Thursday, January 29, 2015

Taarookhdu Way Qoraysaa Hadalka Macna la'aanta Ah Ee Aad Dadkiina Ku Dhaleecayseen, Puntland Horumarkeeduna Ma Hakanayo, Wayna Guulaysan. Wa Bilaahi Towfi

                                              




Waraysiyadda Cali Xareere Uu Ku Caadaystay Inuu Raadiyo Cid kasta oo uu ku Tuhmahayo Inay Indhaha Istiran Markay Ay Hadlayaan Ayaa Ku Soo Danbaysiiyey Waraysi Uu Ka Qaaday Afar Ruux Oo Mucaarad Ah Oo Mid Kasta Leeyahay Ujeedo gaar Ah Inuu Ku Fushado Danihiisa Gaarka Ah, 
Waxay Isku Dayeen Inay Cambaarayn iyo Dhaliil U Soo Jeediyaan Dowladda Puntland Iyo Maamulkeeda, Laakiin Halkaas Waxaa Hadalkooda Ku Caddaa Inaysan Xitaa Iyagu Is Faham Sanayn Waxa Ay Rabaan Inay Ka hadlaan.
Dowladdda Puntland Iyo Reer Puntland Wax ma Gaarsiin Karo Ruux Xanuunsan Oo Doonaya Inuu Dhaleeceeyo Dowlad Aduunkoo Dhami U Mahad Celiyo, Uguna Bogaadiyaan Dadaalka Ay Wadaan Iyaga Oo Aan Helin Wax Mucawino Ah,
Puntland waa Dowlad Ku caan Baxday Nabad Intii Ay Socdeen Dagaaladii Hareeyey Gebi Ahaanba Somalia.
Puntland Iyo Shacabkeeduba Waa Dad Isku dhiig Ah kana Horeeya Somalida Kale.
Puntland Qabiil Gooni ay u tahay Ma jiro, Dadka Isku Dhiiga Ah Ee Ku Nool Baa Dhistay.
Balse Inta Caawa Mucaaradka Sheeganaysa Ee Caii Xaraare Hogaaminayo Ee Hor Fadhidaya waxaan Leeyahay Bal Idinku Wadanka Maxaad KU Soo Kordhiseen Oo U Qabateen, Mase Arki Waydeen 16-ka Sano Ee Nabada Ah ee Barwaaqadda Lagu Jiray Ee Ay Soo Jirtay Ka Dib Dadaalka Shacabka Iska Leh Dartood Ay Muujiyeen, Ma Iloowdeen Inay Tahay Hooyadii Ka Danbaysay Inay Dhisanto Dowladda maanta Xamar Degan,
Taarookhdu Way Qoraysaa Hadalka Macna la'aanta Ah Ee Aad Dadkiina Ku Dhaleecayseen, Puntland Horumarkeeduna Ma Hakanayo, Wayna Guulaysan.
Wa Bilaahi Towfii

Friday, January 23, 2015

Inaba Caadi Maaaha Arintaan!!!


http://youtu.be/WowaQdp7MwE



 
i love this song it's meaningful :)

This is something big. A once struggling Somali brother singing with the queen of R&B.

Saturday, January 17, 2015

Deg Deg — Baarlamanka oo aqbalay codsigii Raysal wasaaraha




Kadib Cabasho,Talooyin iiga yimid qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Xubnaha Baarlamaanka waxaan warqad u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamad Shiikh Cusmaan (Jawaari) oo aan kuxusay inaan dib ula noqday Golihii Wasiirada ee aan 12-bishan kudhawaaqay.
Waxaan Gudoonka kacodsaday in 14 cisho aan helo si aan xukuumad kale usoo dhiso.
Fikradeydu waxa ay tahay in aan soo dhiso xukuumad 90% kaduwan tii horay aan usoo magacaabay.
...
Mahadsanidiin.
RW:Soomaaliya Mudane Omar Abdirashid Ali Sharmarke

Monday, January 12, 2015

Wardegdega:-Liiska Golaha Wasiiradda cusub -qabiiladooda iyo xilalka!!


......................................................................................
Golaha Wasiiradda Cusub ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo saacad kadib hasse yeeshee kuwa aan sii helnay waxaa safka hore uga jira:-
1-Cabdi Kariim Guled -Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federalka ,Habargidir ,Hawiye,
2-Faarax Cabduqadir Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka,Reer Aw Xasan,Sheekhaal Hawiye,
3-Abdullahi Sanbaloolshe Wasiirka Amniga,Xawaadle Hawiye,
4-Mohamed Mukhtaar Wasiirka Kaluumeeysiga, Gaaljecel Hawiye
5-Nadiifo Mohamed Osman Wasiirka Hoowlaha guud,Gugundhabe ,Hawiye,
6-Mustaf Dhuxulow Wasiirka Warfaafinta, Murusade,Hawiye
7-Cabduqadir Sheekh Ali Baqdaadi Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare -Reer Aw Saciid ,Dir
8- Cabdalla Boss Wasiirka Tamarta iyo Biyaha - Isaaq Habaryoonis
9-Abdirahman Beeyle Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamka,Gadabuursi ,Dir.
10- Cabduqadir Gaabane -Wasiirka Dastuurka - Leelkase Daarood.
11-Khadijo Mohamed Diiriye ,Wasiirka Haweenka iyo xaquuqul Insaanka, Madhibaan
12- Mohamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta , Habarjeclo Isaaq.
13-Mohamed Sheekh Cismaan ,Wasiirka Gaashaandhiga ,Raxanweyn
14-Muxudiin Kaalmooy Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha,Jareerweyne
15-Xuseen Cabdi Xalane,Wasiirka Maaliyadda ,Ogaadeen,Daarood
16- Maxamed Cumar Carte Qaalib, Wasiirka Ganacsiga ahna Ra'isulwasaare ku xigeen,Habar Awal,sacad Muuse,Isaaq.
17-Xasan Maxamed Jimcaale,Wasiiru doowlaha Dastuurka,dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha,Duduble Hawiye,
18-Ilka Jiir,Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta - Warsengeli Daarood.
19-Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Cabdullahi Sheekh Ismaaciil, Biyomaal,Dir
20-Daud Bisle,Wasiirka Macdanta iyo Batroolka,Dhulbahante ,Daarood.
21-Xayir,Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda, Majeerteen ,Daarood.
22-Yusuf Macalin Amiin Baadiyow,Wasiirka Dekaddaha ,Leesaan,Raxanweyn.
23-Cabdi Axmed Baafo,Wasiirka Beeraha ,Gendershe,Sheekhaal ,Hawiye
24-Ina Cali Magan,Wasiirka Qorsheynta ,Mareexaan,Daarood
Muungaab ayaa loo qorsheeyay in loo magacaabo Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga si xilkiisa gobolka Banaadir loogu magacaabo nin u dhashay Beesha Daauud Abgaal,kana tirsan Damujadiid hasse yeeshee waa diidyay xilkaas Muungaab ,sida la xaqiijiyay

Sunday, January 11, 2015

100 xildhibaan oo soo saaray digniin ka kooban 5 qodob, kana digay in 4 qof lagu soo daro wasiirada cusub!!!!!








Ku dhowaad 100 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa maanta soo saaray digniin siyaasadeed oo qal qal xooggan geli doonta magacaabista golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.
Xildhibaanadan oo ka mid ah isbaheysiga cusub ee Madasha Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Soomaaliyeed, ayaa dalbaday in la fuliyo shan qodob, haddii kalena ay dhici doonto cawaaqib xumo ka dhalata magacaabista golaha wasiirada cusub.
Qodobada ay soo saaren ayaa waxaa ka mid ah in 4 nin aan lagu soo darin golaha wasiirada cusub, in xilalka golaha wasiirada loo kala qeybsado 50-50 iyo in madaxweynaha faraha kala baxo howsha ra’iisul wasaaraha.
Xubnahay ay dalbadeen inaan lagu soo darin golaha wasiirada waxaa ka mid ah:-
1. C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe, oo ay laga dhigi rabo Wasiirka Amniga
2. C/kariin Xuseen Guuleed, , oo ay laga dhigi rabo Wasiirka Arimaha Gudaha
3. Faarax Sheekh C/qaadir, , oo ay laga dhigi rabo Wasiirka Garsoorka
4. Xuseen Cabdi Xalane, , oo ay laga dhigi rabo Wasiirka Maaliyadda
Hoos ka aqriso bayaanka xildhibaanada oo cinwaan looga dhigay “KA HORTAG KHALKHAL SIYAASADEED OO HOR LEH”.