Saturday, August 22, 2020

Qirashaddi JaaJuuska (Spy)

                       
                 
A- Waxaan ahay laba Xiddigle ka tirsan Xaafiiska Bassaaska/ Sirdoonka Itoobiya.
 B-Xilligee ku biirtay ? 
 A- 1999-kii ! 
 B- Xaggee Shaqadaadu u badan tahay ?  
A-Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. 
B- Macnaha Soomaalida dhexdeeda ! 
A- Haah ! 
B-Mushaar ma qaadataa mise Dadka ayaad isaga dhex nooshahay ?
 A- Maya, Weli Mushaar la iima billaabin.
 B- Saa maxaad ku baddalatey inaad Soomaalida Itoobiya u Bassaasto ?
 A- Hadda waxba ma qaato balse midh baan kuu sheegi, Dalkaan Itoobiya ayaa Gacanta ku dhigtay Mustaqbalkana Ninkii ay Itoobiya Wadato ayaawax ka noqonaya.
 B- Ok! laakiin inta riyadaas la gaarayo Waxoogaa Ajar ah ma rajeyneysaa in laguu qoro maaddaama aad si Mutadawac-nimo ah u Shaqaynayso?
 A-Maxaad ula jeedaa ? 
 B-Waxba, balse waa Su'aal meesha gali karta. A- Maya, Ajarha Sheegin. 
B- Haa ! Macnaha waad ogtahay inaad Shaqo aan Sax ahayn haysid ?
 A-Ninyohow Su'aalo badnidaa yaad Adigu u Shaqaysaa ?
 B-Ok Saaxiib, waa inoo mar kale. 
 (Hadda waa #Senotore Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Xubin buuxda ka ah ! ).

No comments:

Post a Comment