Monday, September 9, 2013

Human progress is neither automatic nor inevitable... Every step toward the goal of justice requires sacrifice, suffering, and struggle; the tireless exertions and passionate concern of dedicated individuals. Martin Luther King, Jr. !



                                                                   



Qofka bani'aadanka ahi waxaa jirkiisa ku abuuran labo xidid ama labo dareen oo midna uu had iyo jeer qaato waxa samaha ah (Positive), midna uu had iyo jeer qaato waxa xumaanta ah (Negative. Hadaba dadka qaar waxaa active ah kan samaanta (Positive ka), kuwaasoo had iyo jeer arka waxa wanaagsan oo mar walba jecel in ay wax walbaa ka eegaan dhanka wanaagsan. Halka kuwana uu active yahay kan xumaanta (Negative ka) kuwaasoo wax walba xumaan u arka oo mar walbaa sharta uu saadaaliya, ka hadla aan marna rabin wixii wanaag ah. Hadaba Allaah aynu ka barino in uu noo kordhiyo dareenka samaha (Positive ka ) si aynu ummadda wax ula qeybsano. Allaah ayaan ka magan galeynaa in aynu ka mid noqono kuwa mar walba dhanka xumaanta wax ka eega. Waxaa kaloo qolyaha noocaas afka qalaad lagu yiraahdaa { pessimism and optimism }. Allhayoow nagu dar kuwa mar walbaa {Optimism ka ah}. Xaqiiqdii wey wanaagsan tahay in wax la saadaaliyo laakiin marka hore wax walbaa dhanka kheyrka ah iyo wanaaga ka eeg ee markiiba halasoo boodin xumaanta kaa guuxeysa iyo sharta

No comments:

Post a Comment