Gaafoow
Axmed-Diiriye
Dalabeey
Xaad
-----------------------------------------------------------------------------------------------------------
Gaafoow Oo Gurigiisii Ka Guuray Dalabeey,Xaad Iyo Axmed-Diiriye Oo loo Hanjabay:Sirta Ka Dambaysa Waa Lagu Hayaa.....
------------------------------------------------------------------------
Kooxda Alshabaab ayaa biloowday taaktiik cusub oo ay ku farxeen Shacabka kuwooda xalaasha ah ee Muqdisho ku sugan,kadib markii Guuto la magac-baxday (Al-Xalaal)oo Ururka Alshabaab ka tirsan ay bilaabeen inay Miino ku rakibaan kadibna bur-buriyiyeen Guryo uu xoog ku heystay Indhacadde oo 3-guri uu xoog ku heystay Miino lagu bur-buriyay,waxaaana sidoo kale Gurigiisa Miino lagu bur-buriyay Xildhibaan ka tirsan Dawladda Federaalka oo isagana Guryo Xaaraan ah oo uu dhistay Miino looga bur-buriyay.
Indha-cadde ayaa hadda Muqdisho ku noqday (Homeless)guri-la’aan kadib markii 3-dii guri uu xooga ku heystay laga bur-buriyay miinana lagu rakibay iyadoo dambas laga dhigay,waxaana arintaan ku farxay dadkii uu ka dhacay guryaha oo u mahad-celiyay guutadda (Al-Xalaal)ee cabsi-weyn ku abuuray Dagaal-oogayaasha Koonfurta Soomaaliya ee xooga ku heysta guryo aysan laheyn muddo 23-sanno ah.
Kooxda Al-Xalaal ee ah garab ka tirsan Alshabaab ee loo tababaray inay burburiyaan guryaha xooga lagu heysto ayaa xalay Teleefoon u diray General Gaafoow oo dhac iyo boob ku dhistay dhul ah laheyd Hooyo lagu magacaabo Ifraax iyo Caruur ay dhashay oo Talyaani ah.
Gaafoow ayaa ka guuray Gurigii uu xooga ku dhistay kadib markii Kooxdan ay ku hanjabtay inay Gurigiisa Miino ku rakibayaan sidii Indhacadde guryihiisa looga bur-buriyayna Gaafoow in looga bur-burin doono,waxaana arintaas cabsi-gelinta ay keentay in General Gaafoow uu isaga guuro Guryihii uu dhaca iyo boobka ku dhistay.
Shacabka Muqdisho kuwooda xalaasha ah ayaa soo dhaweeyay in Miino lagu bur-buriyo guryaha ay xooga ku heystaan Xubnaha qaarkood Dawladda Federaalka ka tirsan.
Ilaa iyo hadda Gaafoow kama hadal sababta uu Gurigiisa uga guuray boorsooyinkiisa uga qaaatay iyo goorta uu guryihii uu dhacay uu ku soo laabanayo.
Dhinaca kale warar isa soo taraya ayaa sheegaya Kooxda Alxalaal inay u hanjabtay hadii ay guryaha ay xooga ku heystaan ay wareejin-waayaan ragga kala ah (Xaad,Dalabeey iyo Axmed-Diiriye)inay Guryaha ay xooga ku heystaan Miinooyin ku aasayaan dhulkana la simayaan.




No comments:
Post a Comment