Wednesday, January 15, 2014

WARBIXIN:- Dammul Jadiid oo ku Guulaystay in Wasiiradii Saacid Shirdoon kamid noqdaan xukuumadda C/weli Sheekh Axmed. (Dammul Jadiid oo Soomaaliya Laaluush ku Qabsatay!).

                                                                     
 
 
 
WARBIXIN:- Dammul Jadiid oo ku Guulaystay in Wasiiradii Saacid Shirdoon kamid noqdaan xukuumadda C/weli Sheekh Axmed. (Dammul Jadiid oo Soomaaliya Laaluush ku Qabsatay!).

Baarlamaanka Muqdisho ee Villa Soomaaliya ayaa cod u qaaday Maantay Labo Mooshin oo midna lagu diidayey Wasiiradii hore in la soo celiyo midna lagu taageeray Wasiiradii hore ee Saacid Shirdoon la soo shaqeeyey in ay soo laabtaan.

Nin soori qaaday waxaa ka wanaagsan ayaan maqli jirnay Nin Seef kaa qaadday,... Baarlamaanka Muqdisho ah waa Cawaan Lacag ku shaqeeyo, Dammul Jadiid ayaa xoogaa lacag ah siisay, waxaa codkooda dhiibtay 218 Xildhibaan, waxaa ogolaaday Wasiiradii hore in la iska dhaafo 113 Xildhibaan waxaana diiday in ay soo laabtaan oo Mooshinkii hore u codeeyey 90 Xildhibaan!.

Haddii Mooshinkii Dammul Jadiid guulaystay oo isla Dammul Jadiid Wasiiro ah soo noqonayaan, maxay u cayriyeen Saacid Shirdoon?, waa cawaan waxay u badan tahay in isla Wasiiradii soo noqdaan, waayo Dadka meel marinaya waa kuwo Laaluushka ku nool waxay u badan tahay Wadanka Soomaaliya in Dammul Jadiid qabsadaan!.

Waxaan sugno waa in C/weli Sheekh Axmed kudhawaaqo Wasiiro Dammul Jadiid ah Baarlamaanku Ansixiyo markii uu warkooda diidana intay shir galaan ay dhahaan halla rido xukuumadda C/weli sidii Saacid Shirdoon ay u galeen oo kale.

Ra’isalwasaaranimadii Soomaaliya iyo Soomaaliya oo dhan waxay gacanta u gashay koox burcad ah oo Dammul Jadiid la baxday, waxaa Xassan Gurguurte la yimid Falsafad aanan horay loo aqoon oo ah Qabiil kasta in uu ka keeno Wasiir Dammul Jadiid ah oo u shaqaynaya danaha Dammul Jadiid!.

Xaqiiqadii Dammul Jadiid waa kaxun yihiin Aalashiikhii Sharif Sheekh Axmed. Waxay marayaan Dammul Jadiid in ay Mowliidka kudhigaan xeryaha lagu dhigo Kirismiska Sanad gaaleedkana loogu dabaal diggo!, ma jirto Ihaano kaweyn oo ay u gaysan lahaayeen Nabigeena Suuban Maxamed Nabadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha noqotee!.

Wadankasta waxaa ka Imaanaya Nin Dammul Jadiid ah, Rag badan oo Wasiiro laga dhigayo ayaa Carabaha ka imaanaya oo Diyaarado lagu keenaa Muqdisho, wararna waxay sheegayaan in Xassan Gurguurte iyo gacan yarihiisa Daahir ay u dhaariyaan danaha Dammul Jadiid in ay ka shaqeeyaan!.

No comments:

Post a Comment