Friday, March 20, 2015

Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay hadal aan cajiibin Dowlada Mareykanka iyo Dhaqdhaqaaqyo Militeri oo socda!!

                               
                           


War kasoo baxay Dowlada Kuuriyada Waqooyi, ayaa lagu sheegay in dowladu ay diyaar u tahay inay gasho dagaal ka dhan ah Dowlada Mareykanka.

Hyun Hak-bong oo ah Safiirka dawlada Kuuriyada Waqooyi ufadhiya UK oo wareysi gaar ah siiyay Sky News ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar uyahay dagaal Nukliyeer ah oo uu la galo dalka Mareykanka oo kasoo horjeeda Hanaanka Siyaasadeed ee Kuuriyada Waqooyi.

Mr Hyun Hak-bong ayaa laga soo xigtay inuu yiri '' Kuuriyada Waqooyi waxay wakhti kasta diyaar utahay inay rido gantaalada xambaarsan nukliyeerka''

Hadalka kasoo yeeray Hyun Hak-bong ayaa kusoo beegmaya iyadoo Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay dhaqdhaqaaq militari ka wadaan xuduuda u dhaxaysa labada Kuuriya.

Mar la weydiiyay in iyagu hor ridi doonaan gantaalada nukilyeerka ah iyo in kale ayuu safiirku ku jawaabay ''Ka dal ahaan waxaa nahay dad nabada jecel oo aan dagaal rabin hase yeeshee aysan aan ka cabsi qabin dagaal aan la galaano dowlada Mareykanka''

‘‘Kuuriyada Waqooyi waxay diyaar utahay dagaal nukliyeer ah oo ay la gasho Mareykanka,’’ ayuu yiri safiirku

Safiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanku sugayo in Kuuriyado Waqooyi isdhigato si uu gantaalo ugu garaaco iyagoo aan iska jirin.

Mareykanka iyo xulifadiisa ayaa dhaq shaqaaqa militeri ay ka wadaan xuduuda Kuuriyada Waqooyi ku tilmaamay mid is difaacid ah halka Kuuriyada Waqooyi ay u aragto daan daansi dagaal.

No comments:

Post a Comment