Friday, August 30, 2019
Friday, August 23, 2019
khilaafka Deni iyo Karaash!! !!
Musharraxiintii Puntland oo lix qodob ka soo saaray khilaafka Deni iyo Karaash!!
August 23, 2019
Garoowe (Badbado News) –
Qaar ka mid ah musharraxiintii sanadkan xilka madaxweynenimo kula tartamayey, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa ay war ka soo saaray khilaafka culus ee u dhexeeya isaga iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi (Karaash).
Musharraxiintan oo soo saaray illaa lix qodob ayaa eedeymo kulul u jeediyey madaxweyne Deni.
Halkan hoose ka qriso:
Annagoo ah siyaasiyiin iyo masuuliyiin u danqanaya Puntland, waxaan in mudda ah si dhow u la soconnay xaaladda Puntland ay ku sugantahay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo tan Siyaasadda, mudaddaas oo dhan indhaha uun baan kala soconnay, annagoo raja ka qabnay in xaaladda wax laga baddali doono, laakin nasiib darro; waxay gaartay xaalad aan marnaba laga aamusi karin maxaa yeelay xil goonni ah ayaa naga saaran, maadaama aannu nahay kana mid nahay masuuliyiinta u danqanaya dadkooda iyo dalkoodaba.
Maanta shacabkii waxay taaganyihiin xaalad aysan raalli ka ahayn sida xukuumadda hadda jirta wax u maamulayso, qabaa’illadu waxay bilaabeen si goonni, goonni ah ay aayahooda uga tashanayaan una shirayaan, waxay taasi ka turjumaysaa saluugga ay qabaan meesha uu gaarsiisanyahay, waana arrin wal-walkeeda leh oo Puntland midnimadeeda iyo wada noolaanshaheeda khatar galin karta.
Xaaladda isfahan-waaga ee xukuumadda ka dhex aloosan ee ay la kowsatay haddana bannaanka u soo baxay iyo khilaafaadka siyaasadeed ee soo deg-degay oo u dhexeeeya madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland waa mid iyaduna walwalkeeda leh oo ku tusinaysa heerka habacsanaan iyo burburka dhinaca siyaasadeed ay Puntland la ildarantahay maanta.
Puntland waa dhul lawada leeyahay oo ay tahay qof kastoo innaga mid ah inuu buuxiyo doorka iyo kaalinta ku soo aadda.
looga gudbo xaaladda Puntland ay marayso maanta xukuumaddana ay u noqoto mid ka shaqaysa danaha Puntland oo iyadoo isla jaanqaadsan shaqeysa, waxaan kula talinaynaa qodobadaan hoos ku xusan:-
Waxaa muqadas ah midnimada gobolada Puntland, iyo ilaalinta soodimaha/xuduudaha ku astaysan dastuurka dowladda Puntland. Waxaana waajib ku ah dawladda adkaynta ammaanka gobollada gacanta ku jira iyo soo celinta kuwa maqanba. waxay Puntland 21-kii sano ku gashay jiritaankeeda dagaalo culculus oo badan oo ay naf iyo maalba u hurtay, oo ay ugu danbeeyeen kuwii sanadkii hore, cid goonniya oo Puntland ka tirsan kama geli karto waan-waan iyo tanaasul, waxaana ugu baaqaynaa shacabka inay u midoobaan difaaca dalkooda..
Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Puntland Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan inay ku dhameeyaan wadahal iyo is-af-garad ayagoo u maraya xalinta khilfaadkooda si waafaqsan dastuurka oo aan dhanna looga leexan. Annaguana waxaan diyaar u nahay inaan dhex-dhexaadinno..
Xukuumaddu waa inay ku mashquushaa danaha shacabka Puntland oo ah inay gaarsiiso adeegyada baahida badan loo qabo.
Xukuumadda waa inay la imaataa nidaam maaliyadeed oo daah furan si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo xukuumadda, lagana saaro shacabka shakiga galay in shaqsiyaad ay hantidoodii u samaysteen akoona goonniya oo iyaga u gaara ah..
Waa in dawladdu ka dhabeysaa gaarsiinta waddanka nidaamka xisbiyada badan ee (qof iyo cod), taasina waxay u baahantahy la tashi salbaalaran iyo in waddada la qaadayo iyo hanaanka loo marayo uu noqdaa mid siyaasiyiintu iyo beesha caalamka ee daneeyayaasha dalkeenna ay aqbali karaan..
Waa in la dhowraa xuquuqda bini-aadmaka iyo xorriyatul-qowlka iyo madax bannaanida saxaafadda, wixii cabasha ah iyo kala duwanaansho aragtiyada siyaasadeed aan lagu wajihin cabsi galin iyo cabburin ee loo maraa waddo sharciya ee waafaqsan dastuurka waddanka u deggan.
SAXIIXAYAASHA BAYAANKA 1’AAD:-<l
MAGACA:-
1.Dr. Aadan Maxamed Ciise Gaadaale.
2.Jeneral Asad Cismaan Cabdullaahi.
3.Daahir Mire Jibriil.
4.Inj. Maxamed Cismaan CALI-MAAD.
5.Maxamuud Cabdi Axmed (Garlibaax)
6.Jeneral Siciid Maxamad Xirsi.
DHAMMAAD.

Friday, August 9, 2019
fredag 9 augusti 2019
Bar Ama Baro dhulkaaga Hooyo !!!
Bar Ama Baro dhulkaaga Hooyo !!!
Barookhle waa dhul beereedka ilaahay ina ku mineeystay . Marka xagee ka tirsan yihiin beerahaasi .
Barookhle waa dhul beereed soomaliyeed gaar ahaan Gobolka bari . Degmada Carmo u jiraan ilaa ilaa 15 km . waa beero ku caan ah Kharaadka Timirta .
Waxaa ka loo laga helaa waxkasta oo lagu beero leh ciid ku haboon beerid , Cambaha , Seytuun , liinta kala duwan , canuuni iyo qaar kale oo badan .
Wadankeenu waa wadan aan la qorin kala duwaananshaha khayraadkiisa , waxaan dhalinyarada kula talinayaa in eey u guntadaan qorista iyo ku faanka dhulkeena Hooyo !!!
Somaliya Somali Baa Leh.
qormadii :A. Ciid

Subscribe to:
Posts (Atom)
Inga kommentarer:
Skicka en kommentar