Tuesday, November 12, 2019
LA YAABKA SIYAASI KU SHEEGA!!
ARAGTI:- LA YAABKA SIYAASI KU SHEEGA “ZHILAOHU-YADA” SOOMAALIDDA EE MAALINBA MID ISAGU HORTEENA ISKU SHAQSIYAD IYO SHARAF DILAYO, INAGA IYO ADUUNKUNA LA YAABAN NAHAY?!
Siyaasiga Soomaaliga badankood oo ah Zhilaohu’s waxaa inoo sii sheegay qoraagii weynaa Shi Nai’an ee noolaa sanadihii 1296–1372, soona gaadhay bilawgii Ming Dynasty, ee bal ila dhugta anoon ku dheeraanayn!
Akhristoow Qarnigii 14aad, bilawgii taliska silsiladaha boqortooyooyinkii dalka Shiinaha oo xiligaa ku beegnay kuwii la oran jiray Ming Dynasty, waxaa jiray qoraa can ahaa oo ka tegey buuggag iyo aragtiyo fara badan, inkastoo kuwa badan oo guracani ku jireen, ayaa Qoraa la oran jiray Shi, Nai'an mid kamida buugtii uu qoray kaga sheekeyey tilmaan caan noqotay marka laga hadlaayo Siyaasiga soo kuday, Siyaasiga Ceedhiin ama Gahaydhka ah, siyaasiga lasoo ciyaarsiiyey, siyaasiga aan sida organic-ga ah u soo korin ee bello inagu soo halgaaday, taasoo uu ugu yeedhay Zhi Laohu oo macnaheedu yahay SHABEELKII WARQADA ka samaysnaa amaba “Paper Tiger”.
Odhaahdaas oo malaha noqon karta af Soomaaliga “Madhane wax la mooday noqonse waayey” waxaa si fiican u suuq geeyey oo aad u isticmaali jiray hogaamiyihii Shiinaha ee Pres. Mao, isagoo reer galbeedka dadkiisa ugu sheegi jiray inaanay ka biqin oo reer galbeedka siiba Maraykanku yahay Zhi Laohu ama Shabeelkii Warqada / Paper Tiger.
Bisayl iyo aqoondarada hogaamiyeed ee Soomaalida Xagan, Xagoo iyo Xageer ayaa dib ii xusuusisay buugaa iyo magacaas oon xili hore akhristay, hadiise aanba kusoo dhowaado Hogaamiyayaasha iga Zhi Laohu-loobay asbuuc yadan dhow, ma ila aragteen?!
1- Zhilaohu - Pres. Deni oo Su’aal basiid ahi dhalaalisay oo hanjabaad iyo dhirif ka qaaday, kana baxay dhamaan asluubta dawladeed, siyaasi iyo hogaamiye intaba kuna sifoobay nin fartu gaadho oon lahayn dulqaad, fahan iyo biseyl siyaasadeed isagoo runtii ayba madashu u salaxnayd! Zhilaohu baan ahay buu isagu madashaa inooga sheegay!
2- Shacab, Madax, Isimo iyo Culimo oo dhan oo la hoganayo uu sidii inan yaroo dhoocil ah oo kale cadhoodo is buuf buufiyo, albaabkana boobo ilaawana dhamaan waajibaadkii hogaamiye-nimo, waayeelnimo iyo masuulnimo, umadii lagu casumay madashana cidla kaga cararo, taasoo inoo sheegtay Zhilaohu baan ahay isagu madashaa inooga sheegay!
Hadii uu kala degey saacado, maalmo kadib, Hogaamiye-nimo ma uusan ina tusin, muu sawiran madashii uu dhirifka kaga soo baxay iyo miisaankeeda, ilaa maantana ma uusan bixin raali gelin miisaan iyo sharafta kusoo celin lahayde, waa dhegeelooyey, mar kaleeto buu WITIRKA inoo maray Walaahay Bilaahay Tolaahay Zhilaohu baan ahay!!
3- Fahan daro nidaamdka dawladeed iyo golayaasha darteed uu isla sii baxay oo dacwad ku soo oogay Xildhibaan shaqadiisuba tahay su’aal iyo imtixaamida xukuumada dawlada, taasoo xaajo kasii dhigtay INAA LILAAH HADUU DIB USII GO’AY ZHILAOHU-gii!
4- Mooshin iyo Ridid Raysal Barlamaan ma ahan shay uguba Xagan, Xagoo iyo Xageer, Puntland bayba xukuumad kasta oo soo martay ka dhici jirtaye, Dharar, Dhirif iyo duulaan ku suntay dhiigyacab inuu xukunkiisa oo sanad jirin ku baleeyo, maydkii iyo dhaawacii oo yaala, xildhibaanadii oo fasax ay 100% raali ka ahaayeen ku jira sida Gud. Ku. Xigeenka Gudiga Dastuurku sheegay, inta uu isniinta sugi lahaa dib u furanka ayuu waxaas oo mashaqo oo dhacday ka dhigay farsama xumo Daahir Yaa Shamis dawlad iyo sharci la’aan, uuna iminka kaba masiir liito hada kii uu ridaayey, xukunkiisuna lumiyey dhamaan wax alaale iyo wixii ixtiraam dawladnimo! Zhilaohu baan ahay buu isagu inoo sii sheegay markale!
Sidiisii ilayn waa Siyaasi Ceedhiin ahe 'Zhilaohu' xitaa shacabkii iyo askartii caruurta ahayd ee uu isku jaray iyo dhaawacii tacsi kamuu dirin mana hadlin, ileeyn tan oo kalena waa u danbeeysay Puntland¿???!!!
Iga rumeeysta, WA SUMA WALAAHAY President Deni waxaa ka muuqda iyo siduu u socdaa waa Zhilaohu Pres. Deni ama u sacbi ama jecloow ama kursi ka riixanaysay, anaa intaba midna ahayn qirayna BISAYL LA’AAN inay ka muuqato, ha is daba qabto in shaa allah!
5- War mayla aragteen yaabaye, Zhilaohu’s – Pres. Sheikh Shariif Axmed oo mar magaceena oo dhan madaxweyne u sheegan jiray, oo iminka Zhilouhu-nimadii kusoo baxday kuna hadaaqaya Muqdisho ayaan dagaal sokeeya ka ridayaa Suma Walaahi!
Kaaga darane hada Zhilaohu Pres. Sheikh Shariif wuxuu rabaa una sharaxan yahay doorashada 2021!
Aryaadha, belaayada Zhilaohu-yada ma tirin karno oo tiraday ka bateene, maanagaa tirin kara duulka la inaku khasifay, ee labadaas asbuucan haydinku filaato.
Waar Zhilaohu hore loo aragye kuwo intaa tiro le'eg oo isku waqti iyo hal dal kuwada nool baan hore aduunka loogu arag waana wax laynagu khasifayaa dunuub wadareed aynu geeysanay welina aynaan ka toobad keenin!
NB:- Aragtideydu ma ahan magac iyo sharaf dil madaxdaa iyaga ah, dadnimadoo, shaqsiyadooda iyo reerahooda toona wax kama sheegin, laakiin miisaankooda iyo hab maamulkooda siyaasadeed oo madasha taal ayaan sifeeyey, adigu shaqsiyadooda hoos hawgu degin.
Guuleeysta.
Qoraagg- Faisal Hawar.
Tuesday, October 1, 2019
Madax Xanuunka System ka Farmaajo
Sida uusan hal darawal gaarigaas uga bixi Karin bacaadka ayuusan Soomaaliyana Madaxwayne kaligiis uga samatabixi karin Dhiiqada soddon sano jirsatay, haddii aan la Helin rakaab gaariga gadaal iyo dhinacyada ka Riixa.
✔ LIKE ✔ SHARE ✔ COMMENT
haddii Aad igu raacsan tahay.
Friday, August 30, 2019
Friday, August 23, 2019
khilaafka Deni iyo Karaash!! !!
Musharraxiintii Puntland oo lix qodob ka soo saaray khilaafka Deni iyo Karaash!!
August 23, 2019
Garoowe (Badbado News) –
Qaar ka mid ah musharraxiintii sanadkan xilka madaxweynenimo kula tartamayey, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa ay war ka soo saaray khilaafka culus ee u dhexeeya isaga iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi (Karaash).
Musharraxiintan oo soo saaray illaa lix qodob ayaa eedeymo kulul u jeediyey madaxweyne Deni.
Halkan hoose ka qriso:
Annagoo ah siyaasiyiin iyo masuuliyiin u danqanaya Puntland, waxaan in mudda ah si dhow u la soconnay xaaladda Puntland ay ku sugantahay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo tan Siyaasadda, mudaddaas oo dhan indhaha uun baan kala soconnay, annagoo raja ka qabnay in xaaladda wax laga baddali doono, laakin nasiib darro; waxay gaartay xaalad aan marnaba laga aamusi karin maxaa yeelay xil goonni ah ayaa naga saaran, maadaama aannu nahay kana mid nahay masuuliyiinta u danqanaya dadkooda iyo dalkoodaba.
Maanta shacabkii waxay taaganyihiin xaalad aysan raalli ka ahayn sida xukuumadda hadda jirta wax u maamulayso, qabaa’illadu waxay bilaabeen si goonni, goonni ah ay aayahooda uga tashanayaan una shirayaan, waxay taasi ka turjumaysaa saluugga ay qabaan meesha uu gaarsiisanyahay, waana arrin wal-walkeeda leh oo Puntland midnimadeeda iyo wada noolaanshaheeda khatar galin karta.
Xaaladda isfahan-waaga ee xukuumadda ka dhex aloosan ee ay la kowsatay haddana bannaanka u soo baxay iyo khilaafaadka siyaasadeed ee soo deg-degay oo u dhexeeeya madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland waa mid iyaduna walwalkeeda leh oo ku tusinaysa heerka habacsanaan iyo burburka dhinaca siyaasadeed ay Puntland la ildarantahay maanta.
Puntland waa dhul lawada leeyahay oo ay tahay qof kastoo innaga mid ah inuu buuxiyo doorka iyo kaalinta ku soo aadda.
looga gudbo xaaladda Puntland ay marayso maanta xukuumaddana ay u noqoto mid ka shaqaysa danaha Puntland oo iyadoo isla jaanqaadsan shaqeysa, waxaan kula talinaynaa qodobadaan hoos ku xusan:-
Waxaa muqadas ah midnimada gobolada Puntland, iyo ilaalinta soodimaha/xuduudaha ku astaysan dastuurka dowladda Puntland. Waxaana waajib ku ah dawladda adkaynta ammaanka gobollada gacanta ku jira iyo soo celinta kuwa maqanba. waxay Puntland 21-kii sano ku gashay jiritaankeeda dagaalo culculus oo badan oo ay naf iyo maalba u hurtay, oo ay ugu danbeeyeen kuwii sanadkii hore, cid goonniya oo Puntland ka tirsan kama geli karto waan-waan iyo tanaasul, waxaana ugu baaqaynaa shacabka inay u midoobaan difaaca dalkooda..
Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Puntland Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan inay ku dhameeyaan wadahal iyo is-af-garad ayagoo u maraya xalinta khilfaadkooda si waafaqsan dastuurka oo aan dhanna looga leexan. Annaguana waxaan diyaar u nahay inaan dhex-dhexaadinno..
Xukuumaddu waa inay ku mashquushaa danaha shacabka Puntland oo ah inay gaarsiiso adeegyada baahida badan loo qabo.
Xukuumadda waa inay la imaataa nidaam maaliyadeed oo daah furan si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo xukuumadda, lagana saaro shacabka shakiga galay in shaqsiyaad ay hantidoodii u samaysteen akoona goonniya oo iyaga u gaara ah..
Waa in dawladdu ka dhabeysaa gaarsiinta waddanka nidaamka xisbiyada badan ee (qof iyo cod), taasina waxay u baahantahy la tashi salbaalaran iyo in waddada la qaadayo iyo hanaanka loo marayo uu noqdaa mid siyaasiyiintu iyo beesha caalamka ee daneeyayaasha dalkeenna ay aqbali karaan..
Waa in la dhowraa xuquuqda bini-aadmaka iyo xorriyatul-qowlka iyo madax bannaanida saxaafadda, wixii cabasha ah iyo kala duwanaansho aragtiyada siyaasadeed aan lagu wajihin cabsi galin iyo cabburin ee loo maraa waddo sharciya ee waafaqsan dastuurka waddanka u deggan.
SAXIIXAYAASHA BAYAANKA 1’AAD:-<l
MAGACA:-
1.Dr. Aadan Maxamed Ciise Gaadaale.
2.Jeneral Asad Cismaan Cabdullaahi.
3.Daahir Mire Jibriil.
4.Inj. Maxamed Cismaan CALI-MAAD.
5.Maxamuud Cabdi Axmed (Garlibaax)
6.Jeneral Siciid Maxamad Xirsi.
DHAMMAAD.

Friday, August 9, 2019
fredag 9 augusti 2019
Bar Ama Baro dhulkaaga Hooyo !!!
Bar Ama Baro dhulkaaga Hooyo !!!
Barookhle waa dhul beereedka ilaahay ina ku mineeystay . Marka xagee ka tirsan yihiin beerahaasi .
Barookhle waa dhul beereed soomaliyeed gaar ahaan Gobolka bari . Degmada Carmo u jiraan ilaa ilaa 15 km . waa beero ku caan ah Kharaadka Timirta .
Waxaa ka loo laga helaa waxkasta oo lagu beero leh ciid ku haboon beerid , Cambaha , Seytuun , liinta kala duwan , canuuni iyo qaar kale oo badan .
Wadankeenu waa wadan aan la qorin kala duwaananshaha khayraadkiisa , waxaan dhalinyarada kula talinayaa in eey u guntadaan qorista iyo ku faanka dhulkeena Hooyo !!!
Somaliya Somali Baa Leh.
qormadii :A. Ciid

Thursday, July 18, 2019
Qodbasiro iyo dano dhow, ma Guul beey keeni mise waxay dhaawaci Doonaan hiigsigii qaranimo Ee Federalka Somalia? 🇸🇴👏
﷽ -------★ ★ Qodbasiro iyo dano dhow, ma Guul beey keeni mise waxay dhaawaci Doonaan hiigsigii qaranimo Ee Federalka Somalia? 🇸🇴👏
• Maherka beenta ee qodbasirada ee lagu qasaayo sharciga wuxuu jabaa marka la ogaado ama waligu ogaado, haddaba Qodbasirada siyaasadeed iyo Qalin hoos ka saxiixa ma sharciga ku qas baa?
Hogaamiye -yaasha Dowladda Federaalka Heshiisyada aan Bulshada loosoo Bandhigin ee ay la gasho qaar ka mid ah Dowladaha, Shirkadaha, iyo Maamul Goboleedyada qaar ee dhamaantood ku dhisan Qodbasiro iyo dano dhow, ma guul beey keeni mise waxay dhaawaci doonaan hiigsigii qaranimo?
Haddaba Qodbasirada beenta hadmeey ogaan doonaan qoyskii lahaa mise isqarsigaan buu sharcigooda ahaan doonaa?.✍

Tuesday, May 28, 2019
Saanna Waa Dhacddaa
﷽
-------★ ★Shaydaan ayaa lawaydiiyey 👉 su'aalahan nacalad haku dhacdee..
1) Yaa kula fariista?
Wuxuu yiri qofka ribada cuna.*
2 ) Yaa kula sxb ah?
Wuxuu yiri qofka sinaysta.*
3 ) Yaa kula seexda?
Wuxu yiri qofka maan dooriyaha caba.*
4 ) Yaa weeye martidaadu ?
Wuxuu yiri waa tuuga.*
5) Yaa weeye rasuulkaagu ?
Wuxuu yiri waa sixiroolaha.*
6 ) Yaa weeye kay indhahaagu ku qaboowsadaan ?
wuxuu yiri kan ku dhaar fura xaaskiisa*
(Xila furaha)
7) Yaa weeye xabiibkaaga aad jeceshahay ?
wuxu yiri waa taariku salaadka jimcaha.*
8) Maxaa dhabarka kaa jabiya ?
wuxuu yiri dananka fardaha markay jihaadka ku jiraan*
9) maxa jirkaaga tubaxiya ?
wuxu yiri ruuxa towbad keena*
10) Maxa beerkaaga bisleeya?
Wuxu yiri astaqfaarta badan ee habeenkii iyo maalintii*
11) Maxaa wajigaaga daboola (madoobeeya) ?
Wuxu yiri sadaqada sirta ah.*
12) Maxa indhahaaga daboola?
wuxuu yiri salaada fajariga (salaad subaxa)*
-------★ ★Walaal hakala bakhaylin inaad faafiso waayo qof ubaahan xogtan ayaad u fududeyneysaa insha Allah
qofkii faafiya alle danbigiisa ha dhaafo ....
👉 Aamiin
Thursday, May 9, 2019
Cid waliba oo Cadaw Ku Ah Soomaaliya Waxay u Haliilaysaa in ay Micida Darto Hilibka Soomaalida
Khabiir Lagu Magacaabo Axmed Shaakir oo ku Takhasusay Arrimaha Geeska Afrika Ayaa yiri Cid waliba oo Cadaw Ku Ah Soomaaliya Waxay u Haliilaysaa in ay Micida Darto Hilibka Soomaalida.
===========================================================
Xog-ogaal ajnabi ah. Guddoomihii hore ee haya’dda caalamiga ah, Refugee International, Kennith Bacon, oo soo koobayey warbixin haya’ddiisu ka diyaarisay xaaladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay dhibaatada Soomaaliya inuu ka masuul yahay Maraykanku. Sidaa awgeed wuxuu ka codsaday Maraykanka inay beddelaan waxa ay Soomaaliya uga talagaleen. Hadalkiisii oo kooban waxaa laga sii daayey, ee qofkii u baahan ka dhageysan karaa idaacadda BBC World Service, Laanta Af-Soomaaliga, 19/11/2008.
Talyaaniga, asaguna lugta weyn ee uu ku leeyahay burburinta Soomaaliya xeeldheerayaal kala duwan ayaa hore farta ugu fiiqay. Tusaale waxaan u soo qaadanaynaa khabiirka lagu magacaabo Wolfgang Achtner oo qoray diraasad halkudheggeedu yahay ‘The Italian Connection: How Rome Helped Ruin Somalia’ oo af-Somaali ku noqonaya ‘Ku lug lahaanta Talyaaniga: Sidii Roma gacan uga geysatey burburinta Soomaaliya’ (Washington Post, 24/1/1993).
Dhinacyada kale ee qaybta libaax ka qaatay burburinta Soomaaliya, welina si dadban u hortaagan nabadda iyo xasilinta dalkan waxaa safka hore kaga jira waxa loo yaqaan haya’daha caalamiga ah ee samafalka (international aid agencies), dahsoon, dhibaatada Soomaalidana ka dul-taajirey, wallow ay jiraan qaar bixiya gargaar loo baahanyahay, qaddar kasta ha ahaadee. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”qaylo yeertaaba qolay dan u tahay”. Sida ay qoladani uga qaybqaadatay, ugana faai’deysatey burburka iyo dagaalka Soomaalida faahfaahinteeda waxaan iyana u deynayaa xog-ogaal kale oo reer galbeed ah. Waa Suxufiga caanka noqday, Michael Maren, ahna qoraaga buugga caanka ah, Road to Hell (Waddada Naarta) buuggaas oo uu daboolka uga qaadayo dibindaabyada dahsoon iyo xuma-falka ay ku dhaqmaan haya’adaha “sama-falku”. Wuxuu ka mid ahaa dhallinyaro muddo badan u shaqaynaysey haya’daha “sama-falka” caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlgala. Diraasad dheer oo uu cinwaan uga dhigay ‘How the Culture of Aid Gave us the Tragedy of Somalia’ (The Village Voice, 19/1/1993), Michael Maren wuxuu qeexayaa waxa Soomaaliya burburiyey in ay ahaayeen gacan ajnabi oo adeegsanaysey siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ay xaaraan ku heshiiyeen. Wuxuu qeexayaa qaybtii libaax ee “haya’daha samafalku” burburintaas ka qaateen. Halkan laguma soo koobi karo xog-ogaalka aan Soomaalida ahayn ee marar badan daaha ka rogey shirqoolka Soomaalida loo maleegayo, iyaguna ka indha la’yihiin. Keliya waxaan idiin raacinayaa xog-ogaal Carbeed oo si damqasho ku jirto farta ugu fiiqaya dhinacyada aad u kala duwan haddana ka midaysan joogtaynta dagaalka iyo dowladla’aanta Soomaaliya, taas oo uu midkood waliba dantiisa ka dhex arkay. Waa khabiir Masar u dhashay Ingiriiskana deggen oo ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika. Magiciisu waa Axmed Shaakir. Telefishinka afka dheer,Almustaqillah, ayaa ku marti-qaaday barnaamij toddobaadle ah oo lagu magacaabo XALAQAT ANIQAASH. Mowduuca toddobaadkaas wuxuu ahaa ‘Eedda Carabtu ku leedahay waxa Soomaalida ku Dhacaya’. (Almustaqillah, September 2009). Xeeldheere Axmed Shaakir, oo cuskanaya xog badan oo uu ururiyey, wuxuu tilmaamay inay jiraan dhinacyo badan oo siyaalo kala duwan ugu lug leh xasilidla’aanta Soomaaliya, sababta kore awgeed. Wuxuu la-yaab ku tilmaamay inay arrintaas ka midaysan yihiin dhinacyo sidooda kale cadow isu ah, sida reer galbeedka iyo argagixisada caalamiga ah; Carab iyo Yuhuud. Axmed Shaakir, intuu damqaday ayuu kor ugu dhawaaqay oraah wax weyn xambaarsan. Wuxuu yiri. “KULLUL ADRAAS TANHASH FI ALLAXAM ASOOMAALI!” (Cid waliba waxay u haliilaysaa inay micida darto hilibka Soomaalida).
Halkan waxaa xusid mudan, dhinacyada kala duwan ee ay muuqato inay sannadahan dambe ku lug lahaayeen fashilinta geeddi-socodka nabadaynta iyo soo celinta dowladnimadii Soomaaliya, laguma doodi karo inay ku wada lug lahaayeen burburintii hore ee dowladnimadii dalkan. Waxaa la qiyaasi qaraa qaar badan oo ka mid ah inay marar dhexe arrintan ku soo lug yeesheen, ka dib markay fursad dan u ah ka dhex arkeen dal ayan ka jirin dowlad ilaalisa, ayna ka oogan yihiin dagaal iyo fawdo wax kasta lagu dhex qarin karo. Fursadahani way kala duwan yihiin. Tusaale ahaan, argagixsada caalamiga ah waxay fursad u arkeen waddan aan dowlad lahayn oo ay xornimo buuxda iyo baqdinla’aan ku gali karaan, saldhigna uga dhigan karaan; dillaaliinta caalamiga ah ee hubka waxay fursad u arkeen dal dagaal ka ooganyahay oo ay hubka u iib-geeyaan; ma aha wax qarsoodi qaybta libaax ee ay qolyahaasi ka qaataan hurinta iyo joogtaynta dagaallada colaadaha, dunida oo dhan; dowladihii Soomaaliya u ciil-qabey amase colaaddu ka dhexayn jirtey waxay u arki karaan fursad ay yiraahdaan “gaalaa god iigu jiree garruunka ii keen!” sida Soomaalidu ku hal-qabsato; iwm.
Waxaa jirta maahmaah Carbeed oo tiraahda, ‘Marka biciidku jabo middiyuhu way bataan’. Habar waliba middi bay la soo oroddaa si ay cadkeeda u goosato! Dadkaas raqda ku soo qamaamay ee hilibku u hillaacay haddii lagu yiraahdo “neefka la qalan mayee waa la kabayaa ee nala qaada” lagama fili karo inay dar Ilaahay u oggolaadaan. Waxay u badantahay inay hoos ahaan u sii jajabiyaan addimmadii fayoobaa! Waa sawirkaas waxa Soomaliya maanta yaal.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: M.D.Afrax.
Sunday, May 5, 2019
Somali Ha Noolaato !!
﷽ #Cidna Uma Maqana!
#Ceelna Uma Qodna!
------★ ★ wadatashi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa goor dhow ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
●~---- qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, Amniga, qeybsiga kheyraadka, doorashada 2020/2021, iyo nooca ay noqon doonto.

Tuesday, April 23, 2019
------★ ★ Cidna Uma Maqana Ceelna Uma Qodna ------★ ★
#Ceelna Uma Qodna ------★ ★
Yaa U Sabab ah Dowlad-burburka iyo Dagid La’aanta Soomaaliya? ( Fadlan Walaal Akhri Qormo Dhab ka Hadal ah oo Arimahaas Iftiimineysa )
Yaa ka dambeeyey burburintii dowladnimadii Soomaalida? Yaa hortaagan in dib loo soo celiyo? Yaa hoosta ka hurinaya dagaalka sokeeye ee aan dhammaadka lahayn sababtiisana la garanayn? Muxuu u dagi la’yahay dalkani halka ay quwadaha Reer Galbeedku wada dajiyeen, dibna u dhiseen dalalka kale ee ku burburaay dagaal sokeeye oo ka qota dheer kan Soomaalida? Yaa fashiliya heshiis kastoo la gaaro iyo dowladdii dib loo yagleelaba? Arrimahaas isku wada xiran, ma waxaa ka masuul ah annaga Soomaalida ah? Ma waxaa hoos ahaan uga shaqaynaya shisheeye naga awood badan oo dantooda ka dhex arkay daagaalka iyo dowladla’aanta? Mise waa labadaba? Jawaabta runta ah waxaa muuqata inay tahay labadaba. Sida ay labadaba u tahay iyo labada dhinac midba qaybta uu ka qaatay hoos ayaan ku faahfaahin doonnaa.
‘Laxiba shillalkay is dhigtaa lagu qalaa’
Waxaa jira muran soo noqnoqda. Dad badan oo Somaali ah ayaa marka ay cidi soo hadal-qaaddo inay jirto gacan shisheeye oo hagardaamo wadda ama cadow dibadeed oo si dadban uga shaqaynaya dhibaatada Soomaalida waxay la soo boodaan ‘Waar Soomaalidu iyadaan dad ahayn ee ma jirto sabab ay cid kale ku bar-tilmaameedsato!”. “Beesha caalamku aad ayay noogu dadaashay ee annagaa wax qabsan kari weyney”. “Eedda annagaa leh ee waxba yaynaan cid kale eedayn”. Ma dhab baa taasi? Maya iyo haa. Waa run inaan annaga Soomaalida ahi leennahay ‘eed’ weyn. Waa run in waxa sida tooska ah u burburiyey dowladnimadii ay yihiin keli-talis, musuqmaasuq, caddaalad-darro, waddaniyadla’aan, sakhrad qabyaaladeed iyo kursi-doon indhala’ oo intaba ay ku kacayeen dad Soomaali ah, Soomaali oo dhan ma ahee masuuliintii siyaasadda. Intaa oo dhan ciddii tilmaantaa been ma sheegin, waana cudurro haddaannaan iska daweyn aannaan dowladnimo hanan karayn. Waxayse dadka badankoodu ka indha la’yihiin laba xaqiiqo oo tan garab-yaal: xaqiiqda koowaad waxay tahay, cudurradaas dhammaantood ma aha wax Soomaalida u gaar ah. Waa cudurro ama cillado ay nala wadaagaan dhammaan dalalka Afrika, dunida Carabta iyo guud ahaanba dunida saddexaad inteeda badan. Dalalkaas oo dhan iyagoo nala wadaaga cudurradaas ayay haddana ka badbaadeen burburka aan ka kici kari la’nahay.
Waa maxay sababtu?
Xaqiiqda labaad, ahna sababta aan u badbaadi weyney: xuma-falkii ay ku kacayeen siyaasiyiin Soomaali ah oo ummaddan hor boodayey dhawr iyo soddonkii sano ee la soo dhaafay, welina ay jiraan qaar halkii ka sii wada, ma ahayn wax aan dhaafsiisnayn soomaalida, balse waxaa ku dhex jirtey oo kaalin weyn ka ciyaaraysey gacan shisheeye (dib baan ka faahfaahin doonnaa). Xuma-falayaasha madax-ku-sheegga ah waxay goor walba ku xiran yihiin shar-wadeen ajnabi ah, si uuna fahmi karin qofka caadiga ah. Taas ayaa ah sababta ugu weyn ee cudurradaasi annaga Soomaalida ah noo dileen dalalkii nala qabeyna u dili waayeen. Dalalkaa kale qudhoodu kama badbaadsana faragalin dibadeed,waxaase kala duwan nooca faragalinta, taas oo ku xiran nooca danaha laga leeyahay dal kasta oo ka duwan dalka kale.Cilladaha Soomaalida ee Burburka Fududeeyey Marka la qodobbeeyo, cudurada iyo cilladaha kor ku xusan waxaa ugu waaweyn kuwa hoos ku taxan:
1) Qabyaalad;
2) Hoggaan-xumo;
3) Caddaalad-darro iyo musuqmaasuq ay caadeysteen siyaasiyiin aan damiir lahayn. Waa saddexda aafo ee qaranimada curyaamiyey, dibindaabyada cadowgana albaabka u ballaqay;
4) Caaddifad indha la’ oo caqliga hawl-gab ka dhigta;
5) Saddexdaa kore oo dilay dareenkii qiirada waddaninimo;
6) Jahli iyo fiira-gaabni ay ugu darantahay tan garwadeenka siyaasadda;
7) Maalin-la-noolnimo – micnaha ku xisaabtanla’aan shalay iyo berri - shalay wixii la soo maray oo aan laga tilmaan-qaadan iyo berri waxa dhici kara oo aan laga gaashaaman ama lagu baraarugsanaan;
8) Xintan iyo xased ( heer qof iyo heer qabiilba) ;9) kala dambayn la’aan, taas oo iyada iyo xintanku burburiyaan isku-duubnida ummad ahaaneed, majaxaabiyaanna hoggaanka wanaagsan iyo halyeygii soo bixi lahaa;
10) Xusuus la’aan – “illowsho dhawinaa innagu Soomaaliyeey!” (abwaan Cabdi Muxumud Amiin).
11) U-fiirsila’aan iyo ka-fiirsi la’aan – wax kastaa orod bay nugu dhaafaan indhalaa’nna waan ugu boodnaa. Maskax waan leenahay kamase shaqaysiino
12) Garan-waa ama dhegweynimo/dhukanaan ay u sabab tahay u-fiirsila’aantu;
Ummad caqligeedii safar dheer ku maqanyahay!
Tusaale marag u ah labada qodob ee kore (10 & 11), waxaa ilaa maanta la la’yahay wax Soomaali ah oo u fiirsada,dersa, ka dibna fahma riwaayadda ay 25 sano nugu hoosaasinayeen waxa loo yaqaan “international community” Beesha Caalamka. Waa wax la-yaab leh inay muddo ka badan 25 sano Soomaalidu garan kari la’dahay in laga riwaayadaysanayo laguna dul shaxayo, lagu dul taajirayo, laga leeyahay qorshe kale, qorshe liddi ku ah waxa la maqashiinayo. Waxaan faham iyo u-fiirsi u yeelan kari la’nahay in xoogaggan shisheeye (ee ah cidda dhabta ah ee gacanta ku haysa go’aanka siyaasadeed ee Soomaaliya), haddii ay run ka tahay ama daacad ka yihiin waxa ay ku hadlaan oo ah inay Soomaalida ku caawiniyaan inay nabad iyo dowladnimo ku soo noqoto, in hadday taasi run ka tahay waddankan mar hore la dajin kari lahaa sidii loo dajiyey dalalkii naga darraa ee isla xoogaggani ku dajiyeen muddo aad u gaaban. Waxaan wada ogsoonnahay madaxda Soomaalidu inay degdeg u fuliyaan amarrada kaga yimaada beesha caalamka (UN, AU, IGAD, US, iwm) sida marka ay shir ugu yeeraan ama ku amraan inay iska xaadiriyaan waddan dibadda ah. Waxaan kaloo ognahay go’aannada muhiimka ah ee ka soo baxa shirarka Soomaalida inay yihiin wixii ay yeeriyeen xogaggaas dibaddu. Xad waxay gaarsiisan yihiin madaxda ugu sarraysa kii ay doonaan ay ku amraan inuu xilka ka dego, asna uu ku khasbanaado inuu u hoggaansamo (Farmaajo iyo dowladdiisii, Cabdullaahi Yuusuf, Adan Madoobe). Haddaba, sida amarradoodaas oo dhan ay Soomaalidu u fuliso ayaa loo fulin lahaa wax kastoo tallaabooyin ah ee ay amraan in dalka lagu dajiyo, dagaalka lagu joojiyo, dowlad awood leh lagu dhiso. Waqti kuma qaadateen balse xaqiiqda ayaa waxay tahay in ayan doonayn inuu dalkani dego oo ku soo noqdo nabad iyo dowladnimo.
Cilladaha kor ku taxan waa ayaandarro na haysata haddaan Soomaali nahay. Waa caqabado curyaamiya dadaalka qaran-dhiska. Ha yeeshee waa qalad in waxa keliyee naga hor-muuqdaa ay noqdaan ceebaha iyo cilladaha aan leenahay. Xilliyada burburka iyo dhibaatada waxaa bata is haaraanka, is-eedaynta iyo is liididda. Marka ay is-biirsadaan taas iyo magac-dilka cadowgaagu si dadban kaaga dhaadhiciyo waxay dishaa ku-kalsoonida naftaada iyo kartida waxqabsigaaga.
Waxay kuu hoggaamisaa is-karhid, is-dhiibid iyo quus loo dhinto. Sida ummadaha kale, Soomaalidu waxay leedahay sifooyin aad u wanaagsan oo ka badan kuwaas aan wanaagsanayn ee aan soo tilmaanay. Dunida ma jirto ummad aan cillado lahayn. Qaar naga cillado badan ayaa ka nabad qaba ama ka sara kacay burbur iyo colaad sokeeye. Sababta Soomaalidu u badbaadi weydey ayaa haddaba tan ah: Ducfigeedu waa halkiisee, Waxaa u soo tafa xaytey cadow caynado badan, oo shaarar kala duwan ugu soo hoos gabbaday, oo ka faai’deystey cilladahaas iyaga ah. Sidii aan hore u tibaaxay, ducfigaas ayaa loo adeegsadey si aad u farsamaysan (highly systematic), oo ay Soomaalidu weli fahmi kari la’dahay.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qormadan.
Qalinkii: M.D.Afrax.
Sunday, April 21, 2019
Putin: 95% Of World Terrorist Attacks Are Made By The CIA
Putin: 95% Of World Terrorist Attacks Are Made By The CIA: Vladimir Putin yesterday said that “95% of the world’s terrorist attacks are orchestrated by the CIA,” and the St. Petersburg metro bombing must be investigated “with this in mind.“ Putin said: “If the CIA have Russian blood on their hands, they will forever regret stirring the Russian bear from its peaceful slumber.”
Tuesday, April 16, 2019
#MURTIDA #Maanta.. ( Hadal Ku Dhan)
Nin haduu naag furo, naagtiyaa nin kale guursatay oo si fiican u dhaqmee haduuu maqlo waa dhibee"
SIYAASI SALAAD CALE JEELLE.
Burburkii D.Somalia ka dib !
﷽ -------★ ★ . Haddii dowladnimada Somalida "PuntLand "Laga dhigo sidii dukan Ama wakaalad reer gaar ah leeyahay ooy Maamulan, wax walba waxaa loo arkayaa iney ku saleysan tahay mabda' faa'iido iyo khasaaro.
Haddii dowladnimadeennii noqotay sidii
Dukaan laga qaato ama laga helo raashin iyo Lacag, maxaa diiday in maamulaheedda yahay Kan faa'iideystay, ummadda iyo shacabka oo Dhan iney yihiin kuwii khasaaray!! ------★ ★
Saturday, April 13, 2019
------★ . Rise .& Grind One to sleep on ^)
- ﷽
------★ . Rise .& Grind One to sleep on ^).
There is only one success - to be able to spend your life in your own way. -
Ciid #quote
#WeekendWisdom ★ ------★ ★.. ♤.
We're at an Economic war with DP World
﷽ -------★ ★ We Are at an economic war with DP World
GANACSIGA BADAHA & WAAQICA SIYAASI.
Dagaalladii ugu weynaa ee dunida soo mara, inta la ogyahay kii koowaad ( 1914-1918 ) iyo kii labaad ( 1939- 1945 ) waxay ahaayeen kuwo ay ka dambeeyeen sababo ay ka mid yihiin: xoriyad doon iyo dhulal leys ku heystay, hoos u dhac dhaqaale iyo tartan ganacsi, si kor u maro wax soo saarka dowladaha warshadaha ee Yurub ( Jarmalka ) Amerika iyo Asiya ( Japan ).
Ka dib , markii isbedel weyn ku dhacay nidaamka ganacsiga dunida, xirriirkooda calaamka iyo waaqica siyaasi (geo-politics ) waxaa la soo gaaray waqti dunida ay ka dhammaatay fikirka cirifeed ( polarisation ) iyo wadaniyada ( nationalisme ).
Waxaa la gaaray waqti dunida ay tahay sidii tuulo yar ( globalisation ) iyo in ganacsiga yahay afka keliya ee leysku raaco, haddey noqon laheyd in aad tahay wax soo saare ( producer ) ama isticmaale ( consumer ), dhoofiye-exporter ama soo dejiye-importer.
Ganacsiga badaha waxaa muhim u ah dekedaha iyo suuqyadda, sidaa awgeed ayaa dowladihii waxaa loo qeybiyey kuwo wax soo saaro oo faa'iideysto sida Yurub, Amerika iyo Japan, kuwo wax soo saaro oo aan faa'iideysan sida dowladaha ( brics ) ama brazil, Russia, india, China & South africa.
Waxaa intaas dheer oo kale iney jiraan kuwo kale oo lagu sheego iney yihiin kuwo dhaqaajiyo maalka iyo lacagaha ( money movers ) sida imaaraadka ( UAE ) oo ku saleysan dhanka dekedaha ( ports ), bangiyada (banking system), isgaarsiinta ( tele-communication ), diyaaradaha ( chartered ) iyo suuqyadda ( shopping ).
Haddaba, u fiirsadada Somalida shirkadahoodda diyaaradaha, telefoonnadda iyo xawaaladaha xaggee ka diiwaan gashan yihiin?
Maantana waxaan ku sii soconaa jidkii hore oo waxaa la rabaa in dekadaheenna laga lahaado ama laga diiwaan geliyo Dubai sida dekedda berbera iyo Boosaaso
Monday, March 25, 2019
Macdan ay ku jiraan dahab iyo dheyman oo la xaqiijiyey in laga helay Somalia
﷽
Macdan ay ku jira
____________________________^^^
macdanta dalka ku jirta oo muhiimad gaar ah u leh Kheyraadka dabiiciga ee dalka, waxaana baarista xogtan sameeyay qubaro kala duwan oo dalka Britain ka soo jeeda.
Baarista xogta macdanta oo dhowr nuuc kala ah ayaa soo bilaabatay sanadkii 1920-kii,taasoo soo socotay ilaa iyo sanadkii la soo dhaafay ee 2018kii.
Madaxa Shirkadda SKA ee Xogtan soo iibsatay oo sharaxaad ka bixiyay baarista ayaa sheegay in dhul badan oo Soomaaliya ka tirsan ay ka jiraan macdan, Saliid, Gaas, shidaal, dheyman iyo dahab iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.
“Tani waaa tallaabo cusub, waxaan u arkeynaa iney Soomaaliya ka jiraan fursado aad u fiican ee dhinacyada horumarinta kheyraadka macdanta ee dalka, waxay keeneysaa arrintaan in dalka Soomaaliya uu helo maalgashigii loo baahnaa, taasoo fursad u noqoneysa oo shaqo abuur ah u noqoneysa shacabka Soomaaliyeed, waxayna shacabka noqonayaan kuwo ku noolaado nolol barwaaqo leh,” ayuu yiri madaxa Shirkadda SKA.
Sidoo kale,waxaa la daah-furay mashruuc shirkadda (SMMG),ku maalgelineyso Macdanta Soomaaliya.
Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya Alle siiyay lagama maar-maan ay tahay in loo helo maalgashi ayna diyaar u yihiin in shacabka Soomaaliyeed looga faa’ideeyo,wuxuuna ammaanay macluumaadka Dowladda Federaalka lagu wareejiyay.
“Waxaan ammaaneynaa shirkadda dadaalka ay u gashay iney nagu wareejiso macluumaadkan qaaliga ah ee wadanka uu leeyahay,waxaana soo dhoweyneynaa cid kasta oo maalgashaneysa Soomaaliya dhinaca kheyraadkeeda,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Soomaaliya.
Xafiiska Badbado Consultant Bureau.com
PuntLand -Somalia
Badbado1965@gmail.com
an dahab iyo dheyman oo la xaqiijiyey in laga helay Somalia
!

Saturday, March 16, 2019
Bosaaso Kharka Uu Saaran Burbur !
Maxay Bosaso U Baahan Tahay Oo Aan Weli La Fahmin :____
Magaalada Bosaso Waa Magaalo Fac Weyn Dhinac Xadaarad Iyo Weliba Dhinac Dhaqaale Anagoo Og Bosaso Kaalin Ahaan Halka Ay Kaga Jirto Magaalooyinka Puntland Ahmiyada Gaarga Ah Ay Leedahay Magaaldaas Oo Ay Ugu Fadhido Dhamaan Dowlada Puntland Iyo Shacabkeedaba .
Bosaso Maantay Waxay Baahi Weyn U Qabtaa Shacab Hanta Qiimaheeda Oo Dhinac Ah Iyo Maamul Wanaagsan Oo Daacadnimo Ku Shaqeeya .
Gudoomiha Gobolka Waa Madaxweynaha Gobolka Bari Halka Ay Sarta Ka Quruntay Waa Hogaanka Maamulka Gobolka Oo Gabi Ahaanba Ku Fashilmay In Uu Xakameeyo Wax Alaale Iyo Wixii Ka Xiriiray Gobolkaas .
Duqa Magaalda Waajibaadka Saaran Ee Hormarineed Ee Degmada Waa Mid Aan Kaalinteeda Si Wanaagsn U Muuqan Waxayna Ka Mid Tahay Mid Ka Mid Ah Ayaandarooyinka Ay Waajahayso Magaalda Bosaso .
Bosaso Nasiib Uma Helin Inay Hesho Taliye Qeybeed Hanta Amaanka Magaalada Iyo Taliyaal Xabsiyeedyo Guta Waajibaadkooda Amni Anagoo Og In Ay Bosaso Leedahay 16 Xabsi Oo Hoos Taga Taliyaha Qeybta Ee Magaalda Bosaso .
Isku Soo Wada Duuboow Bosaso Waxay Ku Jirtaa Dib U Gurasho Hormarineed Waxaad Maqlaysaa Maalinkasta Xafiis Baa Laga Raray Oo Magaalo Hebel Baa Loo Raray Hay'adihii Oo Dhamaantood Faaruqiyey Magaalda Iyo Dhamaan Shirkadihii Bud Dhiga U Ahaa Maalgashiga Magaalda .
Waxaan Qabaa Bosaso haday Hesho Gudoomiye Gobol Oo Shaqadiisa U Guta Si Wanaagsan In Xal Laga Gaari Karo Dhibaatooyinka Ka Taagan Magaalda bosaso .
Dowlada Cusub Waxaa Looga Fadhiyaa In Ay Bosaso Waqti Fiican Siiso Si Xal Looga Gaaro Waxay Bosaso Tabanayso .
Friday, March 15, 2019
Inna lilahi wa inna ilayhi raji’un
﷽
Inna lilahi wa inna ilayhi raji’un. This is chilling news to wake up to. In the face of this horror, We must not live in fear. I will be at Jumu’ah today and I hope others will too.
Jummah Mubarak.
Subscribe to:
Posts (Atom)
Inga kommentarer:
Skicka en kommentar