Sunday, June 1, 2014

Faallo: Halkee ku danbeyn karaa Khilaafka Xisbiga Kulmiye ee Somaliland?




Kahor iyo kadib shirweynihii xisbi xaakimka Somaliland ee Kulmiye waxaa soo baxay khilaafka iyo damaca awoodeed ee xisbiga dhexdiisa ah, qabanqaabada shirweynihii Kulmiye ee dhacay bishii Abril 2014 ayaa soo socdey tan iyo sanadkii hore 2013, waxaana dib u dhacaas ku keenay khilaaf u dhexeeyey xisbiga kaas oo marna kuwa uu u dhexeeyo aysan si toos ah uga hadlin laakiin aan ahayn mid qarsoon, waxaana khilaafkaas tiir u ahaa:
- Guddoomiyaha xibsiga (Muuse Biixi) oo aan dooneyn in lagula tartamo xilka oo uu banaan dhigto.
- Cabdicasiis Samaale wasiirka maaliyadda ee Somaliland oo ay isku raas ka soo jeedaan Muuse Biixi oo damac ka hayey kursiga hiilna ka haystey Madaxtooyada.
- Kuwa noqoneya Guddiga dhexe iyo kan fulinta oo dhinacyadu doonayeen in ay awood ku yeeshaan.
- Taageerayaasha Siilaanyo oo doonayey in musharaxa xisbugu yahay Madaxweynaha hadda ee Siilaanyo.

Taariikh kooban oo Kulmiye ah

Ka hor inta aynaan u gelin halka khilaafkan ku danbeyn karo, waxaan si kooban u sheegi karnaa in Xisbiga Kulmiye lagu dhawaaqey sanadkii 2002, dhimashadii Madaxweynhii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal (AUN) kadib, labada Xisbi ee UDUB iyo UCID waa ka horeeyeen, waxaa sidoo kale ka horeeyey xisbi aan ka mid noqon kuwa Xisbi ahaan loo aqoonsan yahay oo la dhihi jirey ASAD kaas oo uu sameeyey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Adam. Kulmiye waxaa ku dhawaaqey oo samayntiisa lahaa Madaxweynaha hadda ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaana la asaasey rag kale oo magac ku lahaa Jamhaddii SNM waxaa kamid ah Maxamed Kaahin Axmed oo hadda ah guddoomiye kuxigeenka Xisbiga, waxaana uu asaaskii Xisbiga noqdey afhayeenka Kulmiye, Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax, ragga kale ee wax ka soo asaasey waxaa kmid ahaa Guddoomiyaha Kulmiye ee hadda Muuse Biixi Cabdi.
Siilaanyo wuxuu noqdey siyaasiga ugu miisaanka culus kadib dhimashadii Cigaal. Wuxuu ahaa (Siilaanyo) Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee Jamhaddii SNM ee qabsatey Gobolada Waqooyi, taas oo siyaasyintii askarta u badnaa ee horboodayey uu ilkaha ka siibey Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweyne kuxigeen aan si weyn loo aqoon oo habeenkii xilka sida kumeelgaarka ah loogu dhaariyey dadka u sheegay magaciisa saxda ah in uu yahay Daahir Rayaale ee aanu ahayn Daahir Riyaale sida warbaahinta Somaliladn ugu yeeri jirtey.
Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynihii hore ee Somaliland oo horey uga soo shaqeeyey hay’addii nabad sugidda ee Soomaaliya, waxa uu noqdey nin aan la yaraysan karin siyaasaddii uu la soo baxay, waxaana uu ahaa nin lagu tilmaamo sida awr hayin ah oo dulqaad u leh kuwa ka soo horjeeda in uu si dhib yar uga takhaluso isaga oo aan u marin karin ciriiryoon, doorashadii u horeysey ee Somaliland ka dhacdey kadib geeridii Cigaal sanadkii 2003, waxaa la shegey in Rayaale uu Siilaanyo uga guuleystey 84 cod oo keliya taas oo Siilaanyo markii hore ku qanci waayey welina quursado ayse ahayd in uu oggolaado in hal cod looga adkaan karo laakiin cadaadis lagu saarey maadaama Daahir Rayaale tageero weyn ku haystey Gobolada Galbeedka, taasi waxay dhaxalisiisey Siilaanyo in uu adkeysto 5 sano oo sharcigu siiyey Rayaale iyo laba sano oo suubis ah oo xilka loogu daray.
Dedaal dheer iyo isaga (Siilaanyo) oo heley siyaasiyiin cod uga keeni kara Gobolada Galbeedka sanadkii 2010 ayuu Siilaanyo si weyn ugu guuleystey xilka Madaxweynaha Somaliland, waxaana Daahir Rayaale ku dhawaaqey in tartanka looga adkaadey.

Guushii Kulmiye 2010 kadib

Kadib markii xilka loo dhaariyey Axmed Siilaanyo sanadkii 2010, waxaa si lama filaan ah shukaanta Kulmiye u qabtey rag u badnaa dhalinyaro, waxaana ay garbiyeen siyaasiyiin wax ka soo asaastey Xisbiga kuwaas oo iska dhex arki waayey Golihii Wasiirada.
Muuse Biixi Cabdi oo aaminsanaa in guusha Kulmiye uu qayb-libaax ku lahaa waxaa uu filaayey in uu helaayo ugu yaraan Wasiirka Maaliyadda aqontiisa dhaqaale halkey doonto ha dhigtee. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ahaa dhalinyaradii ka tirsanaa ciidankii Soomaaliya, kadib waxa uu ku biirey Jamhaddii SNM horaantii sanadihii Sideetamaadkii, dhanka waxbarashada waxa uu sanadkii 2011 ka qalinjebiyey Jaamacad ku taala Hargeysa.
In Muuse Biixi iska dhex arki waayo Golaha Wasiirada Somaliland sanadkii 2010 waxaa la sheegaa in uu masuul ka ahaa Wasiirka hadda isaga (Muuse) dartiis xilka looga qaadey Dr Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ku cusbaa siyaasadda Somaliland qaar kamid ah dadka reer Hargeysana ugu magacdareen gaari nooca rakaabka ah oo ku cusbaa deegaankaas, kuwaas oo la arkey iyaga oo hal mar dhex-yaacaya Hargeysa.
Guushii Kulmiye kadib waxa uu sameeyey (Siilaanyo) xil aan horey Somaliland loogu aqoon waa Chief of Cabinet kaas oo loo magacaabey Wasiirka la sheego in uu yahay kuwa ugu awoodda badan golaha Wasiirada  waa ninka la yirahdo Xirsi Cali Xasan oo Madaxweynaha ay isku raas ka soo wada jeedaan.
Warbaahinta Somaliland aad ayey ugu wareereen wixii ay ku fasiri lahaayeen Cheif of Cabinet maadaama ay sidaas uga soo baxdey madaxtooyada waxaana ugu danbeyn ay u daayeen in uu yahay RAYSALWASAARE, taas oo Madaxweyne Siilaanyo ku kasbadey mucaaradnimo deg-deg ah ma madaxweyne iyo Raysalwasaare ayey isku darsadeen, iyo  “Nin aan la dooran ayaa dalka u taliya”, taasi waxay keentey in isku shaandhenyn deg-deg ah uu sameeyo (Siilaanyo) meeshana ka saaro Rasalwasaarihii yaraa oo u beddelo halkii markii horeba loo magacaabay ee Wasiirka Madaxtooyada.
Si kastaba ha ahaatee guushii Kulmiye waxay keentey in dhalinyradii ku cusbeyd Xisbiga ay banaan dhigaan judhii horeba rag uu kamid ah yahay Cabdiraxmaan Cabdulqaadir, oo Siilaanyo dartiis dhabarka uga jabey ahaana guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee Kulmiye, waxaana ay ku beddesheen Dr Gaboose oo isagu ahaa siyaasi xisbiyo kala geddisan soo marey, haddana ku danbeeyey shaqadiisi dhakhtarnimo iyo Xisbiga cusub ee Waddani.
Dhalinyarada talada Kulmiye la wareegtey ayaa la sheegaa in ay u qaybsan yihiin laba kooxood, kuwo qurbaha ka yaacey oo si toos ah u hoostaga Marwada kowaad, xilal muuqdana ma hayaan iyo  qaybta labaad oo ah Golaha Wasiirada oo ay ku jiraan kuwii horey dagaalka ula galay Kulmiye markii uu mucaaradka ahaa oo UDUB-koodi ku soo dumey iyo kuwo badan oo aan khibrad u lahayn sooyaalka siyaasadeed ee Somaliland, kuwaas oo dhamaantood si dadban iyo si muuqataba shidaalka uga qaata Wasiirka haysta dhegata Madaxweynaha, waxayna abuuraan xaalad ninkii ay Madaxweynaha saaxiib iyo rafiiqba ahaan jireen ku kalifta in aanu soo geli karin xafiiskiisa.
Guddoomiyaha Xisbiga iyo Xilka Madaxweynaha oo la kala  saaro
Muuse Biixi markii uu arkey halka la marsiiyey, wuxuu ku dedaaley in uu Xisbiga Kulmiye gacanta ku dhigo dhabbahana u jeexdo waxa maanta oo afar sano laga joogo doorashadii Somaliland uu doonaayo, gees lo’aad kuleykaa lagu gooyaa e oday Siilaanyo isaga oo weli u dabaaldegaya guushiisi Madaxweynaha ayaa laga fur-furey xilkii Guddoomiyaha sanadkii 2010 bishii August taas oo ahayd maamul xumidu halkey ka bilaamatey, waxaana lagu wareejiyey Muuse Biixi Cabdi, taas oo dad badan  shaki gelisey ah in Siilaanyo yahay Madaxweyne hal xilli heshiis horena uu jiro in Muuse noqon doono musharaxa 2015 ee Xisbiga Kulmiye, waana midda kaliftey cajil Madaxweynuhu iska duubey 30.05.2014 in uu ku beeniyo in uu jirey heshiis uu la galay Ina Biixi.
La soco qaybta danbe ee maqaalkan
Xisbi xaakin dhexdiisa labo u kala jabey xal ma lee yahay?
Siilaanyo oo CV-ga ay ugu qoran tahay in uu dhashey 1936, 45 sano kahorna ahaa Wasiirkii Qorsheynta ee Soomaaliya ma ka daacadbaa in uu musharax yahay?, mise cid buu wanjalayaa?.
Muuse Biixi  sidaan kuma noqon kari musharaxa Kulmiye ee guurtiga dhex-dhexaadinta wadaa maxay ku qancin, mise miiska Dhegaweyne iyo Xasan ciise ayuu ku biiri?
Ma horseedi karaa khilaafka Kulmiye in tartanka looga guuleysto Xisbiga dhan?
Khilaafka Kulmiye armuuba gallaaftaa Somaliland oo dhan, maadaama aan taariikhdu ku soo ogaaney in Muuse Biixi faataxo qaadan isaga oo heli kara si kale?

No comments:

Post a Comment