Tuesday, May 28, 2019
Saanna Waa Dhacddaa
﷽
-------★ ★Shaydaan ayaa lawaydiiyey 👉 su'aalahan nacalad haku dhacdee..
1) Yaa kula fariista?
Wuxuu yiri qofka ribada cuna.*
2 ) Yaa kula sxb ah?
Wuxuu yiri qofka sinaysta.*
3 ) Yaa kula seexda?
Wuxu yiri qofka maan dooriyaha caba.*
4 ) Yaa weeye martidaadu ?
Wuxuu yiri waa tuuga.*
5) Yaa weeye rasuulkaagu ?
Wuxuu yiri waa sixiroolaha.*
6 ) Yaa weeye kay indhahaagu ku qaboowsadaan ?
wuxuu yiri kan ku dhaar fura xaaskiisa*
(Xila furaha)
7) Yaa weeye xabiibkaaga aad jeceshahay ?
wuxu yiri waa taariku salaadka jimcaha.*
8) Maxaa dhabarka kaa jabiya ?
wuxuu yiri dananka fardaha markay jihaadka ku jiraan*
9) maxa jirkaaga tubaxiya ?
wuxu yiri ruuxa towbad keena*
10) Maxa beerkaaga bisleeya?
Wuxu yiri astaqfaarta badan ee habeenkii iyo maalintii*
11) Maxaa wajigaaga daboola (madoobeeya) ?
Wuxu yiri sadaqada sirta ah.*
12) Maxa indhahaaga daboola?
wuxuu yiri salaada fajariga (salaad subaxa)*
-------★ ★Walaal hakala bakhaylin inaad faafiso waayo qof ubaahan xogtan ayaad u fududeyneysaa insha Allah
qofkii faafiya alle danbigiisa ha dhaafo ....
👉 Aamiin
Thursday, May 9, 2019
Cid waliba oo Cadaw Ku Ah Soomaaliya Waxay u Haliilaysaa in ay Micida Darto Hilibka Soomaalida
Khabiir Lagu Magacaabo Axmed Shaakir oo ku Takhasusay Arrimaha Geeska Afrika Ayaa yiri Cid waliba oo Cadaw Ku Ah Soomaaliya Waxay u Haliilaysaa in ay Micida Darto Hilibka Soomaalida.
===========================================================
Xog-ogaal ajnabi ah. Guddoomihii hore ee haya’dda caalamiga ah, Refugee International, Kennith Bacon, oo soo koobayey warbixin haya’ddiisu ka diyaarisay xaaladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay dhibaatada Soomaaliya inuu ka masuul yahay Maraykanku. Sidaa awgeed wuxuu ka codsaday Maraykanka inay beddelaan waxa ay Soomaaliya uga talagaleen. Hadalkiisii oo kooban waxaa laga sii daayey, ee qofkii u baahan ka dhageysan karaa idaacadda BBC World Service, Laanta Af-Soomaaliga, 19/11/2008.
Talyaaniga, asaguna lugta weyn ee uu ku leeyahay burburinta Soomaaliya xeeldheerayaal kala duwan ayaa hore farta ugu fiiqay. Tusaale waxaan u soo qaadanaynaa khabiirka lagu magacaabo Wolfgang Achtner oo qoray diraasad halkudheggeedu yahay ‘The Italian Connection: How Rome Helped Ruin Somalia’ oo af-Somaali ku noqonaya ‘Ku lug lahaanta Talyaaniga: Sidii Roma gacan uga geysatey burburinta Soomaaliya’ (Washington Post, 24/1/1993).
Dhinacyada kale ee qaybta libaax ka qaatay burburinta Soomaaliya, welina si dadban u hortaagan nabadda iyo xasilinta dalkan waxaa safka hore kaga jira waxa loo yaqaan haya’daha caalamiga ah ee samafalka (international aid agencies), dahsoon, dhibaatada Soomaalidana ka dul-taajirey, wallow ay jiraan qaar bixiya gargaar loo baahanyahay, qaddar kasta ha ahaadee. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”qaylo yeertaaba qolay dan u tahay”. Sida ay qoladani uga qaybqaadatay, ugana faai’deysatey burburka iyo dagaalka Soomaalida faahfaahinteeda waxaan iyana u deynayaa xog-ogaal kale oo reer galbeed ah. Waa Suxufiga caanka noqday, Michael Maren, ahna qoraaga buugga caanka ah, Road to Hell (Waddada Naarta) buuggaas oo uu daboolka uga qaadayo dibindaabyada dahsoon iyo xuma-falka ay ku dhaqmaan haya’adaha “sama-falku”. Wuxuu ka mid ahaa dhallinyaro muddo badan u shaqaynaysey haya’daha “sama-falka” caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlgala. Diraasad dheer oo uu cinwaan uga dhigay ‘How the Culture of Aid Gave us the Tragedy of Somalia’ (The Village Voice, 19/1/1993), Michael Maren wuxuu qeexayaa waxa Soomaaliya burburiyey in ay ahaayeen gacan ajnabi oo adeegsanaysey siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ay xaaraan ku heshiiyeen. Wuxuu qeexayaa qaybtii libaax ee “haya’daha samafalku” burburintaas ka qaateen. Halkan laguma soo koobi karo xog-ogaalka aan Soomaalida ahayn ee marar badan daaha ka rogey shirqoolka Soomaalida loo maleegayo, iyaguna ka indha la’yihiin. Keliya waxaan idiin raacinayaa xog-ogaal Carbeed oo si damqasho ku jirto farta ugu fiiqaya dhinacyada aad u kala duwan haddana ka midaysan joogtaynta dagaalka iyo dowladla’aanta Soomaaliya, taas oo uu midkood waliba dantiisa ka dhex arkay. Waa khabiir Masar u dhashay Ingiriiskana deggen oo ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika. Magiciisu waa Axmed Shaakir. Telefishinka afka dheer,Almustaqillah, ayaa ku marti-qaaday barnaamij toddobaadle ah oo lagu magacaabo XALAQAT ANIQAASH. Mowduuca toddobaadkaas wuxuu ahaa ‘Eedda Carabtu ku leedahay waxa Soomaalida ku Dhacaya’. (Almustaqillah, September 2009). Xeeldheere Axmed Shaakir, oo cuskanaya xog badan oo uu ururiyey, wuxuu tilmaamay inay jiraan dhinacyo badan oo siyaalo kala duwan ugu lug leh xasilidla’aanta Soomaaliya, sababta kore awgeed. Wuxuu la-yaab ku tilmaamay inay arrintaas ka midaysan yihiin dhinacyo sidooda kale cadow isu ah, sida reer galbeedka iyo argagixisada caalamiga ah; Carab iyo Yuhuud. Axmed Shaakir, intuu damqaday ayuu kor ugu dhawaaqay oraah wax weyn xambaarsan. Wuxuu yiri. “KULLUL ADRAAS TANHASH FI ALLAXAM ASOOMAALI!” (Cid waliba waxay u haliilaysaa inay micida darto hilibka Soomaalida).
Halkan waxaa xusid mudan, dhinacyada kala duwan ee ay muuqato inay sannadahan dambe ku lug lahaayeen fashilinta geeddi-socodka nabadaynta iyo soo celinta dowladnimadii Soomaaliya, laguma doodi karo inay ku wada lug lahaayeen burburintii hore ee dowladnimadii dalkan. Waxaa la qiyaasi qaraa qaar badan oo ka mid ah inay marar dhexe arrintan ku soo lug yeesheen, ka dib markay fursad dan u ah ka dhex arkeen dal ayan ka jirin dowlad ilaalisa, ayna ka oogan yihiin dagaal iyo fawdo wax kasta lagu dhex qarin karo. Fursadahani way kala duwan yihiin. Tusaale ahaan, argagixsada caalamiga ah waxay fursad u arkeen waddan aan dowlad lahayn oo ay xornimo buuxda iyo baqdinla’aan ku gali karaan, saldhigna uga dhigan karaan; dillaaliinta caalamiga ah ee hubka waxay fursad u arkeen dal dagaal ka ooganyahay oo ay hubka u iib-geeyaan; ma aha wax qarsoodi qaybta libaax ee ay qolyahaasi ka qaataan hurinta iyo joogtaynta dagaallada colaadaha, dunida oo dhan; dowladihii Soomaaliya u ciil-qabey amase colaaddu ka dhexayn jirtey waxay u arki karaan fursad ay yiraahdaan “gaalaa god iigu jiree garruunka ii keen!” sida Soomaalidu ku hal-qabsato; iwm.
Waxaa jirta maahmaah Carbeed oo tiraahda, ‘Marka biciidku jabo middiyuhu way bataan’. Habar waliba middi bay la soo oroddaa si ay cadkeeda u goosato! Dadkaas raqda ku soo qamaamay ee hilibku u hillaacay haddii lagu yiraahdo “neefka la qalan mayee waa la kabayaa ee nala qaada” lagama fili karo inay dar Ilaahay u oggolaadaan. Waxay u badantahay inay hoos ahaan u sii jajabiyaan addimmadii fayoobaa! Waa sawirkaas waxa Soomaliya maanta yaal.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: M.D.Afrax.
Sunday, May 5, 2019
Somali Ha Noolaato !!
﷽ #Cidna Uma Maqana!
#Ceelna Uma Qodna!
------★ ★ wadatashi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa goor dhow ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
●~---- qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, Amniga, qeybsiga kheyraadka, doorashada 2020/2021, iyo nooca ay noqon doonto.
#Ceelna Uma Qodna!
------★ ★ wadatashi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa goor dhow ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
●~---- qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, Amniga, qeybsiga kheyraadka, doorashada 2020/2021, iyo nooca ay noqon doonto.
Tuesday, April 23, 2019
------★ ★ Cidna Uma Maqana Ceelna Uma Qodna ------★ ★
#Ceelna Uma Qodna ------★ ★
Yaa U Sabab ah Dowlad-burburka iyo Dagid La’aanta Soomaaliya? ( Fadlan Walaal Akhri Qormo Dhab ka Hadal ah oo Arimahaas Iftiimineysa )
Yaa ka dambeeyey burburintii dowladnimadii Soomaalida? Yaa hortaagan in dib loo soo celiyo? Yaa hoosta ka hurinaya dagaalka sokeeye ee aan dhammaadka lahayn sababtiisana la garanayn? Muxuu u dagi la’yahay dalkani halka ay quwadaha Reer Galbeedku wada dajiyeen, dibna u dhiseen dalalka kale ee ku burburaay dagaal sokeeye oo ka qota dheer kan Soomaalida? Yaa fashiliya heshiis kastoo la gaaro iyo dowladdii dib loo yagleelaba? Arrimahaas isku wada xiran, ma waxaa ka masuul ah annaga Soomaalida ah? Ma waxaa hoos ahaan uga shaqaynaya shisheeye naga awood badan oo dantooda ka dhex arkay daagaalka iyo dowladla’aanta? Mise waa labadaba? Jawaabta runta ah waxaa muuqata inay tahay labadaba. Sida ay labadaba u tahay iyo labada dhinac midba qaybta uu ka qaatay hoos ayaan ku faahfaahin doonnaa.
‘Laxiba shillalkay is dhigtaa lagu qalaa’
Waxaa jira muran soo noqnoqda. Dad badan oo Somaali ah ayaa marka ay cidi soo hadal-qaaddo inay jirto gacan shisheeye oo hagardaamo wadda ama cadow dibadeed oo si dadban uga shaqaynaya dhibaatada Soomaalida waxay la soo boodaan ‘Waar Soomaalidu iyadaan dad ahayn ee ma jirto sabab ay cid kale ku bar-tilmaameedsato!”. “Beesha caalamku aad ayay noogu dadaashay ee annagaa wax qabsan kari weyney”. “Eedda annagaa leh ee waxba yaynaan cid kale eedayn”. Ma dhab baa taasi? Maya iyo haa. Waa run inaan annaga Soomaalida ahi leennahay ‘eed’ weyn. Waa run in waxa sida tooska ah u burburiyey dowladnimadii ay yihiin keli-talis, musuqmaasuq, caddaalad-darro, waddaniyadla’aan, sakhrad qabyaaladeed iyo kursi-doon indhala’ oo intaba ay ku kacayeen dad Soomaali ah, Soomaali oo dhan ma ahee masuuliintii siyaasadda. Intaa oo dhan ciddii tilmaantaa been ma sheegin, waana cudurro haddaannaan iska daweyn aannaan dowladnimo hanan karayn. Waxayse dadka badankoodu ka indha la’yihiin laba xaqiiqo oo tan garab-yaal: xaqiiqda koowaad waxay tahay, cudurradaas dhammaantood ma aha wax Soomaalida u gaar ah. Waa cudurro ama cillado ay nala wadaagaan dhammaan dalalka Afrika, dunida Carabta iyo guud ahaanba dunida saddexaad inteeda badan. Dalalkaas oo dhan iyagoo nala wadaaga cudurradaas ayay haddana ka badbaadeen burburka aan ka kici kari la’nahay.
Waa maxay sababtu?
Xaqiiqda labaad, ahna sababta aan u badbaadi weyney: xuma-falkii ay ku kacayeen siyaasiyiin Soomaali ah oo ummaddan hor boodayey dhawr iyo soddonkii sano ee la soo dhaafay, welina ay jiraan qaar halkii ka sii wada, ma ahayn wax aan dhaafsiisnayn soomaalida, balse waxaa ku dhex jirtey oo kaalin weyn ka ciyaaraysey gacan shisheeye (dib baan ka faahfaahin doonnaa). Xuma-falayaasha madax-ku-sheegga ah waxay goor walba ku xiran yihiin shar-wadeen ajnabi ah, si uuna fahmi karin qofka caadiga ah. Taas ayaa ah sababta ugu weyn ee cudurradaasi annaga Soomaalida ah noo dileen dalalkii nala qabeyna u dili waayeen. Dalalkaa kale qudhoodu kama badbaadsana faragalin dibadeed,waxaase kala duwan nooca faragalinta, taas oo ku xiran nooca danaha laga leeyahay dal kasta oo ka duwan dalka kale.Cilladaha Soomaalida ee Burburka Fududeeyey Marka la qodobbeeyo, cudurada iyo cilladaha kor ku xusan waxaa ugu waaweyn kuwa hoos ku taxan:
1) Qabyaalad;
2) Hoggaan-xumo;
3) Caddaalad-darro iyo musuqmaasuq ay caadeysteen siyaasiyiin aan damiir lahayn. Waa saddexda aafo ee qaranimada curyaamiyey, dibindaabyada cadowgana albaabka u ballaqay;
4) Caaddifad indha la’ oo caqliga hawl-gab ka dhigta;
5) Saddexdaa kore oo dilay dareenkii qiirada waddaninimo;
6) Jahli iyo fiira-gaabni ay ugu darantahay tan garwadeenka siyaasadda;
7) Maalin-la-noolnimo – micnaha ku xisaabtanla’aan shalay iyo berri - shalay wixii la soo maray oo aan laga tilmaan-qaadan iyo berri waxa dhici kara oo aan laga gaashaaman ama lagu baraarugsanaan;
8) Xintan iyo xased ( heer qof iyo heer qabiilba) ;9) kala dambayn la’aan, taas oo iyada iyo xintanku burburiyaan isku-duubnida ummad ahaaneed, majaxaabiyaanna hoggaanka wanaagsan iyo halyeygii soo bixi lahaa;
10) Xusuus la’aan – “illowsho dhawinaa innagu Soomaaliyeey!” (abwaan Cabdi Muxumud Amiin).
11) U-fiirsila’aan iyo ka-fiirsi la’aan – wax kastaa orod bay nugu dhaafaan indhalaa’nna waan ugu boodnaa. Maskax waan leenahay kamase shaqaysiino
12) Garan-waa ama dhegweynimo/dhukanaan ay u sabab tahay u-fiirsila’aantu;
Ummad caqligeedii safar dheer ku maqanyahay!
Tusaale marag u ah labada qodob ee kore (10 & 11), waxaa ilaa maanta la la’yahay wax Soomaali ah oo u fiirsada,dersa, ka dibna fahma riwaayadda ay 25 sano nugu hoosaasinayeen waxa loo yaqaan “international community” Beesha Caalamka. Waa wax la-yaab leh inay muddo ka badan 25 sano Soomaalidu garan kari la’dahay in laga riwaayadaysanayo laguna dul shaxayo, lagu dul taajirayo, laga leeyahay qorshe kale, qorshe liddi ku ah waxa la maqashiinayo. Waxaan faham iyo u-fiirsi u yeelan kari la’nahay in xoogaggan shisheeye (ee ah cidda dhabta ah ee gacanta ku haysa go’aanka siyaasadeed ee Soomaaliya), haddii ay run ka tahay ama daacad ka yihiin waxa ay ku hadlaan oo ah inay Soomaalida ku caawiniyaan inay nabad iyo dowladnimo ku soo noqoto, in hadday taasi run ka tahay waddankan mar hore la dajin kari lahaa sidii loo dajiyey dalalkii naga darraa ee isla xoogaggani ku dajiyeen muddo aad u gaaban. Waxaan wada ogsoonnahay madaxda Soomaalidu inay degdeg u fuliyaan amarrada kaga yimaada beesha caalamka (UN, AU, IGAD, US, iwm) sida marka ay shir ugu yeeraan ama ku amraan inay iska xaadiriyaan waddan dibadda ah. Waxaan kaloo ognahay go’aannada muhiimka ah ee ka soo baxa shirarka Soomaalida inay yihiin wixii ay yeeriyeen xogaggaas dibaddu. Xad waxay gaarsiisan yihiin madaxda ugu sarraysa kii ay doonaan ay ku amraan inuu xilka ka dego, asna uu ku khasbanaado inuu u hoggaansamo (Farmaajo iyo dowladdiisii, Cabdullaahi Yuusuf, Adan Madoobe). Haddaba, sida amarradoodaas oo dhan ay Soomaalidu u fuliso ayaa loo fulin lahaa wax kastoo tallaabooyin ah ee ay amraan in dalka lagu dajiyo, dagaalka lagu joojiyo, dowlad awood leh lagu dhiso. Waqti kuma qaadateen balse xaqiiqda ayaa waxay tahay in ayan doonayn inuu dalkani dego oo ku soo noqdo nabad iyo dowladnimo.
Cilladaha kor ku taxan waa ayaandarro na haysata haddaan Soomaali nahay. Waa caqabado curyaamiya dadaalka qaran-dhiska. Ha yeeshee waa qalad in waxa keliyee naga hor-muuqdaa ay noqdaan ceebaha iyo cilladaha aan leenahay. Xilliyada burburka iyo dhibaatada waxaa bata is haaraanka, is-eedaynta iyo is liididda. Marka ay is-biirsadaan taas iyo magac-dilka cadowgaagu si dadban kaaga dhaadhiciyo waxay dishaa ku-kalsoonida naftaada iyo kartida waxqabsigaaga.
Waxay kuu hoggaamisaa is-karhid, is-dhiibid iyo quus loo dhinto. Sida ummadaha kale, Soomaalidu waxay leedahay sifooyin aad u wanaagsan oo ka badan kuwaas aan wanaagsanayn ee aan soo tilmaanay. Dunida ma jirto ummad aan cillado lahayn. Qaar naga cillado badan ayaa ka nabad qaba ama ka sara kacay burbur iyo colaad sokeeye. Sababta Soomaalidu u badbaadi weydey ayaa haddaba tan ah: Ducfigeedu waa halkiisee, Waxaa u soo tafa xaytey cadow caynado badan, oo shaarar kala duwan ugu soo hoos gabbaday, oo ka faai’deystey cilladahaas iyaga ah. Sidii aan hore u tibaaxay, ducfigaas ayaa loo adeegsadey si aad u farsamaysan (highly systematic), oo ay Soomaalidu weli fahmi kari la’dahay.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qormadan.
Qalinkii: M.D.Afrax.
Sunday, April 21, 2019
Putin: 95% Of World Terrorist Attacks Are Made By The CIA
Putin: 95% Of World Terrorist Attacks Are Made By The CIA: Vladimir Putin yesterday said that “95% of the world’s terrorist attacks are orchestrated by the CIA,” and the St. Petersburg metro bombing must be investigated “with this in mind.“ Putin said: “If the CIA have Russian blood on their hands, they will forever regret stirring the Russian bear from its peaceful slumber.”
Tuesday, April 16, 2019
#MURTIDA #Maanta.. ( Hadal Ku Dhan)
Nin haduu naag furo, naagtiyaa nin kale guursatay oo si fiican u dhaqmee haduuu maqlo waa dhibee"
SIYAASI SALAAD CALE JEELLE.
Burburkii D.Somalia ka dib !
﷽ -------★ ★ . Haddii dowladnimada Somalida "PuntLand "Laga dhigo sidii dukan Ama wakaalad reer gaar ah leeyahay ooy Maamulan, wax walba waxaa loo arkayaa iney ku saleysan tahay mabda' faa'iido iyo khasaaro.
Haddii dowladnimadeennii noqotay sidii
Dukaan laga qaato ama laga helo raashin iyo Lacag, maxaa diiday in maamulaheedda yahay Kan faa'iideystay, ummadda iyo shacabka oo Dhan iney yihiin kuwii khasaaray!! ------★ ★
Subscribe to:
Posts (Atom)



