Sunday, February 2, 2014
Calanka Maamulka Puntland oo Seddex Maalmood Hoos loo dhigay
Bureau for Somalian People's Development—Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay in calanka Puntland hoos loo dhigay muddo seddex maalmood ah, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in lagu sharfayo Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo xalay ku geeriyooday Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.
Madaxweyne C/weli Gaas waxaa uu sheegay in C/risaaq Xaaji Xuseen uu ahaa Ra'iisal Wasaare Soomaaliya soo maray xilli ay Soomaaliya ka soo baxday gumeysi, wuxuuna ku tilmaamay shakhsi karti, hufnaan iyo maamul-wanaag ku caan baxay.
”Umadda Soomaaliyeed oo dhan wey ka dheregsan tahay halgankii C/risaaq Xaaji Xuseen ee gobonimo-doonka Soomaaliyeed iyo sidii uu ugu qidmeeyay Umaddiisa iyo dalkiisa”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.
Wuxuu intaas ku daray Madaxweynaha Puntland in ay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya C/weli Shiikh Axmed ka wada hadleen in aas qaran loo sameeyo marxuumka, wuxuuna caddeeyay in ay arrintaas isku af-garteen, aas qaranna loo sameyn doonno.
Intaas kaddib wuxuu C/weli Gaas tacsi u diray Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay caalamka ka joogaan, wuxuuna uga tacsiyeeyay geerida ku timid Ra'iisal Wasaarihii hore. Sidoo kalena wuxuu tacsi taas la mid ah u diray Qoyskii uu marxuumka ka geeriyooday, wuxuuna Allaah uga baryay marxuumka in uu jannada ka waraabiyo.

No comments:
Post a Comment