Ciidanka nabadgalyada wadooyinka ee gobolka Nugaal ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan maydka 7 ruux oo ku geeriyooday shil gaaari oo shalay galinkii dambe ka dhacay inta u dhexeysa tuulada Ilmo Adeer iyo Laac dheere oo hoos yimaada Garowe.
Taliyaha taraafikada gobolka Nugaal Ismaaciil Xirsi Shirwac oo wareysi siiyay allcarmo.com ayaa u sheegay inay garteen magacyada 4 kamid ah dadka dhintay iyo halka ay ka yimaadeen. Isagoo sheegay dadka dhintay inay ku jiraan nin iyo xaaskiisa oo wada socday.
Wuxuu sheegay taliyuhu macluumaadka shilkaan oo ay ku jiraan dadka dhintay, iyo kuwa dhaawacmay inay dhawaan ugudbin doonaan maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal oo qaadidoonto dacwada shilkaan iyo cidka iska leh mas’uuliyadiisa qasaaraha ka dhashay shilka.
Sababta shilkaan ka dambeysay wuxuu ku micneeyay gawaarida oo ku socotay xawaare saa’id ah, wadada shilka uu ka dhacay oo lahayd dhir badan iyo xaga cimilada oo ay jirtay dabayl.
Labadii gaari ee shilka galay oo kala ahaa gaari languruusal ah iyo Noha ayaa lasoogaarsiiyay xarunta ciidanka booliska ee Garowe, Waxaana ka muuqday bur bur xoogan oo soo gaaray halka gudahana lagu arkayay dhiig badan iyo alaabo ay ka tageen dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmay.
Maanta ayaa maydadka lagu aasayaa qabuuro kuyaala magaalada Garowe iyadoo aaskoodana ay ka qeybgalidoonaan mas’uuliyiin katirsan dowladda Puntland.