Sunday, January 19, 2014

Dhammaan maamulka iyo shaqaalaha hay'adda (Bureau for Somalian People's Development) Iyo Hayadda Eey Wadda Shageeyaan...(Badbado Instition Central Of Diaspora).....

                                         



Dhammaan maamulka iyo shaqaalaha hay'adda (Bureau for Somalian People's Development) Iyo Hayadda Eey Wadda Shageeyaan...(Badbado Instition Central Of Diaspora).....
waxay tahniyad, hanbalyo iyo bogaadinba u direysaa maamulka Jubbaland oo maalinta berito ay tahay caleemo saarkiisa. Hanbalyo ayaan leeyahay dhammaan mas'uuliyiinta maamulka, ciidamada kala duwan iyo shicibka reer Jubbalandba. Allaha maamulkiina ka yeelo kii hanaqaada oo sameeya horumar wanaagsan inshaa'allaah. Hadda iyo wixii ka danbeeya waxaan idinka sugeynaa in horay loo sii dhaqaaqo oo waxqabad loo jeesto. Ogoow mar walbaa qofku wuxuu gaaraa hadba halka uu isagu ka dhigto hadafka haddii uu Allaah talo saarto isagana is qiimeeyo. Inshaa'allaah guul maamulka Jubba land oo uu odeyga ka yahay madaxweyne Axmed Islaan Madoowe.

Wednesday, January 15, 2014

You want a piece of me? You got it!

You want a piece of me? You got it!

WARBIXIN:- Dammul Jadiid oo ku Guulaystay in Wasiiradii Saacid Shirdoon kamid noqdaan xukuumadda C/weli Sheekh Axmed. (Dammul Jadiid oo Soomaaliya Laaluush ku Qabsatay!).

                                                                     
 
 
 
WARBIXIN:- Dammul Jadiid oo ku Guulaystay in Wasiiradii Saacid Shirdoon kamid noqdaan xukuumadda C/weli Sheekh Axmed. (Dammul Jadiid oo Soomaaliya Laaluush ku Qabsatay!).

Baarlamaanka Muqdisho ee Villa Soomaaliya ayaa cod u qaaday Maantay Labo Mooshin oo midna lagu diidayey Wasiiradii hore in la soo celiyo midna lagu taageeray Wasiiradii hore ee Saacid Shirdoon la soo shaqeeyey in ay soo laabtaan.

Nin soori qaaday waxaa ka wanaagsan ayaan maqli jirnay Nin Seef kaa qaadday,... Baarlamaanka Muqdisho ah waa Cawaan Lacag ku shaqeeyo, Dammul Jadiid ayaa xoogaa lacag ah siisay, waxaa codkooda dhiibtay 218 Xildhibaan, waxaa ogolaaday Wasiiradii hore in la iska dhaafo 113 Xildhibaan waxaana diiday in ay soo laabtaan oo Mooshinkii hore u codeeyey 90 Xildhibaan!.

Haddii Mooshinkii Dammul Jadiid guulaystay oo isla Dammul Jadiid Wasiiro ah soo noqonayaan, maxay u cayriyeen Saacid Shirdoon?, waa cawaan waxay u badan tahay in isla Wasiiradii soo noqdaan, waayo Dadka meel marinaya waa kuwo Laaluushka ku nool waxay u badan tahay Wadanka Soomaaliya in Dammul Jadiid qabsadaan!.

Waxaan sugno waa in C/weli Sheekh Axmed kudhawaaqo Wasiiro Dammul Jadiid ah Baarlamaanku Ansixiyo markii uu warkooda diidana intay shir galaan ay dhahaan halla rido xukuumadda C/weli sidii Saacid Shirdoon ay u galeen oo kale.

Ra’isalwasaaranimadii Soomaaliya iyo Soomaaliya oo dhan waxay gacanta u gashay koox burcad ah oo Dammul Jadiid la baxday, waxaa Xassan Gurguurte la yimid Falsafad aanan horay loo aqoon oo ah Qabiil kasta in uu ka keeno Wasiir Dammul Jadiid ah oo u shaqaynaya danaha Dammul Jadiid!.

Xaqiiqadii Dammul Jadiid waa kaxun yihiin Aalashiikhii Sharif Sheekh Axmed. Waxay marayaan Dammul Jadiid in ay Mowliidka kudhigaan xeryaha lagu dhigo Kirismiska Sanad gaaleedkana loogu dabaal diggo!, ma jirto Ihaano kaweyn oo ay u gaysan lahaayeen Nabigeena Suuban Maxamed Nabadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha noqotee!.

Wadankasta waxaa ka Imaanaya Nin Dammul Jadiid ah, Rag badan oo Wasiiro laga dhigayo ayaa Carabaha ka imaanaya oo Diyaarado lagu keenaa Muqdisho, wararna waxay sheegayaan in Xassan Gurguurte iyo gacan yarihiisa Daahir ay u dhaariyaan danaha Dammul Jadiid in ay ka shaqeeyaan!.

Waa maxay siyaasadda Cabdiweli Gaas uga aaddan ciidanka badda Puntland ee PMPF?

Maqaalkan waxaa qoray James M. Bridger oo la taliye ammaanka badda u ah shirkadda Delex Systems Inc, ahna khabiir ku takhasusay burcad badeedda. Waxaa turjumay boggaan : _ (_ Badbado Instition Central Of Diaspora &Bureau for Somalian People's Development )

----------------------------------------------------------------------------------------------------------

 
Kaddib markii doorashada madaxtinnimada Puntland looga adkaaday hal cod oo kaliya, madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole wuxuu hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, oo horey raysul wasaare uga noqday dowladdii ku-meel-gaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.
Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa ammaanay sida habsamida ah ee ay qabsoontay doorashada Puntland ee dhacday January 8.
Mid ka mid ah arrimaha badan ee hor-yaalla madaxweynaha cusub ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ah waxa uu ka yeelayo ciidanka badda Puntland – Puntland Maritime Police Force (PMPF)— oo lagu tilmaamo inay yihiin ciidanka badda ee ugu saameynta badan Soomaaliya.
Dhaxaltooyo la isku khilaafsan yahay
Faroole wuxuu xilka qabtay 2009, oo ahaa sanad kooxaha burcad badeedda Soomaalida ay weerareen in ka badan 215 maraakiib, ayna si baqdin la’aan uga howlgali jireen xeebaha Puntland.  Jawaabta madaxweynaha ayaa noqotay samaynta ciidanka badda Puntland ee PMPF, kuwaas oo u diiday burcad badeedda inay har-galaan. Shirkad milateri oo gaar ah, lagana leeyahay dalka Koonfur Afrika ayaa tababar siisay ciidanka badda Puntland, iyadoo maal-gelin ka heleysa dalka Imaaraadka Carabta (UAE). Ciidanka ayaa tiro ahaan waxay gaareen 500 oo askari, waxaana lagu qalabeeyay hub culus, doomo dheereeya, helikobtarro iyo gaadiidka gaashaamaan. PMPF ayaa howlgalladii ugu horreeyay ee ammaanka billaabay bishii March 2012, waxayna ku guulaysteen burburinta saldhigyada kooxaha burcad badeedda ay ku lahaayeen deegaanno xeebeedka fog-fog ee Bari. Dabayaaqadii December 2012, ciidanka PMPF waxay badbaadiyeen 22 badmaaxiin oo ku dhowaad saddex sano lagu dul haystay markabka MV Iceberg. Kaddib markii burcad badeednimadii ka jirtay Puntland si weyn loo xaddiday, PMPF waxay feejignaantooda u weeciyeen la dagaallanka dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ee ku sugnaa buuralayda Galgala oo u dhow magaalada dekedda leh ee Boosaaso. Waxay fuliyeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyagoo adeegsanaya helikobtarro ay wadaan duuliyeyaal shisheeye ah si caawimaad dhinaca hawada ah ay u siiyaan ciidanka dhulka xilli iska horimaadyo hubaysan oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidanka ammaanka Puntland ay dhaceen horraantii 2013.
Walow ay ku guulaysteen howlgallo badan, ciidanka PMPF ayaa dhaliyay muran dhinaca siyaasadda ah. Warbixin January 2012 ay soo saartay Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa dhaliishay ciidanka PMPF, iyadoo ku eedeysay inay ku lug leeyihiin howlo ka baxsan waajibaadkooda, ayna si toos ah uga amar qaataan madaxtooyada Puntland. Dabayaaqadii sanadkii tegay, wiilka madaxweynihii hore ee Puntland, Maxamed Faroole ayaa noqday agaasimaha ciidanka PMPF, kaas oo aan lahayn khibrad dhinaca milateriga ah. 29-kii October 2012, PMPF waxaa lagu eedeeyay inay isku gadaameen guri uu degganaa Cabdiweli Gaas iyagoo ka hor istaagay inuu sameeyo olole ku saabsan doorashada madaxtinnimada Puntland.
Go’aan dhib-badan
Cabdiweli Gaas wuxuu ballan-qaaday inuu horumarin doono ammaanka Puntland markii uu jeedinayay khudbaddii guusha, balse wali ma uusan ka hadlin siyaasaddiisa ku aaddan ciidanka badda Puntland. Burcad badeedda waa la baabi’iyay, balse burcad kale oo badan ayaa hadda isku biimaynaya howlo kale oo halis ku ah ammaanka Puntland sida soo gelinta hubka sharci darrada ah iyo ilaalo siinta adeegyada kalluumaysiga sharci darrada ah ee maraakiibta shisheeye ay ka wadaan xeebaha Puntland. Weerar qarax ah oo Al-Shabaab ay ku qaadday kolonyo ka tirsan ciidanka PMPF 5-tii December 2013 ayaa hoosta ka xarriiqaya heerka sare ee amni xumada wali ka jirta gobolka. Iyadoo ay jiraan caqabadahan, maxay noqon karaan qorsheyaasha madaxweynaha cusub uu ka leeyahay ciidanka PMPF?
Cabdiweli Gaas wuxuu si weyn u taageeray ciidanka PMPF muddadii uu raysul wasaaraha ka ahaa dowladdii KMG ahayd laga billaabo June 2011 ilaa October 2012. Markii kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea ay ku eedeysay tababareyaashii PMPF ee ka soo jeeday dalka Koonfur Afrika, kana tirsanaa shirkadda milateri ee gaarka loo leeyahay ee Sterling Corporate Services inay jebiyeen xayiraaddii hubka ee la saaray Soomaaliya 1992, Cabdiweli Gaas ayaa eedeyntaas kaga jawaabay warqad rasmi ah 16-kii November 2011, isagoo u ololeeyay inay Qaramada Midoobay “fasaxdo tababarka PMPF iyo dhaqan-gelinta awoodaha dowlad goboleedka Puntland” si ay si firfircoon ula dagaallanto burcad badeedda isla markaana u xoojiso ammaanka deegaannadeeda.” Bil kaddib, xafiiska raysul wasaaraha wuxuu dib u qeexay in “dowladda KMG ay si buuxda u taageersan tahay dadaallada maamulka Puntland.”
In kastoo ciidanka badda Puntland lagu summadeeyay inay yihiin ciidan uu si gaar ah u leeyahay Faroole, haddana lagama filan karo Cabdiweli Gaas inuu kala diri doono ciidanka PMPF. Hase yeeshee, waxaa la saadaalinayaa in Maxamed Faroole iyo taageerayaasha kale ee Faroole aanay xilal ka sii hayn doonin PMPF. Arrinta kale ee cadaadiska ku yeelan doonta Cabdiweli Gaas ayaa la filayaa inay noqon doonto sidii il-dhaqaale uu ugu heli lahaa ciidanka badda, saldhigyada, gaadiidka iyo la taliyeyaasha ajnebiga ah ee tababarka iyo la talinta siiya ciidanka. Maal-gelinta ugu badan waxay PMPF ka helaan dowladda Imaaraadka Carabta (UAE), balse lama garanayo inay sii wadi doonto taageeradaas mar haddii Puntland ay yeelatay madaxweyne cusub.

Ciidanka badda ee federaalka?
Waxaa jiray caddaymo muujinayay in raysul wasaarihii hore uu u arkayay PMPF inay noqon karaan ciidan qaran oo ilaalin kara badda Soomaaliya oo idil. Bishii April, 2012, xafiiska Cabdiweli Gaas wuxuu sharciyeeyay in shirkadda Sterling Corporate Services ee laga leeyahay Koonfur Afrika ay askar ka soo xulato oo ka qorato ciidanka qaranka Soomaaliya si ay ugu biiraan xerada tababarka PMPF ee Boosaaso. Tallaabadaas waxaa ku gacan-seyray Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo is hor-taagay in ciidanka ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Kaddib markii shirkadda Sterling ay isaga baxday Puntland bartamihii 2012, shirkad amni oo ka diiwaan-gashan Mareykanka, laguna magacaabo Bancroft ayaa soo jeedisay dib u soo celinta qorshaha, balse waxay codsatay in qaar ka tirsan ciidanka PMPF iyo qalabkooda laga qaado Boosaaso, lana geeyo qeybo kale oo ka baxsan Puntland si ay u ilaaliyaan xeebaha Soomaaliya. Fikradda waxaa ku gacan-sayray maamulka Faroole oo diiddanaa in ciidankiisa la hoos-geeyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Xiriirka u dhaxeeyay Puntland iyo Muqdisho ayaa sii xumaaday sanadkii xigay. Dabayaaqadii July, 2013, dowladda cusub ee federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la saxiixatay shirkad laga leeyahay dalka Holland oo lagu magacaabo Atlantic Marine and Offshore Group si ay howlgallo lagu dagaallamayo burcad badeedda u fuliso, ayna u ilaaliso xeebaha Soomaaliya. Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hor timid heshiiskaas, waxayna ku tilmaamtay “wax aan la aqbali karin oo aan habboonayn”. Horraantii August, maamulka Faroole wuxuu xiriirka u jaray dowladda federaalka.
Maadaama raysul wasaarihii hore ee dowladdii KMG ahayd uu hadda noqday madaxweynaha Puntland, dad u kuur-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa rumaysan inuu soo laaban karo xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe. Soomaaliya ma lahan ciidan awood u leh inay ilaaliyaan badda, in hadda la helana waa mid rajadeedu ay fog tahay, sidaas awgeed fursadda ah in ciidanka badda Puntland ay ka howlgalaan xeebaha Soomaliya waa mid bisil. PMPF waxay haystaan tababar iyo tasiilaadka ugu horumarsan ee dalka, waxayna mar kale tababarro badda ah ka bixin karaan Soomaaliya oo idil haddii heshiis la ogol yahay ay iska kaashadaan dowladda federaalka ah iyo AMISOM.  Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaallanka burcad badeedda, kaas oo ilaa hadda aan awood u helin inuu howlgallo ka fuliyo gudaha Somaaliya ayaa la rumaysan yahay inuu taageeri doono ciidankaas.
Iyadoo laga yaabo in Cabdiweli Gaas ay soo jiidato in PMPF la hoos geeyo madaxtooyada, tallaabada ugu fiican ayaa ah in baarlamaanka Puntland uu meel mariyo sharci qeexaya awoodda ciidanka PMPF, waajibaadkooda iyo heerkooda. Haddii sidan la sameeyo, oo la sharciyeeyo ciidanka indhaha beesha caalamka hortooda, waxaa laga yaabaa inuu ciidanka helo wadiiqooyin kale oo maal-gelineed. “Waxaa jira aragti caalami ah oo la isku raacsan yahay too ah in ciidanka PMPF la ‘sharciyeeyo’ laguna daro nidaamka ammaanka ee Soomaaliya,” sarkaal ka tirsan howlgalka la dagaallanka burcad badeedda ee Midowga Yurub ayaa sidan yiri, isagoo intaas raaciyay in “Beesha Caalamka ay daraasad ku sameyneyso sida ugu wacan ee arrintaas loo sameyn karo iyo sida dowladda Soomaaliya looga taageeri karo habkaas.”
Madaamaa maraakiibta dagaalka ee shisheeyaha aanay sii joogi doonin xeebaha Soomaaliya, ciidanka badda ee Puntland ayaa noqon doona awoodda kaliya ee kala dhex gali doonta burcad badeedda iyo maraakiibta ay ugaarsanayso.