Wednesday, June 8, 2022

Weriye lagu xanto inuu ”CIA u shaqeeyo” oo bilaabay inuu xogo kasoo gudbiyo waxa ka socda "Villa Somalia "πŸ‡ΈπŸ‡΄

       

       ﷽ ✍Weriye lagu xanto inuu ”CIA u shaqeeyo” oo bilaabay inuu xogo kasoo gudbiyo waxa ka socda  
 "Villa Somalia "πŸ‡ΈπŸ‡΄
   ~~~~~~~~~~

(Muqdisho) 08Juun 2022 – 
   πŸ˜… George Anderson oo ah weriye sheegta inuu si wayn ugu dhuun daloolo arrimaha Somalia oo reer Galbeed ah, 
 waloow aan weli arrintiisa iyo jiritaankiisa noocaas ahba la xaqiijin, ayaa sheegay in Maxamed Kaynaan laga dhigi doono RW soo socda ee XFS.
Maxamed Kaynaan ayaa horay uga soo shaqeeyey Xafiiska RW hore ee Xasan Cali Khayrre. 
 Wuxuu Kaynaan sidoo kale soo noqday Afhayeenkii Guddigii Doorashada Cumar Dhegeey, 
Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Dadban ee 2016-17.
Anderson oo lagu xanto inuu u shaqeeyo Hay’adda Sirdoonka Caalamiga ah ugu qaybsan Maraykanka ee CIA, ayaa sidoo kale horay ugu faanay inuu sii ogaa siina sheegay in Mahad Salaad laga dhigayo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda NISA.

Nidaamka cusub ayaa lagu sheegaa mid biyo-days badan oo aanay siro badani u xafidnayn Villa Somalia πŸ‡ΈπŸ‡΄

iyadoo inta badan todobaadyo kahor lasii ogaa dad ilaa haatan uu xilal u magacaabay MW cusub ee Xasan Sh, taasoo aan ahayn arrin fiican.

   BS :- πŸ‘€ Dadka qaar ayaa qaba aragti ah in ninkani aanu ahayn qofka uu sheeganayo

Monday, April 18, 2022

Doorashada SFR Oo Bilaabatay!

    
Badbado Online 
Waan soo dhoweynayaa murashaxnimada Senator Maxamed Cabdi Cismaan (Manjiino) iyo Senator Sareedo Jeyte, waxana aan u rajaynayaa guul iyo nasiib wacan. Labaduba waxay taageero ka kala heleen Mucaaradka Muqdisho iyo Nabad iyo Nolol. Murashaxiinta ay dabada ka riixayeen Deni iyo Axmed Madoobe, ma helayaan codad ku filan. Xildhibaanadii laga soo doortay Puntland wey wada fahmeen in Deni aanu lahayn wax fursad ah, ee ay tahay in xilli hore go'aan la gaaro. Laba quwadood ayaa doorashada Soomaaliya ku loolamaya:

1. Nabad iyo Nolol 
2. Mucaaradka Muqdisho

Waa in labadaa dhinac lagu kala darsamaa oo aan waqti lagu lumin Siciid Cabdullaahi Deni.

Tuesday, March 29, 2022

Tirada iyo magacyada wasiiro goboleedyada ee Baarlamaanka 2022

 
   

Tirada iyo magacyada wasiiro goboleedyada ee Baarlamaanka 2022

March 28/3/2022

Muqdisho (Badbado Online)      
    ﷽ ✍Doorashada Baarlamaanka federaalka ee dalka ka socotay ayaa waxaa kusoo baxay illaa hadda ku dhawaad 23 xubnood oo ka tirsan wasiirrada maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah.

Xubnahaan wasiirada ayaa waxay ka kala tirsan yihiin xukuumadaha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, waxayna si toos ah uga mid noqdeen baarlamaanka federaalka ah labadiisa aqal.
Doorashada dalka oo u muuqatay mid xulasho ah oo ay inta badan iska maamulanayeen madaxda maamulada ayaa waxaa Wasiirada u badan ku darsaday Koonfur Galbeed oo ay kasoo galeen ilaa 11 wasiir, halka Puntland ilaa 6 wasiir ku darsatay, ayada Jubbaland iyo Galamudug ay ku dhawaad 6 wasiir uga biireen baarlamaanka 11-aad.

Hoos ka aqriso dowlad goboleed kasta iyo Wasiirada ugu biiray baarlamaanka;
     [Koonfur Galbeed]
1. Axmed Madoobe: Wasiirka qorsheynta
2. Maxamed Abuukar: Wasiirka arrimaha gudaha
3. Isxaaq Subag: Wasiirka amniga
4. Maxamed Yuusuf: Wasiirka waxbarashada

5. Saalax Shariif: Wasiirka awqaafta
6. Mukhtaar Guuleed: Wasiirka xanaanada xoolaha
7. Maxamed Cali Xasan: Howlaha guud
8. Aweys Xasan: Wasiirka dekadaha
9. Axmed Mashruuc: Wasiirka ganacsiga
10.Cabdiqaadir Barako: Wasiir ku-xigeenka gargaarka

11. Maxamed Aadan: Wasiir ku-xigeenka warfaafinta.
         [Puntland]
1. Cabdigafaar Xaange: Wasiirka qorsheynta
2. Cabdi Ibraahim Warsame(Qowdhan): Wasiir ku-xigeenka maaliyadda
3. Fardowsa Cismaan Cigaal: Wasiiru-dowlaha shaqada iyo shaqaalaha
4. Cabdullahi Rooble: Wasiir-dowlaha Wasaaradda waxbarashada Puntland

5. Zeynab Ismaaciil Tiimbiye: Wasiir ku-xigeenka deegaanka iyo Beeraha Puntland ayaa iyadana noqotay Senator
6. Maxamed Cabdi Cismaan ( Majiino): oo ahaa wasiirka Dekadaha Puntland ayaa noqday Senator
        [Jubbaland]
1. Cabaas Cali Ibraahim oo madax ka ah wasaaradda kaluumeysiga iyo kheyraadka
2. Cabdirashiid Jire Qalinle ah wasiiru-dowlaha madaxtooyada

3. Xeri Gaani oo ah wasiiru-dowlaha maaliyadda oo xildhibaan kasoo helay Puntland.
         [Galmudug]
1. Farxaan Cali Maxamuud oo ahaa wasiirka Maaliyadda ayaa noqday Senator
2. Aadan Qoryooley: Wasiirka boostada ayaa kusoo baxay xubin golaha shacabka
3. Siciid Siyaad Shirwac oo ahaa wasiirka deegaanka uu isna noqday Senator

Si kastaba, Doorashada Baarlamaanka ayaa mareysa heer gab-gabo ah, wuxuuna maamulka Koonfur Galbeed uu dhameystiray 77 kursi, Galamudug ayaa isna dhameystiray 45 kursi, halka maamulka Jubbaland uu ilaa iyo hadda soo xulay 35 kursi oo labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, una harsan 16 kursi oo golaha shacabka ah.

  Xigasho:- B. Consultant Bureau

Saturday, February 26, 2022

Wooow!!. jawaabtii loo diray Madaxweynaha France Macron.

   
Wooow!!.    jawaabtii loo diray Madaxweynaha France Macron.


 Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa yiri: "Qoys haysta toddobo, siddeed carruur ah oo Afrika ah, waxay maalgashadaan balaayiin, waxba isma beddelayaan.  -   
   The Guinean sociologist Amadou Douno, a professor at the Ahmadou-Dieng University of Conakry, answers him. ayaa ugu jawaabay.

 " Afrikaanku uma baahna ilbaxnimadaada fusuqnimada. Sababtoo ah ilbaxnimadaada: ninku nin buu la seexan karaa, naagtuna way la seexan kartaa naag, 
 naaguhu  waxay la seexan kartaan eygeeda;  Ilmuhu dhibla'aan buu aflagaadeyn karaa aabbihiis iyo hooyadiis, 
  Ilbaxnimadaada marka ay waalidiintu koraan, waxaa la geeyaa guriga hawlgabka, ugu dambeyntii, ilbaxnimadaada, nin dhalinyaro ah wuxuu la noolaan karaa haweeney da'da hooyadiis ama ayeeyo u tahay dhib la'aan, kiiskaagu waa mid qumman.  Afrikaanku ma haystaan ​​cashar ilbaxnimo oo ay ka helaan dadka adiga oo kale ah!

 Afrika ilaa hadda waa qaarada ugu qanisan aduunka oo leh qani ku ah macdanta.  Waxa qaaradan dib u dhigaysa waa bililiqada baaxada leh ee kheyraadkeeda ay ku hayaan quwadaha waaweyn, Faransiiska oo horboodaya!  "

 “Dhibaatada Afrika oo dhan waxay ka timaadaa dalkan oo rumeeya hammigiisa dhabarka u saaran Afrikaanka, iyadoo ay ku lug leeyihiin khaa’iniintan oo aan ka waaban inay jiilalka oo dhan u huraan sidii ay dalalkooda u gaadhsiin lahaayeen gumaysigii hore.

  Waxay ku aaminayaan dhammaan qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalahooda Faransiiska.  Xaqiiqda, waxay hogaamiyaan istiraatijiyadda ama aragtida siyaasadeed ee uu rabo kii hore.  Tani waxay gacan ka geysataa inay dadkooda u horseeddo nolol xumo iyo faqri daran.  Tani waa sababta afgambiga, dagaalladii sokeeye, xasuuqii, abaartii, iyada oo madax ka ah dalalkan uu Faransiisku ku hayo xukunka, sababtoo ah waxay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa!  "

 "Faransiiska waxba ma ahan,waa eber Afrika la'aanteed!, maalinta ay dalalka Afrikaan ka soo jeestaan ​​Faransiiska, dalkani wuxuu geli doonaa fowdo! Ilaa iyo inta dalalka Afrika aysan ka tagin xukunkan gumeysigii hore, iyagoo ka tashanaya aayahooda, ayuu yiri professor Amadou Douno.
 wadamada Aasiya way sameeyeen, aad bay ugu adkaan doontaa inay godka ka soo baxaan.
 Caqabadda Afrika waa in laga takhaluso Faransiiska. 
 Waayo  xal uma aha horumar
La’aanteeda ee waa xudunta mushkiladda!  "
 

Saturday, February 19, 2022

What kind of leadership does Somalia need right now/??

      

What kind of leadership does Somalia need right now?
 ~~~~~~~~~~~~~~~~~
  With Somalia on the verge of a deadline election and looting, it remains to be seen what kind of leadership to elect for the country.
   The lawmakers are expected to be sworn in in the next three weeks, which will be followed by a run-off election for both houses of parliament and the president of Villa Somalia.  can carry a flag ?!
 Endless political conflicts, civil despair, civil war, and intermittent interruptions of government institutions have been the challenges of the last two decades, but now even greater fears are evident.
 Many observers have pointed out that the election is in jeopardy, and that if the opposition or the Conservatives are elected president, both parties will reject and the country will have a divided government.

 "We have to think about the best way to avoid a government in Mogadishu that is partially opposed, and a president can be elected by someone who is no longer part of the opposition and the Conservatives," said Prof Ali Mareer, a UK scholar.  living.
 In recent months, there has been a growing trend in Somalia and abroad to elect a president who is independent of the current political parties, but who has the confidence of the people and the acceptance of the opposition and the Conservatives.

 "Parliament has been joined by ex-combatants who have a lot of prejudices and a lot of officials, and it is difficult for them to accept one part as they have won," said one traditional elder who spoke on condition of anonymity.  country.
 Some civil society organizations also suggest that a responsible leadership that is not part of the long-running political infighting should be elected in Somalia to move the country through this difficult time of political maturity.  and vision, which can lead to political stability, security, justice and development.
 "We need to elect a person who is a countryman, knowledgeable who understands the culture, who is calm, who is moderate and who can convince both the opposition and the conservatives," said Mohamed Isse Aseyr, a youth activist in Mogadishu.
 Political stability, judicial reform and the rule of law, security, reconciliation, economic development, social services development and institutional reform are the main pillars needed in the aftermath of another post-election conflict.  The focus is on someone with a political reputation who sells to Somalis and international partners.
 At the moment, handing over power to a candidate from Mogadishu is also recommended, given the confidence he has in the people of the capital and the regions around Mogadishu where the conflict and conflict in Somalia has been crippling for 30 years.  past, and still stand.
 In addition, the people of Mogadishu are facing a number of problems, with many roads closed for the past four years, and during some of those four years, rival forces have closed the city.
 The majority of parliamentarians and the number of people who will be elected are facing a solution to the leadership crisis in Somalia.

Monday, December 6, 2021

Beel kursi leh wax la yiraahdo ma jirto Dunidda.!!

    
Dr. Abdi Ulusso  beel kursi leh wax la yiraahdo ma jirto dunidda.
Kuraastu waxay taal deegaan.
Bulshadda madaniga ama rayidka ah waa maqbuul oo macquul ah, doorka ay leeyihiin maamul goboleedyadda sidoo kale,  laakin haddii meesha la soo geliyo odey dhaqameed iyo wixii la hal maala sida; qabiil arrinta awoodda, xukunka iyo siyaasadaha waxay noqonayaan kuwo aan xuduud laheyn ( politics, power & authority boundless Sociology ).
Micnihii; bulshadda ( madaniga ) rayidka ah waa la yaqaan xaduudkeedda, tan maamul goboleedyadda waxaa qeexay sharciga, sidaas si la mid ah kuraastuna waa deegaan sida sharciga ku cad.
Deegaan walbana waxaa ka soo bixi kara qofkii heshiis lagu wada yahay, iyadoon tiro iyo qabiil loo fiirin, ha ka dhasho reerka deegaanka ugu badan ama kuwa ugu yar deegaankaas. 
Xasarad abuur iyo xasaasiyad waa Somali shaqadeed oo aad u jecel ka dhex qaraabashadda & ka dhex kalluumeysiga.
( every day isn't catching day ).
Sheeko Somaligii waa in wax laga bedelaa oo loo bedelaa mid ku dhisan mustaqbal, haddii dalka iyo dadka Somalida mustaqbalka carruurtoodda dan ugu jirto.
Yusf Abdirahman

Tuesday, November 30, 2021

3 Arimood Oo joojinaya damaca Siciid Deni ee Villa Somalia

                    
3 Arimood Oo joojinaya damaca Siciid Deni ee Villa Somalia 
      ^________^ 
   Mogadishu ( Badbaado Online) – Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu weli iibinayaa inuu yahay fursadda ugu weyn ee Farmaajo ka saari karta Villa Somalia. Ololihiisa ayaa ku bilowday dhowr Senator oo ka kala yimid Puntland iyo Jubbaland, laakiin isaga iyo kooxdiisa ololaha waxay iska indha tirayaan caqabadaha miiska saaran ee u diidi doonta inay Villada u gudbaan.

Waxaa jira tixanayaal u baahan in maalinba qeyb la furo oo daciif ka dhagaya sheegashada Deni ee ah inuu qaadan karo xukunka Soomaaliya.

Waxaan warbixintaan ku eegeynaa seddex arrin oo u baahan in aysan iska indha tirin kooxda ololaha ee Saciid Deni.

1 – Dagaalkii uu ku qaaday xidigaha siyaasadeed ee Puntland:

Saciid Deni wuxuu u baahan yahay inuu marka hore kasoo gudbo dagaalka hal doorka siyaasadeed ee Puntland inta uusan fooda saarin Farmaajo iyo mucaaradka Muqdisho kasoo jeedo intaba.

Deni wuxuu dagaal qaawan ku qaaday Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, wuxuu kuraastoodii boobay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Cabdi Saciid Muuse, wasiiru dowlaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim, Rugcadaaga wey Cabdirisaaq Cusmaan Jurule iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Wuxuu albaabada ka xirtay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ahaa ninkii xilka ku wareejiyey, Faroole inkastoo uu isaga kursi siiyey haddana taladii waa ka reebay.

Wuxuu hadda u la bisan yahay oo la sheegayaa in laga celcelinayo kuraasta ay u sharaxan yihiin wasiirka kalluumeysiga ee Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo guddoomiyaha Gobolka Mudug Sanayare.

Dhammaan xubnahaan, Puntland ka sokow waxay xoog ku leeyihiin siyaasadda Xamar taalla. Shacabkii deegaanada Puntland waxaa ka qaatay Asad Diyaano, halka isaga iyo Ciidanka PSF ay madaxa isugula jiraan xilligaan.

Dhammaan xubnahaan kor ku xusan waa jidgooyada koowaad ee Saciid Deni, uma badna inuu xallin karo ama uu jiidi karo marka Muqdisho lasoo aado.

Qofkii ugu dambeeyey ee Reer Puntland ah ee madaxweyne ka noqda Soomaaliya wuxuu ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana la xasuustaa inuu kusoo baxay talo ay dadka deegaanka iyo siyaasiyiintooda u dhammaayeen, laakiin Deni taladaas mideysan ma hayo Maanta .

2 – Baraaruga dhaqanka Puntland

Saciid Cabdullaahi Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu rabo inuu boobo kuraasta Golaha Shacabka ee taalla deegaanada Puntland, isaga iyo dhaqanka Puntland ayaa mar hore kala tagay.

Wararka ka imaanaya Puntland waxay sheegayaan inuu dhaqanka baraarug qabo oo ay adag tahay inay aqbalaan in kuraastooda lagu takri-falo.


Haddii uu Deni isku dayo inuu dhaqanka xoogo waxaa ka dhallan kara natiijo aan fiicneyn ayey leeyihiin siyaasiyiinta reer Puntland. Waxaa jira talooyin ay soo jeedinayaan saaxiibadiis oo ah inuu iska xaliyo dhaqanka inta uusan bilaabin doorashada Golaha Shacabka, laakiin uma badna inay suuragal noqon karto, maadaama uu jiro baraarug culus, ayna dhaqanka tabasho badan ka qabaan sidii uu ula macaamilay seddaxdii sano ee uu xafiiska joogay.


3-Xamar waxaa taalla dood ah Saciid Deni waxaa dhaama Farmaajo 

Reer Muqdisho waxay waayahaan aad u hadal hayaan natiijada ka imaan karta doorashada kursiga madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo misaan culus ku leh kuraasta ka imaaneysa Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo reer Woqooyiga, waxaa loo arkaa musharaxa koowaad, waxaana la is waydiinayaa musharixiinta imaan kara kaalmaha labaad iyo seddaxaad.


Saciid Deni oo kooxdiisu sheegto inay Imaaraadku wataan ayaa kamid ah doodaha miiska saaran, laakiin waxaa Xamar ku xooggan inaan marnaba Deni lagu badali karin Farmaajo, waana caqabad weyn haddii ay aragtidaan sii faafto.

In Dadka reer Muqdisho oo la ogyahay halka iyaga iyo Farmaajo kala gaareen inay maanta ka fakarayaan Farmaajo ayaa dhaamma Deni ma ahan dood sahlan, waana caqabad weyn oo hortaagan damaca Saciid Cabdullaahi Deni.