Tuesday, March 29, 2016

AFRIKA MAKA XOROWDAY GUMEYSIGII? MAXAASE HOR-TAAGAN INEY XOROWDO?

                                                               
           

          Qeybta 1aad
Dad badan ayaa dhaliila madaxda wadamada Afrika oo ku tilmaama inay yihiin kuwo aan u adeegin isla markaana horumarin dalkooda, balse ka shaqeeya sidii ay iyaga iyo qoysaskoodu jeebka u buuxsan lahaayeen. Doodaasi waa mid jirta, lakin bal aan isla fiirino hadiiba ay jiraan madax diyaar u ah inay wadamadooda dhisaan maxaa ka hortaagan? Intee madaxweyne Afrikaan ah oo isku dayay inay diidaan heshiisyada gumeysiga cusub oo la dilay ama la af-gambiyay? Sideese Afrika uga xoroobi kartaa caqabada aan hoos ku sheegi doono ee hortaagan?
1960yadii waxa aduunka iyo shacabka Afrikaba loo sheegay in Afrika la siiyay xornimo buuxda, laakin arinkaas waxba kama jiraan, Afrikana waxay ku jirtaa wali gumeysi buuxa, waxayna u baahan tahay rag cusub oo u kaca sidii ay u xoreyn lahaayeen. Maqaalkeyga hoose oo ah xog rasmi ah xaalada ay ku sugan yihiin 14 wadan oo Faransiisku gumeysan jiray, waxa dhibaatada hoose la wadaaga Afrikada kale oo dhan iyo inta badan dunida sadexaad oo sidaan oo kale loo gumeysto wali qarnigan 21aad.
Wadamadii uu xornimada siiyay Faransiisku 60yeedii, wuxuu si qasab ah uga saxiixay heshiis gumeysi oo cusub oo qodobadiisa aan hoos ku faahfaahin doono. Madaxdii xiliga xornimada oo badan kood ahaa kuwo ay gumeystayaashu soo barbaariyeen una dhiibteen kursiga ayaa si fudud ku saxiixay heshiisyadaas burburiyay Afrika ilaa iyo maanta. Madaxdaasi hadiiba ay daacad ahaayeen, waxaa ka xoog badiyay jahli iyo xamaasad xornimo-doon waxayna si fudud shacabkooda ugu gacan galiyeen nooc gumeysi oo ka fool xun midka lagu yiri waa la idinka xoreynayaa. In badan oo ka mid ah madaxdaan mudo yar gudahood waxay arkeen, qodobada ay saxiixeen inay ahaayeen gumeysi nooc cusub, waxayna isku dayeen inay ka laabtaan heshiisyadaas, laakin waxan hoos iga sheekeyn doonaa mid walba sida loo dilay ama loo af-gambiyay.
14 wadan oo 60yadii uu Faransiisku siiyay xornimo - waxay kala ahaayeen Benin, Burkina Faso, Ivory Coust, Mali, Niger, Senegal, Togo, Cameroon, Central African Repuplic, Guinea Bissau, Equatorial Guinea, Chad, Congo-Brazzaville iyo Gabon. Inkastoo Guinea Bissau iyo Equatorial Guinea ay kala gumeysan jireen Bortaqiis iyo Isbeyn sida ay iskugu xigaan, hadana waxay ku xeer noqdeen wadamada Faransiisku gumeysan jiray oo waxay ku jiraan heshiiskan laga saxiixay oo qoraya.
1 “Inay bixiyaan lacago deyn ah oo lagu leeyahay”
Oo xageey ka timid lacagtaas? Faransiiska iyo wadamadii gumeysiga ahaa oo dhan waxay u sheegeen aduunka inay uga tageen wadamadii ay gumeysan jireen dhismayaal wadooyin, garoomo diyaaradeed, dekado, iskoolo, isbitaalo, biyo iyo koronto, laakiin wadamadaan 15ka ah wuxu ka saxiixay Faransiisku inay bixiyaan lacagta loogu dhisay, taasoo ay ilaa iyo maanta bixiyaan sanadkiiba wax yar, inta hartayna uu sanad walba fuulo dulsaar Ribo ah, oo u dhigma intii ay sanadkii hore bixiyeen.
2 “Haddii ay bixin waaayaan deynta sanadlaha ah wuxuu Faransiisku xaq u leeyahay inuu ka qaato lacagta keydka u ah wadankaas (National Reserve)”
Oo xagee ku arkayaa Faransiisku lacagta keydka ah?
*Waxa heshiiska ku jirta in wadan walba oo ka mid ah 15kaas uu lacagtiisa keydka ah 100% dhigto bangiga dhexe ee Faransiiska (oo ay leeyihiin qoyska Yuhuuda ah ee Rothschild) ayna maamusho wasaarada maaliyadda Faransiisku koonto loo bixiyay “Operations accounts” oo lacagtaas lagu shubo.
*Wadanku wuxuu xaq u leeyahay inuu sanadkii ka isticmaalo lacagtiisa 15% inta soo hartay ee 85% ahna uusan taaban karin oo loo heynayo.
*Haddii uu wadanku u baahdo lacag dheeraad ah, wuxuu ka deyn sanayaa lacagtiisa cadad aan ka badneyn 20% waxaana ku soconeysa dulsaar Ribo ah sanad walba deyntaas uu qaatay. Taasoo macnaheedu yahay 85% lacagta wadankasta inuu si toosa u leeyahay Faransiisku, faa’iido dulsaar ahna uu ka helo, maadaama wadamadu aysan isticmaali karin lacagtooda xataa marka ay baahi u qabaan.
*Lacagtaan oo soo aruureysay ilaa 1961 ma jiro wadan og ama loo ogol yahay inuu ogaado cadadka lacagta u taala bangiga dhexe ee Faransiiska, waxaan u sabab ah, madaxdii wadamada Afrika oo badankood isku badaleen afgambi Faransiisku qorsheeyay, halkaasna ay ku dhuntay tixraacii xisaabta lacagta bangiga Faransiiska la dhigay.
*Xataa Faransiiska dhexdiisa saraakiil aad u tiro yar ayaa ka warqabta cadadka tirada lacagtaas iyo meelaha lagu maalgaliyay.
LA SOCO QEYBTA LABAAD IYO NAMBAR 3

Puntland oo soo bandhigtay qodobka ay ka doorbidi laheyd nidaamka 4.5 (hadafkeeda fog...

                           


Dhawaan ayey aheyd markii maamulka iyo Odayaasha Puntland ay caddeeyen in marnaba aysan aqbali doonin nidaamka 4.5, waxaase hadda soo baxaya nidaam ka duwan kaasi oo uu soo bandhigay Boqor Cabdullaahi Axmed Cali oo ka mid ah Isimada Puntland ee kasoo jeeda gobolka Sool.
Boqor Cabdullaahi Axmed, waxa uu sheegay in isaga oo ku hadlaaya Afka Odayaasha uu doorbidi lahaa in ka tanaasulka xulashada hab deegaan, muddo kordhin loo sameeyo Dowlada hadda jirta.
Boqor Cabdullaahi Axmed Cali waxa uu sheegay in 4.5 laga soo gudbay, islamarkaana ku meelgaarkii uu raacay, sidaa aawgeed ay qabaan in Dowladda ay ka tanaasusho 4.5, ama wakhtiga loo kordhiyo, si la isaga illoobo nidaamkaasi.
Waxa uu ku taliyay in Dowlada Somalia ay ka xishooto shacabkeeda islamarkaana aysan dadka israacsan ku cadaadin waxa ay iyada rabto, isaga oo tilmaamay in intii Puntland qaadan lahayd 4.5 in dowladda hadda talada haysa wakhtiga loo kordhiyo.
Wuxuuna taa ku sababeeyey in hadda aan la gaarin doorasho degmooyin in dalka laga qabto oo Puntland ay taageersan tahay.
Madaxda Puntland iyo shacabkeeda ayuu ugu baaqay in marnaba aan la qaadan waxa uu ugu yeeray 4.5 oo uu sheegay inuu lamid yahay cudur dilaa ah oo aan dawo laheyn.
Maamulka Puntland ayuu sidoo kale sheegay in uu ka fiirsado wixii u wanaagsan iyo wixii dhib uga imaan kara, isaga oo farta ku goday in arrinka iminka ay waddo Dowladda federaalku uu wakhti danbe noqon doono mid dhibtiisa leh.
Dhanka kale magaalada Garowe waxaa meelaha qaarkood ku qoran NO:4.5, taasoo ka turjumaysa siday shacabka Garowe u diidan yihiin nidaamka qabiiliga ah ee 4.5-ka, ayagoo ku doodaya in deegaan wax lagu qeybsado, taasoo Puntland ay u aragto in ay sed badan ku heli karto, saameyn weynna ay ku yeellan karto siyaasadda mustaqbalka dhow ee Soomaaliya.

Daawo sawirrada Ninka afduubtey Diyaaradda Masar + waxa uu dalbadey oo Dunidu layaabtey






Waxaa markii ugu horreysay la helay sawirrada iyo macluumaadka Ninka afduubka ku heysta diyaarrada Masar ee Egypt Airline ay leedahay.
Ninkan ayaa lagu magacaabaa Ibrahim Samaha, asalkiisa Masar ayuu kasoo jeedaa, balse waxa uu heystaa dhalasho Mareykan ah, waana Borafeysar Jaamacad Magaalada Alexenderia ee Masar ku taalla wax ka dhiga, isagoo ku taqasusay hubinta caafimaadka iyo tayada cuntooyinka.
Sida la sheegaya waxa uu wataa suun bambo ah, balse Dowladda Masar afhayeen u hadley ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in uusan aheyn Bambo run ah.
Kadib wadahadal lala furay si loo fuliyo waxa uu doonayo ee Diyaaradda uu u afduubtay, ayuu Ninkani sheegtay in la siiyo magan-gal siyaasadeed, isla markaana uu sidoo kale doonayo in uu arko xaaskiisii hore oo u dhalatey kuna nool Jasiiradda Qubrus ee uu Diyaarrada afduubka ugu heysto iminka.

DAAWO SAWIRRADIISA IYO SIDUU WAX U DALBANAYO

Sawirradan aad arki doontaan ayaa qaarkood muujinayaan isagoo Diyaaradda dhex fadhiya, marna albaabka kasoo tuuraya warqad 4 Bog ka kooban oo uu qoray xaaskiisii hore si ay dalabkiisa u fuliso.
Wararkii ugu danbeeyayna waxa ay sheegayaan in Xaaskiisii hore ay usoo amba baxdey dhinaca garoonka uu Diyaaradda ku heysto, si ay wadahadalka uga qeyb qaadato, isla markaana uu Diyaarrada iyo rakaabka weli saarran usoo daayo

Bankiga Gumeystaha vs USA

                                                  


Bankiga Gumeystaha vs USA
_----------
1832: Bangigii Rothschild ee Maraykanka The Second Bank of The United States ayaa waydiistay Koongareyska Maraykanka inuu cusbooneysiiyo heshiiskii dowladda iyo bangiga (ee deyn siinta dowladda ahaa) iyadoo aan waliba la gaarin xiliga uu dhacayo oo ah 1836. Kongareysku wuu ansixiyay wuxuuna sharcigii u diray Madaxweyne Jackson si uu u saxiixo. Andrew Jackson oo ahaa madaxweynihii 7aad ee Maraykanka, hayayna xilka labadii xili ee u dhaxeysay 1829-1837 wuxu saaray sharcigaas awoodiisa “Veto” ee mamnuuc ka dhigaysa sharci walba ee uusan raali ka aheyn. Wuxuuna raaciyay diidmadiisa qayaxan hadalkan.
“Kaliya ma aha in muwaadiniinteenu ay dhadhaminayaan madax-furashada dowladeena lagu heysto, ee waxaa intaas dheer in inka badan 8 milyan oo saami oo bangigaan ah ay leeyihiin dad ajaanib ah. Taasi ma weysan khatar ku aheyn madax-banaanideena iyo xornimadeena, in bangigaan oo kale oo ay yartahay xiriirka uu la leeyahay wadankeena aan u kordhino heshiis deyn bixin?
“In naloo maamulo hantideena, naloo qaado lacagta bulshadeena iyo in kumanaan muwaadiniinteena ahi ay ku tiirsanaadaan bangiga noocaan oo kale ah, waxaa nooga wanaagsan in awooda ciidan ee cadowgu ay toos noo qabsadaan. Xataa haddii dowladeenu ay ku qasbanaato inay siiso bangigaan heshiis kale oo deyn uu nagu siiyo, kadibna faa’iidada uu bangigaani helo uu sida roobka samada ka yimaada ugu qeybiyo umadda Maraykanka oo dhan -taajirkeeda iyo faqiirkeeda- bixinta iyo siinta heshiiskaan waxay noqoneysaa mid uusan u qalmin bangigaani”
“Heshiiska i horyaala (ee uu soo ansixiyay Koongareysku) wuxuu u muuqdaa mid si macno la’aan ah nooga saaraya qiyamka iyo qaacidada cadaaladda ah ee aan ku qotano”
Sidaas ayuu Kongareysku ku awoodi waayay inuu meel mariyo sharcigii bangigaas. Isla sanadkaan 1832 ayuu madaxweyne Jackson u istaagay dib-u-doorasho afar sanno oo kale ah, wuxuuna si toos ah diidmada bangigaan uga dhigay olalihiisa doorashada, isagoo astaanta olalihiisa doorasho ka dhigay “Jackson and No Bank” oo la macno ah “Doorta Jackson si uu idinkaga dhiciyo bangiga Rothschild iyo deymeyntiisa” Sidaas ayaana afar sanno oo kale lagu doortay Andrew Jackson oo ah ninka hada ku sawiran lacagta $2. !