Sunday, May 30, 2021

Maxaad ka ogtahay baaritaanada ay sameyso dowlada Soomaaliya xiliyada ay dhacaan qaraxyada iyo dilalka(Yaab)


                                                   


Waxaa magaalada Muqdishu ka dhaco badanaa falal kasoo horejeedo nabada iyo xasiloonida taasi oo ay ka dhalato khasaaro nafeed iyo mid hantiyeed , dhibkaasi badanaa waxa uu soo garaa dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan waxa ayna ka noqotay wax iska caadi ah in aanan wax la iska weydiinin cidda dhibkaasi geysatay iyo sababta wallow ay inta badan sheegtaan kooxda gooni u goosadka ah ee alshabaab laakiin su’aashu waxa ay tahay sheegashada al-shabaab ma tahay mid sax ah masa laga yabaa in loogu baaqay inay sheegtaan falalkaasi amni darada ku salaysan.

Hadaba hadii aan qormadayda gudo ayaa waxaa u kala qaadayaa labo qeybood oo muhiim ah

Tan ugu horeysa ayaa ah xaddiga baaritaanada ay sameyaan masuuliyiinta qaaabilsan amaanka iyo sirdoonka, sida aan ka war qabno hadii qarax meel ka dhaco waxaa durbadiiba goobta kusoo yaaco ciidamada dowlada oo isugu jiro nooc walbo iyo gaadiidka gurmadka dag dag ah oo islamarkiibada qaadayo dadkii dhaawaca ahaa geynayana isbitaalada magaalda muqdishu, kadib waxaa goobta yimaado madaxda dowlada oo haba ugu badnaadaan wasiirka aminiga iyo madaxda gobolka banaadir durbadiiba waxaa la qabtaa shir jaraa’id oo waxaad ka maqlaysaa “ Qarax ismiidaamin ayuu ahaa waxaana fuliyay kooxda alshabaab shacabka waa in ay nala shaqeeyaan waa u jeedaan waxa dhamaanayo waa ilmahiina iyo dadkiina ………..” Waa yaab yaa cadeeyay in qarax ismiidaamin ahaa yaase cadeeyay in alshabaab masuul ka yihiin dadka dhimanayane yaa ka masuul ah.

Waxaana halkaasi lagu xiraa kiiskaasi, oo qof danbo oo wax laga weydiina ma jiro xataa cid soo wareysato dadkii dhaacawa ahaa oo goobta goob joog ka ahaa ma jiro waxii dhintay waaba dhinteen xanuunka iyo dhiilada waxaa laga dareemaa guryaha dadka rayidka ahaa ee ku waxyeeloobay mana jirto cid u doodo iyo wax kadaba yimaado waxa ayna ka noqotay wax iska caadi ah oo waxii xunba xaawaa leh.

Ma ahan inaan kooxda shabaab difaacayo laakin qof asaga oo gurigiisa sii galayo biskood lagu dilay ma ahan inaan si fudud u dhahno kooxda shabaab ayaa dishay laakin waxaa loo baahan yahay baaritaan dheer in la sameeyo, waa sax in kooxda shabaab ay tahay kaliya awooda muuqato ee la dagaalanto dowlada iyo dadka wax galka ah ee bulshada laakiin kurdarso dhibka kasto oo ku gaaro mahan inaad hal dhinac u fikirto…

Tan labaad ayaa ah sheegashada kooxda shabaab marka horaba kooxdaasi nabad darada iyo dhibaatada ayay ku daba ganbataa oo waxa ay dili karaan waa dilaan waxii dano kale loo dilana waa sheegtaan si ay ugu faa’iidaysato marnaashaha sirdoon buuxo oo ka jiro wadanka sidoo kale waxaa moodaa in madaxda dowlada ay ayagaba u baaqayaan kooxda inay sheegato waayo durbadii ay wax dheceenba waxa ay dhahayaan kooxda alshabaab ayaa ka danbeysay maxaa diidayo in alshabaab ay sheegtaan ayagana..

Maxaa la gudboon dowlada si looga gudbo arintani ani ahaan waxa ay ila tahay in la xoojiyo laamaha sirdoonka ee dowlada ayada oo tababaro caalami ah la siiyo ciidanka sirdoonka si ay baaritaan buuxo ugu sameyaan sida ay wax u dheceen kuwaasi oo wada shaqeyn la yeelanayo hay’adaha sirdoonka aduunka waxaad dareemeysaa in magaalda ay joogaan qeybo ka tirsan ciidamada sirdoonka ee Mareykanka iyo Ingriiska laakin waxa ay u joogaan danahooda kaliya marka waxaa muhiim ah laga faa’iidaysto ciidamaasi lagu tababarto dhaliyarada fresh-ka ah kasoo baxo jaamacadaha, mida kale hadii ay taasi suurta gal noqon weyso waxaa haboon in heshiis lala galo heydahaha sirdoonka aduunka si ay baaritaano ugu sameyaan dhacdooyinka xanuunka badan ee kusoo lab laabto magaalda.

Ugu danbeyntii waxaan umada Soomaliyeed ugu baaqayaa in iska ilaaliyaan kooxaxa qaswadayaasha ah ee ka faa’iidaysanayo dhibaatooyinka gaamuray ee soo laablaabtay mida kale ogow hadii aad dhibka aragto oo aadan sheegin maanta adiga bari ayuu ku sameyn doonaa marka la soco dhaqdhaqaaqa dadka guriga kula joogo iyo dariskaadaba.!

Taleefan ku wada sheekeesanaayeen


                          
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa kala qabsatay ceeb aan caadi ahayn xilli ay Taleefan ku wada sheekeesanaayeen, iyadoona cod sir ah laga duubay.  - HALKAAN KA DHAGEEYSO CODKA SIRTA AH EE LA DUUBAY.


Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in lasoo wacay uuna soo wacay Cali Maxamed Geedi, waxaana sida codka idiin kaga muuqata ay ka hadlayaa arimo dowladda Soomaaliya ku saabsan.
Sheekh Shariif ayaa lagu qal qaalinaayaa inuu kaalin ka qaato kooxda qas wadayaasha Soomaaliyeed, hase ahaatee arinkaasi gaashaanka ayuu u daray oo waxa uu ula Hadlay Mr Geedi si aan la’arag.

Sirta ka dambeysa Maamul Goboleedyada

Sirta ka dambeysa Maamul Goboleedyada laga dhisayo Dalka Soomaaliya iyo qatar badan oo kasoo socota.



Marka aan u kuurgalay sababaha loo dhisayo maamulada Maamul Goboleedyada kala duwan ee Dalka waxa isoo baxay wax aan dowlada iyo dadka Goblada Dalka degan aysan la soconin sirta ku duugan. 

Tusaale ahaan maamulka Jubbaland aas aaskiisa wuxu sal ku hayaa dhulbalaarsi iyo weli awood siyaasadeed oo mustaqbalka miiska la soo saari doono oo ah. maamulkana dhisidiisa waxa ka danbeeyay dad ka soo jeeda beesha daarood, ayagoo ku hami weyn in Jubbaland iyo Putland la mideeyo, taasoo hada iska muuqato is walaalaysiga ka dhaxeyo, mustaqbalkana waxay dhihi doonaan anaga ayaa ugu dhul badanahay, saas darteedna waa in aan awooda dowlada la inoo kordhiyaa oo saami ka weyn belaha waa inan qaadana. ayagoo markaas u qorshaysan in ay bedelaan qaabka hada ku dhisan tahay dowlada soomaaliya, keeni doona qaab qabsi ku salaysan maamulada gobolada.

Aniga hada waxaa ii muuqata in mustaqbalka arinta meesha gaari doonto, anigoo daliil ugu dhigaya qaabka Putiland hada wax u wado, oo madaxweynahooda cusub Gaas oo wadadii faroole jeexay raacaya, waxayna hada kaga soo horjeedan dowladan federaalka hada Xamar ka talisa kuma dhaqanto Dastuurka,ileen dastuurkan ayagaa sameeyay.

isku soo wada duub dareenka i galay ayaa ah in qatar weyn soo socoto, dadka koonfurtana taasi warba ka haynin, badana qataraha marka imaado baa dadkeena ka hadlaan, ayagoon marka horeba wax taxliinin, saadaalinin, waxa dhalan kara ka fikirinin.

Hada waxa lagu mashquulsan yahay maamulka lixda ama 3-da Gobol oo baydhabo ka socdo. dadkeena badanaa way ka soo horjeedaan in lix la sameeyo, balse aniga waxan qabaa in aan qolyahan masaakinta ee reer Baydhabo wax u diideyno, xitaa dowlada Xasan Sheekh ku mashquulsan tahay sidi fikirkas uusan u mari dhali lahayn, taasi barito baa laga shaleen doona, Dadka isla qaab weyn oo dowlada aqoonsaneyn baa loo hiilinayaa, ayagoo dad ka imaaday kilinka shanaad dhul beelaaha Soomaaliya oo dhan wada degta hal beel weliba ha reer loo gacan gelinayaa. aniga waxan dhihi lahaa, dadka lixda sameynaya hala taageero, warbaahinta koonfurtana qeyb weyn haka qaadato.

Dowladan wado qaldan bay ku socotaa, sido kale odoyaasha hawiye. aqoonyahada koonfurta ayaga wajibka saaran odoyaashan iyo Xasan Sheekh talo ma hayaan, arintan intii fara ka bixin, kolay aqoonsiga maalmulka Jubbaland dowladan waa lagu qasbay, marka waa in aqoonyahanada iyo shacabka Koonfurta waa inay ka hortagaan qatarta ka soo socoto Putiland.

Tayada xogaha ay Sirdoonka Puntland ka hesho Alshabaab oo Darajo hoose gaarsiisan (Warbixin)

                              


Khubarada Soomaalida ee ku xeel-dheer arrimaha Amaanka ayaa aad uga deyriyay Hanaanka Maamulka Puntland ay u dhaqajineyso Arrimaha la xiriira Sirdoonka Gobolka iyo deegaanada ku xeeran.

 Xaashi Cabdi oo kamid ah Khubarada ku xeel-dheer arrimaha Ammaanka Somalia inbadana Daraasooyin ku sameeyay Amaanka Gobolka, ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu aad uga liito dhanka Wardoonka, waxa uuna sheegay inaysan suuragal aheyn in Maamul dhowrkii sano ee la soo dhaafay deegaanadiisu uu amaan ahaa uu iminka kaalinta koowaad ka galo Gobolada ugu amaanka jilicsan gayiga Somalia.

Waxa uu tilmaamay in markii leys barbar dhigo Gobolada Somalia ay ugu jilicsan tahay Puntland, wuxuuna tusaale usoo qaatay xog la'aanta heysata Ciidamada Puntland marka loo eego la dagaalanka Kooxda Alshabaab ee ku sugan qeybo kamid ah Puntland. 

Isagoo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ''Markii laga soo tago gobolada dhawaan la aqoonsaday sida Koofurta Somalia, Jubbaland, Galmudug, waxaa dhanka wardoonka ugu liita Puntland, waayo waxa ay xog iyo macluumaad ka heyn bulshada ku dhex nool deegaanadeeda, waxaa xiliyada qaar suuragal ah in Hooyada iyo Carruurteeda ay kawada tirsan yihiin sirdoonka Alshabaab, taasi waxaa keentay ogaansho la'aanta laamaha amaanka Puntland'' 

Xaashi Cabdi ayaa sheegay in bil gudaheed uu ka dhacay magaalada Boosaaso oo ganacsiga Puntland xarun u ah Afar weerar oo si toos ah loogu qaaday saldhigyo ciidan iyo saraakil ka tirsan ciidammada, waxa uuna xusay in kiisaska dilalkuna ay intaa kasii badan yihiin. 

Isagoo taasi mar kale ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Ma jiro war laga hayay weerarada ka imaanaya kooxda al-Shabaab,way sheegteen Seddex ilaa Afar weerar oo ka dhacay Boosaaso, way jirta baahi sirdoon taas waan qiraya, waayo Puntland marka la eego dhanka wardoonka waxaa ka tayo badan Muqdisho oo dhowr sano burbursaneyd'' 

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Laanta sirdoonka Puntland aysan aheyn mid awoodeeda muujisay, taasina ay daliil u tahay inuusan jirin isku xir u dhexeeya Saraakiisha laanta iyo Ciidamadeeda.

Dhinaca kale,  Xaashi Cabdi, waxa uu sheegay inaysan jirin hay’ad sirdoon oo awoodeeda ku fidisay magaalooyinka waa weyn sida Boosaaso iyo Gaalkacyo oo ka dhaca weeraro iyo qaraxyo ay sheegtaan Alshabaab.

shabakadda WikiLeaks😀







                                       




Axad, Oktoobar 18, 2015 (Badbado) — Warbixin ay dabaacday bishan shabakadda WikiLeaks ayaa lagu sheegay in maxaakiimta Islaamiga ahaa ee Soomaaliya ay wadeen qorshe ay ku af-gambin lahaayeen maamullada Puntland iyo Somaliland ka hor inta aysan Somalia soo gelin ciidamada Itoobiya sannadkii 2006-dii. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa hoggaankii maxkamadihii Islaamka haatanna u xiran dowladda Somalia ayaa warbixinta shabaddu waxay sheegtay inuu qoraal sir ah u diray dhammaan madaxdii ururkaas, taasoo uu ku sheegay in loo baahan yahay in xoogagoodu ay si qarsoodi ah ugu biiraan ciidamada labadan maamul, taasoo marka dambe suuro-gelin karta in maamulladaas la af-gambiyo. Qoraalka sirta ah ee Sh. Aweys oo la marsiiyay E-mail ayaa lagu xusay inuu ugu sheegay madaxda maxkamadihii Islaamka inay muhiim tahay inay wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ku yeeshaan labada maamul si marka dambe loogu soo rogo ku dhaqanka sharciga Islaamka. “In laga furo maxkamado Puntland iyo Somaliland waa muhiim, waxaan hubka ka iibsan karnaa ciidamadooda, waana inaan ka joojino hubka ay dowladda Somalia u dirayso labada maamul,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sh. Aweyd sida ay baahisay WikiLeaks. Dhanka kale, WikiLeaks ayaa xustay in Sh. Xasan Daahir uu ku taliyay in xiriirka ka dhexeeya maamullada Somaliland, Puntland iyo Itoobiya, si qorshahoodu uu u noqdo mid hirgala. “Waa inaan ka iibsano hubkooda annagoo lacag badan ku bixinayna,” ayuu mar kale ku yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys qoraalkiisa oo cinwaan looga dhigay [Sir Culus]. Ugu dambeyn, qorshahan ka baxsan hoggaamiyaasha maxaakiimta ayaa waxaa ka mid ahaa in la aasaaso koox si gaadmo ku toogta madaxda labada maamul ee Puntland iyo Somaliland.

GudoomiYaha UruRkA( USP)_ OO Ka Hadlay Arimo Badan, Oo Ah Dowladda Federal Somalia..._)

Gudoomiyaha UruRka USP Cabdirisaaq Sanweyne,

                                             
-Ayaa ka hadlay Arimo Xasaasi Oo Ku Saabsan Fedraalka, Midnimada Soomaliya ,
Dastuurka Iyo XiriiRKa Sii Xumaanaya Ee Wadamada Deriska Ah.!
                     

The Fighting in Lower Shabeelle is a Symbolic War between Good and Evil and Somalia’


Badbaado Online – The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, James Swan, condemned yesterday’s attacks against the Somali National Army bases in Barire and Awdhegle towns in Lower Shabelle region.

“We strongly condemn these attacks that targeted Somali forces. This is a vivid reminder of the sacrifices being made by Somali soldiers every day as they fight bravely to keep Somalia and its people safe,” said Mr. Swan. “We extend our condolences for the loss of life, and wish a speedy recovery to the injured.”Future Stability May Largely Hinge on its Outcome.

Al-Shabaab has claimed responsibility for the attacks, and has reportedly sustained heavy losses in the face of strong action by the Somali National Army.