DEGMADA QANDALA IYO MAANTA SAY TAHAY !
Hadaan dib ufiirino degmada qandala,ee ugu horaysay
degmooyinkii la oron jiray gobolada bari markii talyaanigu gumaysan jiray wuxuu
u magcaabay degmo sanadkii 1927,
hadba heer ayey soomartay.
_ 1930.waxaa la dhisay gurigga degmada(white house)ama gurigga cad,iyo garoonka
waxaa ku xigay shirkadii kalluunka ee caramelle -Arredia.majirin degmo la awood
ah xaga shaqada iyo wax soo saarka.1960 markii xoriyada laqaatay,waxa ay ahayd
meesha keliya ee 2000kun oo qof ka aadan shaqo rag iyo dumar waa marka ay baxday
heesta ah NIMOW ARIGAAGA HOO,AREEDSHAN QABANAYAA.xoolaha,kalluunka, xijiga iyo
macdanta waa magaal hodonku ah 1980. waxa ay ahayd meesha loo bixiyey gacanka
hodonka ah.oo Somaali oo dhan wax uga degijiren,maanta nasiib daro waa degmada
keliya Ee puntland aan teleefoon,nal iyo dariiq aan midna lahayn.hadaba see
Noqon toontaa mustaqbilka? waxaa keliya oo ay jaanis leedahay marka Dariiqa
xeebta ee lawado loo furo si 80
km oo nus lasamayey loo Dhamaystiro.airporkana ciida
fuushay laga qaado.dadka reer qanlada maantay oo sida la ogyahay arima
colaadeed darteed dariiqii uurcaleed(kalabayr -dharjaale) uuxiran yahay sowma
noqoteen xal in dariiqa xeebta furan yahay.maanta waxaa la gud boon reer
qanlada iyo weliba tuuloyinka ku xiriira in xinka iyo farsamooyinka is daba
marka ah layska daayo degmadana xaqii ay nagu lahayd in aan ugudno si kal sooni
kujirto iyo wax qabad dhab ah,weliba la higsado in caluule xageeda uu dariiqa
xeebta kayimaado si ay uyeelato qandala sadex dariiq oo soogala(xaga
Iskushuban,xaga boosaso,xaga caluule )markaasna waxay noqoneesa Gacankii aduunka
umana baahandoonto wax dame. /
Qormaddii:: Bureau for Somalian People's Development
No comments:
Post a Comment