Tuesday, November 12, 2019
LA YAABKA SIYAASI KU SHEEGA!!
ARAGTI:- LA YAABKA SIYAASI KU SHEEGA “ZHILAOHU-YADA” SOOMAALIDDA EE MAALINBA MID ISAGU HORTEENA ISKU SHAQSIYAD IYO SHARAF DILAYO, INAGA IYO ADUUNKUNA LA YAABAN NAHAY?!
Siyaasiga Soomaaliga badankood oo ah Zhilaohu’s waxaa inoo sii sheegay qoraagii weynaa Shi Nai’an ee noolaa sanadihii 1296–1372, soona gaadhay bilawgii Ming Dynasty, ee bal ila dhugta anoon ku dheeraanayn!
Akhristoow Qarnigii 14aad, bilawgii taliska silsiladaha boqortooyooyinkii dalka Shiinaha oo xiligaa ku beegnay kuwii la oran jiray Ming Dynasty, waxaa jiray qoraa can ahaa oo ka tegey buuggag iyo aragtiyo fara badan, inkastoo kuwa badan oo guracani ku jireen, ayaa Qoraa la oran jiray Shi, Nai'an mid kamida buugtii uu qoray kaga sheekeyey tilmaan caan noqotay marka laga hadlaayo Siyaasiga soo kuday, Siyaasiga Ceedhiin ama Gahaydhka ah, siyaasiga lasoo ciyaarsiiyey, siyaasiga aan sida organic-ga ah u soo korin ee bello inagu soo halgaaday, taasoo uu ugu yeedhay Zhi Laohu oo macnaheedu yahay SHABEELKII WARQADA ka samaysnaa amaba “Paper Tiger”.
Odhaahdaas oo malaha noqon karta af Soomaaliga “Madhane wax la mooday noqonse waayey” waxaa si fiican u suuq geeyey oo aad u isticmaali jiray hogaamiyihii Shiinaha ee Pres. Mao, isagoo reer galbeedka dadkiisa ugu sheegi jiray inaanay ka biqin oo reer galbeedka siiba Maraykanku yahay Zhi Laohu ama Shabeelkii Warqada / Paper Tiger.
Bisayl iyo aqoondarada hogaamiyeed ee Soomaalida Xagan, Xagoo iyo Xageer ayaa dib ii xusuusisay buugaa iyo magacaas oon xili hore akhristay, hadiise aanba kusoo dhowaado Hogaamiyayaasha iga Zhi Laohu-loobay asbuuc yadan dhow, ma ila aragteen?!
1- Zhilaohu - Pres. Deni oo Su’aal basiid ahi dhalaalisay oo hanjabaad iyo dhirif ka qaaday, kana baxay dhamaan asluubta dawladeed, siyaasi iyo hogaamiye intaba kuna sifoobay nin fartu gaadho oon lahayn dulqaad, fahan iyo biseyl siyaasadeed isagoo runtii ayba madashu u salaxnayd! Zhilaohu baan ahay buu isagu madashaa inooga sheegay!
2- Shacab, Madax, Isimo iyo Culimo oo dhan oo la hoganayo uu sidii inan yaroo dhoocil ah oo kale cadhoodo is buuf buufiyo, albaabkana boobo ilaawana dhamaan waajibaadkii hogaamiye-nimo, waayeelnimo iyo masuulnimo, umadii lagu casumay madashana cidla kaga cararo, taasoo inoo sheegtay Zhilaohu baan ahay isagu madashaa inooga sheegay!
Hadii uu kala degey saacado, maalmo kadib, Hogaamiye-nimo ma uusan ina tusin, muu sawiran madashii uu dhirifka kaga soo baxay iyo miisaankeeda, ilaa maantana ma uusan bixin raali gelin miisaan iyo sharafta kusoo celin lahayde, waa dhegeelooyey, mar kaleeto buu WITIRKA inoo maray Walaahay Bilaahay Tolaahay Zhilaohu baan ahay!!
3- Fahan daro nidaamdka dawladeed iyo golayaasha darteed uu isla sii baxay oo dacwad ku soo oogay Xildhibaan shaqadiisuba tahay su’aal iyo imtixaamida xukuumada dawlada, taasoo xaajo kasii dhigtay INAA LILAAH HADUU DIB USII GO’AY ZHILAOHU-gii!
4- Mooshin iyo Ridid Raysal Barlamaan ma ahan shay uguba Xagan, Xagoo iyo Xageer, Puntland bayba xukuumad kasta oo soo martay ka dhici jirtaye, Dharar, Dhirif iyo duulaan ku suntay dhiigyacab inuu xukunkiisa oo sanad jirin ku baleeyo, maydkii iyo dhaawacii oo yaala, xildhibaanadii oo fasax ay 100% raali ka ahaayeen ku jira sida Gud. Ku. Xigeenka Gudiga Dastuurku sheegay, inta uu isniinta sugi lahaa dib u furanka ayuu waxaas oo mashaqo oo dhacday ka dhigay farsama xumo Daahir Yaa Shamis dawlad iyo sharci la’aan, uuna iminka kaba masiir liito hada kii uu ridaayey, xukunkiisuna lumiyey dhamaan wax alaale iyo wixii ixtiraam dawladnimo! Zhilaohu baan ahay buu isagu inoo sii sheegay markale!
Sidiisii ilayn waa Siyaasi Ceedhiin ahe 'Zhilaohu' xitaa shacabkii iyo askartii caruurta ahayd ee uu isku jaray iyo dhaawacii tacsi kamuu dirin mana hadlin, ileeyn tan oo kalena waa u danbeeysay Puntland¿???!!!
Iga rumeeysta, WA SUMA WALAAHAY President Deni waxaa ka muuqda iyo siduu u socdaa waa Zhilaohu Pres. Deni ama u sacbi ama jecloow ama kursi ka riixanaysay, anaa intaba midna ahayn qirayna BISAYL LA’AAN inay ka muuqato, ha is daba qabto in shaa allah!
5- War mayla aragteen yaabaye, Zhilaohu’s – Pres. Sheikh Shariif Axmed oo mar magaceena oo dhan madaxweyne u sheegan jiray, oo iminka Zhilouhu-nimadii kusoo baxday kuna hadaaqaya Muqdisho ayaan dagaal sokeeya ka ridayaa Suma Walaahi!
Kaaga darane hada Zhilaohu Pres. Sheikh Shariif wuxuu rabaa una sharaxan yahay doorashada 2021!
Aryaadha, belaayada Zhilaohu-yada ma tirin karno oo tiraday ka bateene, maanagaa tirin kara duulka la inaku khasifay, ee labadaas asbuucan haydinku filaato.
Waar Zhilaohu hore loo aragye kuwo intaa tiro le'eg oo isku waqti iyo hal dal kuwada nool baan hore aduunka loogu arag waana wax laynagu khasifayaa dunuub wadareed aynu geeysanay welina aynaan ka toobad keenin!
NB:- Aragtideydu ma ahan magac iyo sharaf dil madaxdaa iyaga ah, dadnimadoo, shaqsiyadooda iyo reerahooda toona wax kama sheegin, laakiin miisaankooda iyo hab maamulkooda siyaasadeed oo madasha taal ayaan sifeeyey, adigu shaqsiyadooda hoos hawgu degin.
Guuleeysta.
Qoraagg- Faisal Hawar.
Subscribe to:
Posts (Atom)