Sunday, June 21, 2015

GAROWE: Dib U Laabashadda Cali Xaaji Warsame & Soo Dhaweynta Aaran-Jaan !!!!. ----------------------------


                                                     


Maantay waxaa dib ugu soo laabtay Garowe Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Dawlada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame kaasi oo mudo dheer dalka dibadda uga maqnaa, isla markaana isku shaandheyn uu sameyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Gaas xilkiisa ku waayey JUNE 16, 2015, ka dib markii Wasiirka Waxbarshadda loo magacaabay Abshir Aw-Yuusuf Ciise.
Soo dhaweyntii maantay loogu sameeyay Garowe, waa mid siyaasad badan wadatta, Saxaafaddu waxa ay ogaatay in dhaqaalaha gawaarida lagu kireyay ay bixiyeen qaar ka mid ah Kooxdii Aaran-jaan ee Madaxweyihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, kuwaas oo hadda siyaasad ahaan aan meelna ka joogin dalka.
Aaran-jaan waxa ay ahaayeen koox ka shaqeysay burburinta Puntland, inta badan dhegta wax ugu sheegi jiray Cabdiraxman Farole, waxaa hogaamiye u ahaa wiil uu dhalay, iyo shaqsiyaad inta badan lagu adeegto, Puntland intii ay maamulkeeda hayeen wax ay uga tageen dhaqaale xumo, amni xumo iyo weliba in ay kala qeybiyeen shacabkii ku heshiiyey Puntland.
Kooxdaasi maantay waxa ay gacanta ku hayaan Cali Xaaji Warsame, waxa ay adeegsadaan Websiyado dhowr ah, kuwa cusub oo ay hawadda soo geliyeen, iyo dhalinyaro ay siiyaan xooga lacago ah si ay wararka ugu qoraan dalka iyo dadka burburinaya.
Inkastoo aan siyaasad ahaan si weyn loo aqoon, haddana waxa uu Cali Xaaji ku soo caan baxay markii loo magacaabay wasiirka Waxbarshadda, Cali waxa uu wax badan ka qabtay arimaha waxbarshadda Puntland, waxa uu tagay dhammaan inta badan Goboladda dalka, waxa uu dhiiro geliyey Maamulka waxbarshadda, waxa uu ka shaqeeyay in la helo waxbarsho mideysan iyo Imitaxaan guud oo ardayda wada galaan.