Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta sidiiran loogu soo dhaweeyay Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.
Boqolaal dadwaynaha oo isugu jiray Waxgaradka, Haween dhalinyarada Magaalada ayaa Madaxwaynaha ka hortagay, waxaana sidoo kale gudaha magaalada joogay lamaiyada hareerihiisa dadwayne farabadan.
Madaxwaynaha ayaa ku dhexlugeeyay Magaalada Burtinle, waxaana isagoo shacabka la hadlay uu mahad balaaran u jeediyay soo dhawyantii diiranayd ee loo sameeyay.
Madaxwaynaha ayaa sheegay inuu kulamo la qaadan doono qaybaha kala duwan ee Bulshada oo odayaashu ugu horeeyaan.
Hoos ka daawo sawirro