Kadib markii shalay ay la wareegeen Ciidanka Maamulka Puntland Degmada Qandala ee Gobolka Bari, halkaas oo in ka badan bil ah ay ku sugnaayeen kooxda Daacish ayaa mas’uuliyiinta Puntland waxa ay sheegeen in ay dib u dejin ay u sameynayaan Dadkii ka barakacay Qandala.
Wasiirka Qorsheynta ee Maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Puntland uu wado qorshe dib u dejin loogu sameynayo dadkii ka barakacay Degmada Qandala ee Gobolka bari.
Waxa u sheegay in Puntland ay xilligan u diyaar garoobeyso dib u dejinta Dadkii ka barakacay Degmada Qandala xilligii ay gacanta ku hayeen koox ka tirsan Daacish. Waxa u sheegay in Puntland ay xilligan u diyaar garoobeyso dib u dejinta Dadkii ka barakacay Degmada Qandala xilligii ay gacanta ku hayeen koox ka tirsan Daacish.
Waxa uu sheegay Dadkaasi in xilligan ay wajahayaan xaalad dhinaca nolosha ah, haba ugu darnaatee Biyo la’aanta.
Dr. Shire ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe dib loogu soo celinayo guryahooda dadkii ka barakacay Degmada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari.
Kooxda Daacish ayaa mudo ka badan bil waxa ay ku sugnaayeen Degmada Qandala oo ay Dagaal la’aan la wareegeen, kadib markii ay ka baxeen Ciidamo ka tirsan Puntland.

No comments:
Post a Comment