Madax katirsan Hirshabelle waayadan wadeen qorshe Diyaaradaha Jaadka loogu wareejinayo Garoonka Cisaley oo dib loo howl galinayo .

Mashaariic Laga Fullinayo Soomaaliya



                           
                                    
 20th April 2017   
---------------------------Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi ayaa ku dhawaaqay ineey ku tabarucayaan lacag dhan 330 miliyan oo  Dirham oo u dhiganta $89.9 milyan oo dollar. Lacagtan ayaa wax looga qaban doonaa mashariicda horumarineed ee laga hirgellinayo dalka Soomaaliya sida kaabayaasha dhaqaalaha iyo barnaamijyada kalle.
Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi waxeey sheegeen in ujeedada ay tahay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhibaatooyin dhaqaale ee heeysta, shaqooyin loogu abuuri lahaa iyo sidii kor loogu soo qaadi lahaa heer nololeedka dadka.

Waxaa dhab ah haddii lacagaha caalamka ay ku deeqayaan Soomaaliya sideey tahay loogu fulliyo mashaariicdii loogu talagalay ay dhab tahay in wax badan ay isbeddelayaan.

ICBM Madness in North Korea and China’s Mission Impossible

Tuesday, April 18, 2017

CIA-NATO Press for Turkey-Russia War

Akhriso -Sirta .....!!

                                         

AKHRISO SIR: CIA iyo Chigaco Tribune oo baahiyey Sir ku saabsan Shidaal baarista Soomaaliya
Mar 4, 2017 - j
-------------------------------
Sida uu qoray wargeyska Chicago Tribune cadadkiisa soo baxay March 22, 1948, Itoobiyadii Haile Sellasie waxay heshiis 50 sannadood, oo dhammaan xuquuqda shidaal baarista la wareejinayo, la gashay shirkadda Sinclair Oil Company ee Americanku lahaa sannadkii 1945 si ay shidaal uga baarto dhulka Soomaali Galbeed (Ogadenia). Saddex sannadood ka hor, Haile Sellaise waxaa xukunka ku soo celiyay Ingiriiska kaddib markii uu ku duulay, xukunkana ka tuuray Talyaaniga. Heshiiskaas oo u dhaxeeyay Itoobiya iyo shirkadda Maraykanka laga la tashadayna gumeysiga Ingiriiska ee gobolkaas joogay, waxaa ka carooday shacabka deegaanka iyo ururkii xoriyad doonnka SYL.
Sida ku cad qoraalada Hey’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA) ee la qoray 24 October 1947, ururkii SYL ee uu markaas madaxda u ahaa Xaaji Maxamed Xuseen, ayaa August 6, 1947 waxay warqad u direen taliyaha Ingiriiska ee gobolkaas, asagoo u sheegay in Soomaalida ay Itoobiya ka xuroobi doonnaan, Sinclair­na ay Soomaali mooye cid kale heshiis la gali karin.
Isla bishaas August 8­9, waxaa socda kacdoon ay dhalinyaradu sameynayaa, sida ku cad Chicago Tribune iyo CIA qoraalkeeda. Dhalinyada gawaarida shirkada oo wada geologist­yaasha ayay ku hareereeyeen meel u dhow Dhagaxbuur, waa xabadeeyeen, qaarkood waa la xiray, booliska ayaa kala eryay. Kacdoon culus ayay qaadeen.
Ayadoo ay SYL­na ay leedahay Soomaali xur ah keliya ayaa heshiis lala geli karaa, dhalinyaradana ay mudaaharaadayaan, waxaa isla bishaas August 14, 1947 oday dhaqameedkii Wardheer Sultan Rafleh Guuleed, wuxuu la shiray Guddoomiyihii Degmada (DC) ee Ingiriiska ahaa, wuxuuna weydiistay in shidaalka la helo, gunnadiisa (royalty) wax laga siiyo, DC­gii wuu ku ganacsayray. Markuu hungoobay codsigiisa, maalintii xigtay Suldaanka wiilkiisa Duulane ayuu ku daray wakiilkii SYL ee deegaankaas Maxamed Rashiid, si ay Sinclair toos ula kulmaan uguna sheegaan in ay dhulka Soomaali leedahay. Ayadoo shirkaddii la la fadhiyo ayay is khilaafeen, Dulane wuxuu yiri gunnada shidaalka Suldaanka ayaa leh, halka Rashiid uu yiri SYL ayaa leh.
DC­ Ingriiska ahaa oo shirkaas ka war helay ayaa amray in aan Soomaali dambe shirkaddu la kulmi karin asagoo aan goob joog ahayn.
Markii labada isku day lagu hungoobey, Sultan Rafle wuxuu saxiixay warqad ay wada qoreen guddoomiyihii SYL Xaaji Maxamed Xuseen September 1947, taas oo looga dalbanaayo shirkadda in ay ujeeddadeeda, shaqaalaheeda caddeyso, fasax aan Soomaali ka imaanna ku shaqayn karin, haddii kale Qaramada Midoobay ay ku dacweyn doonnaan.
Markii uu Suldaanka warqaddaan saxiixay, Marquis W.G Serra, oo Sinclair madaxdeeda ka mid ahaa, wuxuu bilaabay qorshada ah in beelaha Soomaalida la kala furfuro. Roger McDonald ayaa arintii u sheegay Ingiriiska, Sinclair shaqadii ayay ka fadhiisiyay.
Wasiir British ah ayaa kaddib ku amray shirkadda:
  • Marquis Serrra oo jinsiyaddiisa ka been sheegay iyo labo nin oo beelaha kala furfuraya shaqada laga saaro.
  • In heshiiska ay Itoobiya la galeen ay keennaan
Sidoo kale September 26, 1947 ku xigeenkii jandarmada British­ka ayaa ku amray shirkadda:
  • In dhammaan wixii tarjumaan ah ee British Somaliland ka socda lagu beddelo kuwo uu asaga keensado.
  • In isku duwaha xafiiska Geologiyadda shaqada laga saaro. 3­ In dhammaan wiilasha Isaaqa ah ee u shaqeeya lagu bedelo kuwo kale, ama Muqdisho laga keenno.
Sida uu qoray Chicago Tribune, dhallinyaradii mudaaharaadka ma joojin, illaa odayaasha ay ku soo biiraan, arrintiina ay noqoto kacdoon cirka isku shareeray. Horraantii 1948, 21 sarkaal oo ciidan iyo diplomaasiyiin British ah isugu jiray, ayaa culeyska markii ay xamili waayay (sida ay sheegeen) waxay shaqadii ka joojiyeen shirkaddii Sinclair.
Qoraal dad Soomaali ah ay qoreen ayaan arkay oo la leeyahay Sultan Rafle wuu la dagaalamay Sinclair, laakiin sida CIA qortay waxaa muuqata in uu rabay oo keliya in qarashka shidaalka qeyb laga siiyo, halka SYL ay ku doodaysay in fasax Soomaali mooyee cid kale laga qaadan karin. Wixii run ah Ilaah baa og.

Shidaal hanti iyo halaag ba wuu yahay, in lagu halaagsamo waa sahal, in hantiile lagu noqdana shaqo culus ayay u baahan tahay.