Tuesday, May 28, 2019
Saanna Waa Dhacddaa
﷽
-------★ ★Shaydaan ayaa lawaydiiyey 👉 su'aalahan nacalad haku dhacdee..
1) Yaa kula fariista?
Wuxuu yiri qofka ribada cuna.*
2 ) Yaa kula sxb ah?
Wuxuu yiri qofka sinaysta.*
3 ) Yaa kula seexda?
Wuxu yiri qofka maan dooriyaha caba.*
4 ) Yaa weeye martidaadu ?
Wuxuu yiri waa tuuga.*
5) Yaa weeye rasuulkaagu ?
Wuxuu yiri waa sixiroolaha.*
6 ) Yaa weeye kay indhahaagu ku qaboowsadaan ?
wuxuu yiri kan ku dhaar fura xaaskiisa*
(Xila furaha)
7) Yaa weeye xabiibkaaga aad jeceshahay ?
wuxu yiri waa taariku salaadka jimcaha.*
8) Maxaa dhabarka kaa jabiya ?
wuxuu yiri dananka fardaha markay jihaadka ku jiraan*
9) maxa jirkaaga tubaxiya ?
wuxu yiri ruuxa towbad keena*
10) Maxa beerkaaga bisleeya?
Wuxu yiri astaqfaarta badan ee habeenkii iyo maalintii*
11) Maxaa wajigaaga daboola (madoobeeya) ?
Wuxu yiri sadaqada sirta ah.*
12) Maxa indhahaaga daboola?
wuxuu yiri salaada fajariga (salaad subaxa)*
-------★ ★Walaal hakala bakhaylin inaad faafiso waayo qof ubaahan xogtan ayaad u fududeyneysaa insha Allah
qofkii faafiya alle danbigiisa ha dhaafo ....
👉 Aamiin
Thursday, May 9, 2019
Cid waliba oo Cadaw Ku Ah Soomaaliya Waxay u Haliilaysaa in ay Micida Darto Hilibka Soomaalida
Khabiir Lagu Magacaabo Axmed Shaakir oo ku Takhasusay Arrimaha Geeska Afrika Ayaa yiri Cid waliba oo Cadaw Ku Ah Soomaaliya Waxay u Haliilaysaa in ay Micida Darto Hilibka Soomaalida.
===========================================================
Xog-ogaal ajnabi ah. Guddoomihii hore ee haya’dda caalamiga ah, Refugee International, Kennith Bacon, oo soo koobayey warbixin haya’ddiisu ka diyaarisay xaaladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay dhibaatada Soomaaliya inuu ka masuul yahay Maraykanku. Sidaa awgeed wuxuu ka codsaday Maraykanka inay beddelaan waxa ay Soomaaliya uga talagaleen. Hadalkiisii oo kooban waxaa laga sii daayey, ee qofkii u baahan ka dhageysan karaa idaacadda BBC World Service, Laanta Af-Soomaaliga, 19/11/2008.
Talyaaniga, asaguna lugta weyn ee uu ku leeyahay burburinta Soomaaliya xeeldheerayaal kala duwan ayaa hore farta ugu fiiqay. Tusaale waxaan u soo qaadanaynaa khabiirka lagu magacaabo Wolfgang Achtner oo qoray diraasad halkudheggeedu yahay ‘The Italian Connection: How Rome Helped Ruin Somalia’ oo af-Somaali ku noqonaya ‘Ku lug lahaanta Talyaaniga: Sidii Roma gacan uga geysatey burburinta Soomaaliya’ (Washington Post, 24/1/1993).
Dhinacyada kale ee qaybta libaax ka qaatay burburinta Soomaaliya, welina si dadban u hortaagan nabadda iyo xasilinta dalkan waxaa safka hore kaga jira waxa loo yaqaan haya’daha caalamiga ah ee samafalka (international aid agencies), dahsoon, dhibaatada Soomaalidana ka dul-taajirey, wallow ay jiraan qaar bixiya gargaar loo baahanyahay, qaddar kasta ha ahaadee. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ”qaylo yeertaaba qolay dan u tahay”. Sida ay qoladani uga qaybqaadatay, ugana faai’deysatey burburka iyo dagaalka Soomaalida faahfaahinteeda waxaan iyana u deynayaa xog-ogaal kale oo reer galbeed ah. Waa Suxufiga caanka noqday, Michael Maren, ahna qoraaga buugga caanka ah, Road to Hell (Waddada Naarta) buuggaas oo uu daboolka uga qaadayo dibindaabyada dahsoon iyo xuma-falka ay ku dhaqmaan haya’adaha “sama-falku”. Wuxuu ka mid ahaa dhallinyaro muddo badan u shaqaynaysey haya’daha “sama-falka” caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlgala. Diraasad dheer oo uu cinwaan uga dhigay ‘How the Culture of Aid Gave us the Tragedy of Somalia’ (The Village Voice, 19/1/1993), Michael Maren wuxuu qeexayaa waxa Soomaaliya burburiyey in ay ahaayeen gacan ajnabi oo adeegsanaysey siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ay xaaraan ku heshiiyeen. Wuxuu qeexayaa qaybtii libaax ee “haya’daha samafalku” burburintaas ka qaateen. Halkan laguma soo koobi karo xog-ogaalka aan Soomaalida ahayn ee marar badan daaha ka rogey shirqoolka Soomaalida loo maleegayo, iyaguna ka indha la’yihiin. Keliya waxaan idiin raacinayaa xog-ogaal Carbeed oo si damqasho ku jirto farta ugu fiiqaya dhinacyada aad u kala duwan haddana ka midaysan joogtaynta dagaalka iyo dowladla’aanta Soomaaliya, taas oo uu midkood waliba dantiisa ka dhex arkay. Waa khabiir Masar u dhashay Ingiriiskana deggen oo ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika. Magiciisu waa Axmed Shaakir. Telefishinka afka dheer,Almustaqillah, ayaa ku marti-qaaday barnaamij toddobaadle ah oo lagu magacaabo XALAQAT ANIQAASH. Mowduuca toddobaadkaas wuxuu ahaa ‘Eedda Carabtu ku leedahay waxa Soomaalida ku Dhacaya’. (Almustaqillah, September 2009). Xeeldheere Axmed Shaakir, oo cuskanaya xog badan oo uu ururiyey, wuxuu tilmaamay inay jiraan dhinacyo badan oo siyaalo kala duwan ugu lug leh xasilidla’aanta Soomaaliya, sababta kore awgeed. Wuxuu la-yaab ku tilmaamay inay arrintaas ka midaysan yihiin dhinacyo sidooda kale cadow isu ah, sida reer galbeedka iyo argagixisada caalamiga ah; Carab iyo Yuhuud. Axmed Shaakir, intuu damqaday ayuu kor ugu dhawaaqay oraah wax weyn xambaarsan. Wuxuu yiri. “KULLUL ADRAAS TANHASH FI ALLAXAM ASOOMAALI!” (Cid waliba waxay u haliilaysaa inay micida darto hilibka Soomaalida).
Halkan waxaa xusid mudan, dhinacyada kala duwan ee ay muuqato inay sannadahan dambe ku lug lahaayeen fashilinta geeddi-socodka nabadaynta iyo soo celinta dowladnimadii Soomaaliya, laguma doodi karo inay ku wada lug lahaayeen burburintii hore ee dowladnimadii dalkan. Waxaa la qiyaasi qaraa qaar badan oo ka mid ah inay marar dhexe arrintan ku soo lug yeesheen, ka dib markay fursad dan u ah ka dhex arkeen dal ayan ka jirin dowlad ilaalisa, ayna ka oogan yihiin dagaal iyo fawdo wax kasta lagu dhex qarin karo. Fursadahani way kala duwan yihiin. Tusaale ahaan, argagixsada caalamiga ah waxay fursad u arkeen waddan aan dowlad lahayn oo ay xornimo buuxda iyo baqdinla’aan ku gali karaan, saldhigna uga dhigan karaan; dillaaliinta caalamiga ah ee hubka waxay fursad u arkeen dal dagaal ka ooganyahay oo ay hubka u iib-geeyaan; ma aha wax qarsoodi qaybta libaax ee ay qolyahaasi ka qaataan hurinta iyo joogtaynta dagaallada colaadaha, dunida oo dhan; dowladihii Soomaaliya u ciil-qabey amase colaaddu ka dhexayn jirtey waxay u arki karaan fursad ay yiraahdaan “gaalaa god iigu jiree garruunka ii keen!” sida Soomaalidu ku hal-qabsato; iwm.
Waxaa jirta maahmaah Carbeed oo tiraahda, ‘Marka biciidku jabo middiyuhu way bataan’. Habar waliba middi bay la soo oroddaa si ay cadkeeda u goosato! Dadkaas raqda ku soo qamaamay ee hilibku u hillaacay haddii lagu yiraahdo “neefka la qalan mayee waa la kabayaa ee nala qaada” lagama fili karo inay dar Ilaahay u oggolaadaan. Waxay u badantahay inay hoos ahaan u sii jajabiyaan addimmadii fayoobaa! Waa sawirkaas waxa Soomaliya maanta yaal.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: M.D.Afrax.
Sunday, May 5, 2019
Somali Ha Noolaato !!
﷽ #Cidna Uma Maqana!
#Ceelna Uma Qodna!
------★ ★ wadatashi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa goor dhow ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
●~---- qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, Amniga, qeybsiga kheyraadka, doorashada 2020/2021, iyo nooca ay noqon doonto.
#Ceelna Uma Qodna!
------★ ★ wadatashi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa goor dhow ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
●~---- qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, Amniga, qeybsiga kheyraadka, doorashada 2020/2021, iyo nooca ay noqon doonto.
Subscribe to:
Posts (Atom)