Taliska Booliska Dawlada Puntland ayaa Saxaafadda uso Bandhigay Lacagta Soomaaliland,taasi oo laga helay Jeebabka xubnaha ka tirsan Shabaab ee ay gacanta ku dhigeen Hay’ada amniga Puntland.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in Lacagta laga isticmaalo Soomaaliland laga helay Jeebabka Xubnaha ka tirsan Shabaab ee ay Dawladu gacanta ku dhigtay,xilli buu yiri Lacagaha laga isticmaalo Soomaaliland horay looga helay Xubno Shabaab looga laayay dagaaladii ka dhacay Buuralayda Galgala.
Wuxuu intaas ku daray‘’….Lacago hore oo badan ayaan haynaa,kuwo ku dhintay Diin-digle ayaa Jeebabkooda laga soo guray,waxay cadaynaysaa meesha ay soo maraan iyo meesha laga soo ambabixiyo ay tahay Soomaaliland,Lacagtooda ayaa cadaynaysa,markii kowaad ma aha,Wadada ay soo maraan waa halkaa’’.
‘’Waxaan leenahay cid kasta oo gabaad siisa,cid kasta oo Guryahooda ay kuso dagaan,cid kasta oo Hotelkiisa ay dagaan talaabo ayaa laga qaadayaa’’Ayuu yiri Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland.
Mudane Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa Saxaafadda u sheegay in Ciidamada amniga ay xalay Garowe iyo Burtinle ka qabteen xubno lagu tuhunsan Shabaab,kuwaas oo la socday Gaadiid.
‘’Dadweynaha reer Puntland waa inay Askar noqdaan oo ay Ciidamada la shaqeeyaan,hadaan amni jirin Waxbarasho,shaqo iyo Dhaqaale ma jirayo,dadka qaar badan oo nala shaqeeya ayaa jira waan u mahadcelinaynaa’’Ayuu yiri Muxiyadiin.
Hoos Ka Daawo Sawirada,kana Dhagayso Codka;
No comments:
Post a Comment