Friday, August 9, 2013

Dhagayso:-Xilidhibaanadii Muqdisho kayimid oo Garowe Gaaray!!!!!!!:::_

Waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Dawlada Puntlnd ee Soomaaliyeed ku sugan todobo xildhibaan kuwaas oo dhamaantoodba kamida xildhibaanada Reer Punntland ugu Jira Dawlada Federaalka ah Baarlamankeeda.
Xildhibaanada ayaa imaanshahoodii Puntland kasoo degay Magaalada Gaalkacyo iyagoona sheegay in Puntland ay ugu socdaan arimo Booqasho balse Markii ay gaareen Magaalada Garoowe ayay sheegeen inay socdaalkooda qaybta ughu wayn ay uga hadli doonaan sidii loo xalin lahaa khilaafka dhex yimid Dawlada dhexe iyo Puntland.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo hogaaminayay wafdiga xildhibaanada ayaa kulankoodii Garoowe ku shegay inay Jiraan ma madowyo badan oo Dastuurka ku jira balse Baarlamanka uu marayo.
lama oga waxa kasoo bixi kara kulanka Masuuliyiinta Puntland ay la qaadanayaan xildhibaanadan kasocda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo sida Puntland ay usoo celin karto xiriirkii Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay lalaahayd ee sida KMG ah ay ujartay.
Dhinaca kale mid kamid ah Xilidhibanadaas Muqdisho kayimid ayaa Saxaafada la hadlay kana hadlay Badalka lagu sameeyeey Dastuurta Dalka

No comments:

Post a Comment