Saturday, February 22, 2014

(Sawiro) La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose (Mudane Cabdulaahi Ciid )

                                                     



(Sawiro) La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose (Mudane Cabdulaahi Ciid )
Oo dhagax dhigay xarun Caafimaad oo laga hirgalinayo degmada Carmo
La-taliyaha Madaxweynaha Dowlada Puntland ee arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose Cabdulaahi Ciid ayaa dhagax dhigay xarun Caafimaad oo loogu talagalay Hooyada iyo Dhalaanka,taas oo laga hirgalinayo degmada Carmo ee Gobolka Bari.
Munaasabada lagu dhagaxdhigay xarunta Caafimaad ee la filayo in laga hirgaliyo degmada Carmo ayaa waxa goob joog ka ahaa,duqa degmada Carmo,maamulka Caafimaadka degmada iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada amniga.
Duqa degmada Carmo Ibraahim Shire Maxamed ayaa sheegay in MCH-ka la filayo in laga hirgaliyo degmada ay doonayaan inay ugu adeegaan dadweynaha ku dhaqan degmada Carmo iyo nawaaxigeeda.
La taliyaha Madaxweynaha Puntland arrimaha Gudaha  iyo Dowlada hoose Cabdulaahi Ciid oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka hadlay goobta ayaa sheegay in degmada Carmo ay tahay magaalo Taariikhi ah,oo dhisan tahay Burburkii Dowlada Soomaaliya ka dib.
‘’Sharaf wayn ayay u tahay Dowlada cusub ee Cabdiwewli uu hogaaminayo in maanta ay xaruntii Caafimaadka ugu waynayd aan maanta dhagax dhigno,muhiimadayadu waxay tahay goobo Caafimaad iyo Waxbaarsho’’Ayuu yiri Cabdulaahi Ciid.
Mudane Cabdulaahi Ciid ayaa hoosta ka xariiqay in Dowlada uu hogaan ka u hayo Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ay ka go’an tahay inay u adeegto dadweynaha.
Kormeerka kulliyada Ciidanka iyo Xarumo Caafimaad.
La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose Cabdulaahi Ciid ayaa kormeer uu ugu kuurgalayay arrimaha Bulshada ku tagay Cisbitaalka xarumo Caafimaad iyo Kulliyada tababarka Booliska ee degmada Carmo.
Cabdulaahi Ciid ayaa intii uu kormeerka uu ku jiray Warbixino ka dhagaystay Maamulka Caafimaadka iyo Saraakiisha Kuliyadda tababarka Booliska Carmo,wuxuu indha-indheeyay qaybaha kala duwan ee ay kooban tahay Kulliyada Carmo.
Si kastaba ha ahate, Kulliyada Tababbarka Ciidanka Booliska Carmo ayaa u baahan balaarin iyo dib u habayn balaaran,maadama aysan helin muddooyinki ugu dambeeyya dayactir iyo balaarin.

Hoos Ka Daawo Sawirada;- 




Friday, February 21, 2014

4Tii (Aaranjaan)Ahmed Ceydiid, Cali Yuus Xoosh (Cali gaab), Xasssan Shire Abgaal, Aadan Doolar,


                                  



[EXTREMELY IMPORTANT!!!]: 

Hal xiraale cusub : Yaa ii sheegi kara 4taan nin shaqo xalaal ah oo ay ka shaqeeyeen oo ah xammaali ama aqoontooda oo ay ku shaqeeeyeen, intaan ka hayo baan idiin sheegin.

Ahmed Aidiid, waxa uu ka shaqo bilaabey Bankiga Somali ka hor 6 sano burburka, waxaana geeyay nin ay isku beel hoose ahaayeen oo Wasiiir ahaa ALLAHA u naxariistee Mire Awaare, burburka ka hor Puntland waxa uu xisaabaadka si dadban uga shaqeyn jirey oo dhaqaale ku qaadan jirey Dakada Boosaaso xiligii SSF, dabadeed Puntland markii la asaasey sanad kadib waxa uu shaqo ka bilaabey hay'ddii NESHA oo iminka loo badaley PHA, Doorashadii Faroole waxa uu heley fursadii ugu weyneyd oo ah Puntland oo sidii NGO gaar loo leeyahay ay u maamusheen Kooxdiisa Aaranjaan, Faroole iyo Caruurtiisa.

Waxa uu ku dhashey badiyaha Nugaaleed, waxaana uu yaraan kus oo galey kuna korey magaalada Garoowe.

Waxa uu sameystey Hanti badan intii u jogey NESHA, dabadena intii NGO Puntland waxa uu sameystey hantti iyo dhaqaale aad u badan waxaan uu reerkiisa geestey magaalada Neyroobi Dalka Kenya.

Ahmed Ceydiid, ma aha nin fudud, mana aha ni afxun, mana aha warkiisa la gabada, balse waa nin dantiisa uu eegta.

Ka hor inta usan mdaxtooyada Puntland tagin waxa uu ahaa ehlusalad ku xiran Masaajidka, ma garanayo in uu Salaada joojiyey balse waan hubaa in uu Masaajidka joojiyay (Salatujameeeca).

Aadan Doolar, waxa uu ka shaqo bilaabey Agoonta Koleejka Garoowe 1994, waxa uu ka kasbadey xoogaa hanti ah oo gadiid u badan waxaana xasuusta in laba gaaroo midkood Waaraad baabuurta loo yaqaan ahaa in muddo gaaban gudahood ay ku gaddoomeen oo ayna ku burbureen iyagoo dadkii saarna aaysan wax saas ah ku noqon.

Puntland markii la dhisay waxyar kadib ayuu la shaqo bilaabey markii labadii garab ee Puntlan Gen. Cadde iyo Col. Yuusuf heshiiyeen, waxaana uu noqdey Agaasimewaxeedka maamulka iyo lacagta, waxaana uu caan ku ahaa laaluush qaadasho iyo shaqaalaha oo mushaarkooda qofkiiba 50000 illaa 100000 uu ka jaran jirey bil kasta.

Dabadeedna, waxa uu ka mid noqdey kooxdii Aaran jaan ee Puntland u gacan gashey, madax fiican mana noqon muddo gaaban buu Faroole Xoogheyn u ahaa dabadeedna waa laga baacshey si kastaba ha ahaatee, hase ahaat si xaaraan ku helaba waa heley, dhul badan buu gatey lacag badana banigyada Caalamiga ah ee Neyroobi xafiisyada ku leh buu dhigtey, naagana dalka Norwey buu u dhoofshey, isna dalka Denmark buuu sharci ku leeyahay.

Xasssan Shire Abgaal, waxa uu ku dhashey Koonfurta Dalka hase ahaate isaga yar ayaa la keenay Garoowe halkaas buu ku korey ilaa dugsi sare kaga baxey. waxa uu ka shaqo bilaabey Wasaarada Caafimaadka, waxa uu dabadeedna ka mid noqdey Kooxda Aaranjaan ee Mashruuca ka dhigetey Puntland, waxa uu sameystey Hanti badan, waxa uu reerkiisa u kaxeystey Neyroobi, waxa uu u baxey dalka Sweden.

Xassan waa nin afxun oo hadalka iska tuura, hase ahaatee waa nin ka dun fiican Labada hore ee Aadan doolar iyo Ahmed Aidiid.

Cali Yuus Xoosh (Cali gaab), waxa uu ku dhashey baadiyaha Nugaaleed, isaga oo nin wyn ah ayaa Garoowe la keeney qiyasatii 15 jir, waxa uu dhigtey Dugsi dhexe oo kaliya, dabadeed Sucuudiga ayuu u shaqatey, dabadeed waxa uu ka shaqo bilaabey Puntand waxa uu ka noqdey Agaasimewaxeedka Wasaarada Arimaha Gudaha, waxa uu samesty dhaqaale xaaraan ah dabadeena waxa uu ka mid noqdey Kooxda aranjaan ee Puntland mahruuca ka dhigatey, waxa uu sameystey hanti badan guryo badan dhul badan, waxaa uu dabeed ku noqdey naagtiisii hore, oo USA dagan, waxa uu ilmo ka dhaley Wacal ah naag uu horey u furey oo uuu diidey in uu ku noqdo.

Cali Gaab, waa nin xaaraanta ay adduunka ku haleeshey walaalihiis magacooda waa weydiiy, horeyna maskax uma dhalan.

Waa nin ka nabadoonsan ragaan hore, waa nin aan ka talin isku dhca tolka iyo in la isnaco, waxa uu ka shaqeeyay arimo badan oo Masaaliix ah gobolka Nugaal iyo guud ahaanba Puntland.

Waxaan jeclaan lahaa ina y toobadkeenaan ragaan oo hantiada u ceshaan waxaan waa adduune. 

Thursday, February 20, 2014

(Warbixin+Digreetooyin) Madaxweynaha Dowlada Jubbaland oo magacaabay Guddoomiayaha Gobolka Jubada hoose,duqa degmada Kismaayo iyo Wasiiro ku xigeeno

                 





(Warbixin+Digreetooyin) Madaxweynaha Dowlada Jubbaland oo magacaabay Guddoomiayaha Gobolka Jubada hoose,duqa degmada Kismaayo iyo Wasiiro ku xigeeno  




Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaan’’Madoobe’’  ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Guddoomiaya Gobolka Jubbada hoose,Duqa degmada Kismaayo,toban Wasiir ku xigeen iyo hal WSasiiru-dowle sida ku xusan laba Digrreto oo kaso baxay Madaxtooyada Dowlada Jubbaland oo nuqul ka mid ah laso gaarsiiyay Warsidaha Puntlandi.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Guddoomiyaha Gobolka Jubbada hoose  u magacaabay Cabdirashiid Cabdulaahi Cali ‘’Gooni’’,halka duqa degmada Kismaayo loo magacaabay Ibraahim Maxamed Yuusuf.
Digreetada kaso baxday Madaxooyada Jubbaland ayaa waxa Madaxweynuhu uu ku magacaabay 10-wasiir ku xigeen iyo hal Wasiiru-dowle oo haweenay loo magacaabay.
Waxaa xusid mdan in saddex ku xigeen loo magacaabay degmada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose sida aad Digreetada ka dheehan kartaan.
Hoos Ka Akhriso Digreetooyinka lagu magacaabay Mas’uuliyiintan oo nuqul ka mid ah laso gaarsiiyay Warsidaha Puntlandi;-

Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay 10 wasiir ku xigeeno iyo hal wasiiru dowle



                                  




Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay 10 wasiir ku xigeeno iyo hal wasiiru dowle oo loo magacaabay Khamar Deeq Xaaji Khaliif, halka afayeenka maamulka loo magacaabay Cabdinaasir Seeraar....


Monday, February 17, 2014

Gaafoow Oo Gurigiisii Ka Guuray Dalabeey,Xaad Iyo Axmed-Diiriye Oo loo Hanjabay:Sirta Ka Dambaysa Waa Lagu Hayaa


Gaafoow


Axmed-Diiriye


Dalabeey

Xaad 

-----------------------------------------------------------------------------------------------------------

Gaafoow Oo Gurigiisii Ka Guuray Dalabeey,Xaad Iyo Axmed-Diiriye Oo loo Hanjabay:Sirta Ka Dambaysa Waa Lagu Hayaa.....

------------------------------------------------------------------------
Kooxda Alshabaab ayaa biloowday taaktiik cusub oo ay ku farxeen Shacabka kuwooda xalaasha ah ee Muqdisho ku sugan,kadib markii Guuto la magac-baxday (Al-Xalaal)oo Ururka Alshabaab ka tirsan ay bilaabeen inay Miino ku rakibaan kadibna bur-buriyiyeen Guryo uu xoog ku heystay Indhacadde oo 3-guri uu xoog ku heystay Miino lagu bur-buriyay,waxaaana sidoo kale Gurigiisa Miino lagu bur-buriyay Xildhibaan ka tirsan Dawladda Federaalka oo isagana Guryo Xaaraan ah oo uu dhistay Miino looga bur-buriyay.
Indha-cadde ayaa hadda Muqdisho ku noqday (Homeless)guri-la’aan kadib markii 3-dii guri uu xooga ku heystay laga bur-buriyay miinana lagu rakibay iyadoo dambas laga dhigay,waxaana arintaan ku farxay dadkii uu ka dhacay guryaha oo u mahad-celiyay guutadda (Al-Xalaal)ee cabsi-weyn ku abuuray Dagaal-oogayaasha Koonfurta Soomaaliya ee xooga ku heysta guryo aysan laheyn muddo 23-sanno ah.
Kooxda Al-Xalaal ee ah garab ka tirsan Alshabaab ee loo tababaray inay burburiyaan guryaha xooga lagu heysto ayaa xalay Teleefoon u diray General Gaafoow oo dhac iyo boob ku dhistay dhul ah laheyd Hooyo lagu magacaabo Ifraax iyo Caruur ay dhashay oo Talyaani ah.
Gaafoow ayaa ka guuray Gurigii uu xooga ku dhistay kadib markii Kooxdan ay ku hanjabtay inay Gurigiisa Miino ku rakibayaan sidii Indhacadde guryihiisa looga bur-buriyayna Gaafoow in looga bur-burin doono,waxaana arintaas cabsi-gelinta ay keentay in General Gaafoow uu isaga guuro Guryihii uu dhaca iyo boobka ku dhistay.
Shacabka Muqdisho kuwooda xalaasha ah ayaa soo dhaweeyay in Miino lagu bur-buriyo guryaha ay xooga ku heystaan Xubnaha qaarkood Dawladda Federaalka ka tirsan.
Ilaa iyo hadda Gaafoow kama hadal sababta uu Gurigiisa uga guuray boorsooyinkiisa uga qaaatay iyo goorta uu guryihii uu dhacay uu ku soo laabanayo.
Dhinaca kale warar isa soo taraya ayaa sheegaya Kooxda Alxalaal inay u hanjabtay hadii ay guryaha ay xooga ku heystaan ay wareejin-waayaan ragga kala ah (Xaad,Dalabeey iyo Axmed-Diiriye)inay Guryaha ay xooga ku heystaan Miinooyin ku aasayaan dhulkana la simayaan.

Sunday, February 2, 2014

Sadexdii madaxweyne Ee ‪#‎Khaatumo‬ state oo markii ay iska xaadiriyeen Caasimada puntland ee ‪#‎Garowe‬.

                                                
                                              
 
 
 
Bureau for Somalian People's Development  _
Sadexdii madaxweyne Ee ‪#‎Khaatumo‬ state oo markii ay iska xaadiriyeen Caasimada puntland ee ‪#‎Garowe‬.

Ayaa Dowlada Puntland u kala magacowday sadex wasiir oo kala ah.

1: Wasiirka Arimaha gudaha iyo dolwladaha hoose, ‪#‎Karaash‬....
2: Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka bada, ‪#‎Biindhe‬.
3: Wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta, ‪#‎Indha‬ ‪#‎sheel‬.

Mar Wasiirada makaroofanka lala raacay oo la weydiiyay waxa ay hada Khaatumo ka Aamin sanyihiin waxa ay dhaheen Qofkii magaca Khaatumo laga maqlaa saacadan laga bilaabo waa in Carabka la jaraa. Dalka iyo dadku waa puntland, Viva ‪#‎Puntland‬.

Me wonders.........who wrote up that stuff on the teleprompter?

                                                       







tate of the Union 2014 Address: President Obama's FULL SOTU
Me wonders.........who wrote up that stuff on the teleprompter?
 

Calanka Maamulka Puntland oo Seddex Maalmood Hoos loo dhigay


                                                      




Bureau for Somalian People's Development—Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay in calanka Puntland hoos loo dhigay muddo seddex maalmood ah, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in lagu sharfayo Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo xalay ku geeriyooday Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Madaxweyne C/weli Gaas waxaa uu sheegay in C/risaaq Xaaji Xuseen uu ahaa Ra'iisal Wasaare Soomaaliya soo maray xilli ay Soomaaliya ka soo baxday gumeysi, wuxuuna ku tilmaamay shakhsi karti, hufnaan iyo maamul-wanaag  ku caan baxay.
”Umadda Soomaaliyeed oo dhan wey ka dheregsan tahay halgankii C/risaaq Xaaji Xuseen ee gobonimo-doonka Soomaaliyeed iyo sidii uu ugu qidmeeyay Umaddiisa iyo dalkiisa”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.
Wuxuu intaas ku daray Madaxweynaha Puntland in ay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya C/weli Shiikh Axmed ka wada hadleen in aas qaran loo sameeyo marxuumka, wuxuuna caddeeyay in ay arrintaas isku af-garteen, aas qaranna loo sameyn doonno.
Intaas kaddib wuxuu C/weli Gaas tacsi u diray Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay caalamka ka joogaan, wuxuuna uga tacsiyeeyay geerida ku timid Ra'iisal Wasaarihii hore. Sidoo kalena wuxuu tacsi taas la mid ah u diray Qoyskii uu marxuumka ka geeriyooday, wuxuuna Allaah uga baryay marxuumka in uu jannada ka waraabiyo.