Thursday, January 29, 2015
Taarookhdu Way Qoraysaa Hadalka Macna la'aanta Ah Ee Aad Dadkiina Ku Dhaleecayseen, Puntland Horumarkeeduna Ma Hakanayo, Wayna Guulaysan. Wa Bilaahi Towfi
Waraysiyadda Cali Xareere Uu Ku Caadaystay Inuu Raadiyo Cid kasta oo uu ku Tuhmahayo Inay Indhaha Istiran Markay Ay Hadlayaan Ayaa Ku Soo Danbaysiiyey Waraysi Uu Ka Qaaday Afar Ruux Oo Mucaarad Ah Oo Mid Kasta Leeyahay Ujeedo gaar Ah Inuu Ku Fushado Danihiisa Gaarka Ah,
Waxay Isku Dayeen Inay Cambaarayn iyo Dhaliil U Soo Jeediyaan Dowladda Puntland Iyo Maamulkeeda, Laakiin Halkaas Waxaa Hadalkooda Ku Caddaa Inaysan Xitaa Iyagu Is Faham Sanayn Waxa Ay Rabaan Inay Ka hadlaan.
Dowladdda Puntland Iyo Reer Puntland Wax ma Gaarsiin Karo Ruux Xanuunsan Oo Doonaya Inuu Dhaleeceeyo Dowlad Aduunkoo Dhami U Mahad Celiyo, Uguna Bogaadiyaan Dadaalka Ay Wadaan Iyaga Oo Aan Helin Wax Mucawino Ah,
Puntland waa Dowlad Ku caan Baxday Nabad Intii Ay Socdeen Dagaaladii Hareeyey Gebi Ahaanba Somalia.
Puntland Iyo Shacabkeeduba Waa Dad Isku dhiig Ah kana Horeeya Somalida Kale.
Puntland Qabiil Gooni ay u tahay Ma jiro, Dadka Isku Dhiiga Ah Ee Ku Nool Baa Dhistay.
Balse Inta Caawa Mucaaradka Sheeganaysa Ee Caii Xaraare Hogaaminayo Ee Hor Fadhidaya waxaan Leeyahay Bal Idinku Wadanka Maxaad KU Soo Kordhiseen Oo U Qabateen, Mase Arki Waydeen 16-ka Sano Ee Nabada Ah ee Barwaaqadda Lagu Jiray Ee Ay Soo Jirtay Ka Dib Dadaalka Shacabka Iska Leh Dartood Ay Muujiyeen, Ma Iloowdeen Inay Tahay Hooyadii Ka Danbaysay Inay Dhisanto Dowladda maanta Xamar Degan,
Taarookhdu Way Qoraysaa Hadalka Macna la'aanta Ah Ee Aad Dadkiina Ku Dhaleecayseen, Puntland Horumarkeeduna Ma Hakanayo, Wayna Guulaysan.
Wa Bilaahi Towfii

No comments:
Post a Comment