Tuesday, November 12, 2019

LA YAABKA SIYAASI KU SHEEGA!!




                   
ARAGTI:- LA YAABKA SIYAASI KU SHEEGA “ZHILAOHU-YADA” SOOMAALIDDA EE MAALINBA MID ISAGU HORTEENA ISKU SHAQSIYAD IYO SHARAF DILAYO, INAGA IYO ADUUNKUNA LA YAABAN NAHAY?!

Siyaasiga Soomaaliga badankood oo ah Zhilaohu’s waxaa inoo sii sheegay qoraagii weynaa Shi Nai’an ee noolaa sanadihii 1296–1372, soona gaadhay bilawgii Ming Dynasty, ee bal ila dhugta anoon ku dheeraanayn!

Akhristoow Qarnigii 14aad, bilawgii taliska  silsiladaha boqortooyooyinkii dalka Shiinaha oo xiligaa ku beegnay kuwii la oran jiray Ming Dynasty, waxaa jiray qoraa can ahaa oo ka tegey buuggag iyo aragtiyo fara badan, inkastoo kuwa badan oo guracani ku jireen, ayaa Qoraa la oran jiray Shi, Nai'an mid kamida buugtii uu qoray kaga sheekeyey tilmaan caan noqotay marka laga hadlaayo Siyaasiga soo kuday, Siyaasiga Ceedhiin ama Gahaydhka ah, siyaasiga lasoo ciyaarsiiyey, siyaasiga aan sida organic-ga ah u soo korin ee bello inagu soo halgaaday, taasoo uu ugu yeedhay Zhi Laohu oo macnaheedu yahay SHABEELKII WARQADA ka samaysnaa amaba “Paper Tiger”.

Odhaahdaas oo malaha noqon karta af Soomaaliga “Madhane wax la mooday noqonse waayey” waxaa si fiican u suuq geeyey oo aad u isticmaali jiray hogaamiyihii Shiinaha ee Pres. Mao, isagoo reer galbeedka dadkiisa ugu sheegi jiray inaanay ka biqin oo reer galbeedka siiba Maraykanku yahay Zhi Laohu ama Shabeelkii Warqada / Paper Tiger.

Bisayl iyo aqoondarada hogaamiyeed ee Soomaalida Xagan, Xagoo iyo Xageer ayaa dib ii xusuusisay buugaa iyo magacaas oon xili hore akhristay, hadiise aanba kusoo dhowaado Hogaamiyayaasha iga Zhi Laohu-loobay asbuuc yadan dhow, ma ila aragteen?!

1- Zhilaohu - Pres. Deni oo Su’aal basiid ahi dhalaalisay oo hanjabaad iyo dhirif ka qaaday, kana baxay dhamaan asluubta dawladeed, siyaasi iyo hogaamiye intaba kuna sifoobay nin fartu gaadho oon lahayn dulqaad, fahan iyo biseyl siyaasadeed isagoo runtii ayba madashu u salaxnayd! Zhilaohu baan ahay buu isagu madashaa inooga sheegay!

2- Shacab, Madax, Isimo iyo Culimo oo dhan oo la hoganayo uu sidii inan yaroo dhoocil ah oo kale cadhoodo is buuf buufiyo, albaabkana boobo ilaawana dhamaan waajibaadkii hogaamiye-nimo, waayeelnimo iyo masuulnimo, umadii lagu casumay madashana cidla kaga cararo, taasoo inoo sheegtay Zhilaohu baan ahay isagu madashaa inooga sheegay!

Hadii uu kala degey saacado, maalmo kadib, Hogaamiye-nimo ma uusan ina tusin, muu sawiran madashii uu dhirifka kaga soo baxay iyo miisaankeeda, ilaa maantana ma uusan bixin raali gelin miisaan iyo sharafta kusoo celin lahayde, waa dhegeelooyey, mar kaleeto buu WITIRKA inoo maray Walaahay Bilaahay Tolaahay Zhilaohu baan ahay!!

3- Fahan daro nidaamdka dawladeed iyo golayaasha darteed uu isla sii baxay oo dacwad ku soo oogay Xildhibaan shaqadiisuba tahay su’aal iyo imtixaamida xukuumada dawlada, taasoo xaajo kasii dhigtay INAA LILAAH HADUU DIB USII GO’AY ZHILAOHU-gii!

4- Mooshin iyo Ridid Raysal Barlamaan ma ahan shay uguba Xagan, Xagoo iyo Xageer, Puntland bayba xukuumad kasta oo soo martay ka dhici jirtaye, Dharar, Dhirif iyo duulaan ku suntay dhiigyacab inuu xukunkiisa oo sanad jirin ku baleeyo, maydkii iyo dhaawacii oo yaala, xildhibaanadii oo fasax ay 100% raali ka ahaayeen ku jira sida Gud. Ku. Xigeenka Gudiga Dastuurku sheegay, inta uu isniinta sugi lahaa dib u furanka ayuu waxaas oo mashaqo oo dhacday ka dhigay farsama xumo Daahir Yaa Shamis dawlad iyo sharci la’aan, uuna iminka kaba masiir liito hada kii uu ridaayey, xukunkiisuna lumiyey dhamaan wax alaale iyo wixii ixtiraam dawladnimo! Zhilaohu baan ahay buu isagu inoo sii sheegay markale!

Sidiisii ilayn waa Siyaasi Ceedhiin ahe 'Zhilaohu' xitaa shacabkii iyo askartii caruurta ahayd ee uu isku jaray iyo dhaawacii tacsi kamuu dirin mana hadlin, ileeyn tan oo kalena waa u danbeeysay Puntland¿???!!!

Iga rumeeysta, WA SUMA WALAAHAY President Deni waxaa ka muuqda iyo siduu u socdaa waa Zhilaohu Pres. Deni ama u sacbi ama jecloow ama kursi ka riixanaysay, anaa intaba midna ahayn qirayna BISAYL LA’AAN inay ka muuqato, ha is daba qabto in shaa allah!

5- War mayla aragteen yaabaye, Zhilaohu’s – Pres. Sheikh Shariif Axmed oo mar magaceena oo dhan madaxweyne u sheegan jiray, oo iminka Zhilouhu-nimadii kusoo baxday kuna hadaaqaya Muqdisho ayaan dagaal sokeeya ka ridayaa Suma Walaahi!

Kaaga darane hada Zhilaohu Pres. Sheikh Shariif wuxuu rabaa una sharaxan yahay doorashada 2021!

Aryaadha, belaayada Zhilaohu-yada ma tirin karno oo tiraday ka bateene, maanagaa tirin kara duulka la inaku khasifay, ee labadaas asbuucan haydinku filaato.

Waar Zhilaohu hore loo aragye kuwo intaa tiro le'eg oo isku waqti iyo hal dal kuwada nool baan hore aduunka loogu arag waana wax laynagu khasifayaa dunuub wadareed aynu geeysanay welina aynaan ka toobad keenin!

NB:- Aragtideydu ma ahan magac iyo sharaf dil madaxdaa iyaga ah, dadnimadoo, shaqsiyadooda iyo reerahooda toona wax kama sheegin, laakiin miisaankooda iyo hab maamulkooda siyaasadeed oo madasha taal ayaan sifeeyey, adigu shaqsiyadooda hoos hawgu degin.

Guuleeysta.
  Qoraagg-  Faisal Hawar.

Tuesday, October 1, 2019

Madax Xanuunka System ka Farmaajo


                                 


Sida uusan hal darawal gaarigaas uga bixi Karin bacaadka ayuusan Soomaaliyana Madaxwayne kaligiis uga samatabixi  karin Dhiiqada soddon sano jirsatay, haddii aan la Helin rakaab gaariga gadaal iyo dhinacyada ka Riixa.

✔ LIKE ✔ SHARE  ✔ COMMENT
haddii Aad igu raacsan tahay.

Friday, August 23, 2019

khilaafka Deni iyo Karaash!! !!

Musharraxiintii Puntland oo lix qodob ka soo saaray khilaafka Deni iyo Karaash!!

August 23, 2019
Garoowe (Badbado News) –
Qaar ka mid ah musharraxiintii sanadkan xilka madaxweynenimo kula tartamayey, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa ay war ka soo saaray khilaafka culus ee u dhexeeya isaga iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi (Karaash).

Musharraxiintan oo soo saaray illaa lix qodob ayaa eedeymo kulul u jeediyey madaxweyne Deni.

Halkan hoose ka qriso:

Annagoo ah siyaasiyiin iyo masuuliyiin u danqanaya Puntland, waxaan in mudda ah si dhow u la soconnay xaaladda Puntland ay ku sugantahay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo tan Siyaasadda, mudaddaas oo dhan indhaha uun baan kala soconnay, annagoo raja ka qabnay in xaaladda wax laga baddali doono, laakin nasiib darro; waxay gaartay xaalad aan marnaba laga aamusi karin maxaa yeelay xil goonni ah ayaa naga saaran, maadaama aannu nahay kana mid nahay masuuliyiinta u danqanaya dadkooda iyo dalkoodaba.

Maanta shacabkii waxay taaganyihiin xaalad aysan raalli ka ahayn sida xukuumadda hadda jirta wax u maamulayso, qabaa’illadu waxay bilaabeen si goonni, goonni ah ay aayahooda uga tashanayaan una shirayaan, waxay taasi ka turjumaysaa saluugga ay qabaan meesha uu gaarsiisanyahay, waana arrin wal-walkeeda leh oo Puntland midnimadeeda iyo wada noolaanshaheeda khatar galin karta.

Xaaladda isfahan-waaga ee xukuumadda ka dhex aloosan ee ay la kowsatay haddana bannaanka u soo baxay iyo khilaafaadka siyaasadeed ee soo deg-degay oo u dhexeeeya madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland waa mid iyaduna walwalkeeda leh oo ku tusinaysa heerka habacsanaan iyo burburka dhinaca siyaasadeed ay Puntland la ildarantahay maanta.

Puntland waa dhul lawada leeyahay oo ay tahay qof kastoo innaga mid ah inuu buuxiyo doorka iyo kaalinta ku soo aadda.

looga gudbo xaaladda Puntland ay marayso maanta xukuumaddana ay u noqoto mid ka shaqaysa danaha Puntland oo iyadoo isla jaanqaadsan shaqeysa, waxaan kula talinaynaa qodobadaan hoos ku xusan:-

Waxaa muqadas ah midnimada gobolada Puntland, iyo ilaalinta soodimaha/xuduudaha ku astaysan dastuurka dowladda Puntland. Waxaana waajib ku ah dawladda adkaynta ammaanka gobollada gacanta ku jira iyo soo celinta kuwa maqanba. waxay Puntland 21-kii sano ku gashay jiritaankeeda dagaalo culculus oo badan oo ay naf iyo maalba u hurtay, oo ay ugu danbeeyeen kuwii sanadkii hore, cid goonniya oo Puntland ka tirsan kama geli karto waan-waan iyo tanaasul, waxaana ugu baaqaynaa shacabka inay u midoobaan difaaca dalkooda..

Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Puntland Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan inay ku dhameeyaan wadahal iyo is-af-garad ayagoo u maraya xalinta khilfaadkooda si waafaqsan dastuurka oo aan dhanna looga leexan. Annaguana waxaan diyaar u nahay inaan dhex-dhexaadinno..

Xukuumaddu waa inay ku mashquushaa danaha shacabka Puntland oo ah inay gaarsiiso adeegyada baahida badan loo qabo.

Xukuumadda waa inay la imaataa nidaam maaliyadeed oo daah furan si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo xukuumadda, lagana saaro shacabka shakiga galay in shaqsiyaad ay hantidoodii u samaysteen akoona goonniya oo iyaga u gaara ah..

Waa in dawladdu ka dhabeysaa gaarsiinta waddanka nidaamka xisbiyada badan ee (qof iyo cod), taasina waxay u baahantahy la tashi salbaalaran iyo in waddada la qaadayo iyo hanaanka loo marayo uu noqdaa mid siyaasiyiintu iyo beesha caalamka ee daneeyayaasha dalkeenna ay aqbali karaan..

Waa in la dhowraa xuquuqda bini-aadmaka iyo xorriyatul-qowlka iyo madax bannaanida saxaafadda, wixii cabasha ah iyo kala duwanaansho aragtiyada siyaasadeed aan lagu wajihin cabsi galin iyo cabburin ee loo maraa waddo sharciya ee waafaqsan dastuurka waddanka u deggan.

SAXIIXAYAASHA BAYAANKA 1’AAD:-<l

MAGACA:-

1.Dr. Aadan Maxamed Ciise Gaadaale.

2.Jeneral Asad Cismaan Cabdullaahi.

3.Daahir Mire Jibriil.

4.Inj. Maxamed Cismaan CALI-MAAD.

5.Maxamuud Cabdi Axmed (Garlibaax)

6.Jeneral Siciid Maxamad Xirsi.

DHAMMAAD.

Friday, August 9, 2019


fredag 9 augusti 2019

Bar Ama Baro dhulkaaga Hooyo !!!



                       
           
   



Bar Ama Baro dhulkaaga Hooyo !!!
                 
Barookhle waa dhul beereedka ilaahay ina ku mineeystay . Marka xagee ka tirsan yihiin beerahaasi .

Barookhle waa dhul beereed soomaliyeed gaar ahaan Gobolka bari . Degmada Carmo u jiraan ilaa ilaa 15 km . waa beero ku caan ah Kharaadka Timirta .
                             
Waxaa ka loo laga helaa waxkasta oo lagu beero leh ciid ku haboon beerid , Cambaha , Seytuun , liinta kala duwan , canuuni iyo qaar kale oo badan .

Wadankeenu waa wadan aan la qorin kala duwaananshaha khayraadkiisa , waxaan dhalinyarada kula talinayaa in eey u guntadaan qorista iyo ku faanka dhulkeena Hooyo !!!     
Somaliya Somali Baa Leh.
qormadii :A. Ciid

Inga kommentarer:


Bar Ama Baro dhulkaaga Hooyo !!!



                       
           
   



Bar Ama Baro dhulkaaga Hooyo !!!
                 
Barookhle waa dhul beereedka ilaahay ina ku mineeystay . Marka xagee ka tirsan yihiin beerahaasi .

Barookhle waa dhul beereed soomaliyeed gaar ahaan Gobolka bari . Degmada Carmo u jiraan ilaa ilaa 15 km . waa beero ku caan ah Kharaadka Timirta .
                             
Waxaa ka loo laga helaa waxkasta oo lagu beero leh ciid ku haboon beerid , Cambaha , Seytuun , liinta kala duwan , canuuni iyo qaar kale oo badan .

Wadankeenu waa wadan aan la qorin kala duwaananshaha khayraadkiisa , waxaan dhalinyarada kula talinayaa in eey u guntadaan qorista iyo ku faanka dhulkeena Hooyo !!!       
Somaliya Somali Baa Leh.
qormadii :A. Ciid

Thursday, July 18, 2019

Qodbasiro iyo dano dhow, ma Guul beey keeni mise waxay dhaawaci Doonaan hiigsigii qaranimo Ee Federalka Somalia? 🇸🇴👏

﷽  -------★ ★  Qodbasiro iyo dano dhow, ma Guul beey keeni mise waxay dhaawaci Doonaan hiigsigii qaranimo Ee Federalka Somalia?  🇸🇴👏
• Maherka beenta ee qodbasirada ee lagu qasaayo sharciga wuxuu jabaa marka la ogaado ama waligu ogaado, haddaba Qodbasirada siyaasadeed iyo Qalin hoos ka saxiixa ma sharciga ku qas baa?

Hogaamiye -yaasha Dowladda Federaalka Heshiisyada aan Bulshada loosoo Bandhigin ee ay la gasho qaar ka mid ah Dowladaha, Shirkadaha, iyo Maamul Goboleedyada qaar ee dhamaantood ku dhisan Qodbasiro iyo dano dhow, ma guul beey keeni mise waxay dhaawaci doonaan hiigsigii qaranimo?

Haddaba Qodbasirada beenta hadmeey ogaan doonaan qoyskii lahaa mise isqarsigaan buu sharcigooda ahaan doonaa?.✍