Friday, November 27, 2020

Baaxadda Al-Ustaad Shabaab !

Machadka Daraasaadka Ee Badbado Consultant Bureau -----------
Muqdisho (Badbado Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan canshuuro iyo lacago baad ah ka qaada ganacsatada Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka, iyo weliba shaqsiyaad ka tirsan dowladda, sida ay dhawaan daboolka ka qaaday warbixin cusub oo la shaaciyey. Warbixintaasi oo dhawaan uu daabacay Machadka Daraasaadka ee Badbado Online ee fadhiggiisu yahay magaalada Muqdisho, ayaa lagaga hadlay qaabka ay Al-Shabaab usoo ururiso canshuuraha ay qaado, iyada oo adeegsaneysa Bankiyo kala duwan, ganacsato iyo shaqsiyaad kale. Waxa ugu horeyntii warbixintaasi lagu sheegay in Al-Shabaab ay hal lambar oo isku mid ah u isticmaasho la xiriirka ganacstada iyo shaqsiyaadka ay canshuurta ka rabto ee isku deegaanka ah, taasi oo fududeynaysa cabsi gelinta dadkaasi oo ka xaqiijin kara shaqsiyaadka ay qaraabada yihiin ee kooxdaasi ku jira. Canshuuraha ay kooxda Al-Shabaab ka qaado Muqdisho iyo gobollada dalka ayaa waxa loo soo aruuriyaa qaabab kala duwan, kuwaasi oo mararka qaar ku xiran xaddiga lacageed ee la uruuriyay, goobta ganacsigu ku yaal iyo meelaha ay gacanta ku hayaan dagaalyahanadaasi, sida lagu xusay warbixinta. Arrinta yaabka leh ee lagu sheegay warbixinta Badbado Online ayaa ah in saraakiisha u qaabilsan Shabaabka soo ururinta lacagahaasi ay mararka qaar si toos ah ugu tagaan meelaha iyo ganacstada laga rabo lacagta, isla markaana kasoo qaada lacag kaash ah, kuwaasi oo ka baxsan meelaha ay gacanta ku hayaan. Shabaabka ayaa badanaa waxa lacagaha canshuurta ku ridaan ama ku aruriyaan xisaabaad (akoono) bangi oo ku diiwaan-gashan shaqsiyaad ganacsi leh iyo kuwa aan laheyn balse damaanad buuxda ka haysta saraakiisha sare ee kooxdaasi. “Waxa jira xubno Al-Shabaab ah kuwaas oo iska dhiga in ay ganacsato yihiin isla markaana shaqadoodu tahay in ay fududeeyaan uruurinta iyo dhaqdhaqaaqa lacagta. Tusaale ahaan, qof ganacsade ah oo raba in uu lacago ka xawilo meelo ay Shabaab ka taliso ayaa lacagta u dhiiba xafiiska maaliyadda ee Shabaab, kaas oo isna u tilmaama ganacsade kale oo AS xiriir laleh kuna sugan dhulka dawladdu ka taliso, kaas oo ganacsadihii hore siiya lacagtiisii isaga oo kubixinaya lacag cashuur ah oo uu kasoo qaaday ganacsade kale” ayaa lagu yiri warbixinta Badbado Online Canshuurta ay kooxdu bishii aruuriso ayaa lagu sheegay marka la isku wada daro inay tahay ugu yaraan 15-milyan oo doollar, taasi oo ka dhigeysa in maleeshiyadaasi ay ganacsatada iyo dadka kaleba ka qaado canshuuro ka badan midda dowladda.

Doorashada Somalia federal republic xaggee U Socotaa ??

Mogadisho (Badbado Online) – Olalaha doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka ayaa si weyn uga socdo wadamada dariska la ah Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in dowladaha qaar ay lacag kubixinayaan sidii ay usoo saari lahaayeen siyaasiin ay ku aragti yihiin si ay berri uga helaan danahooda gaarka ah. Siyaasiinta ayaa ololahooda doorashada ka wada dalalka Qatar, Turkiga, Imaaraadka iyo Kenya, waxaana dhowr jeer safaro ku kala tagay siyaasiin badan halka qaarkoodna ay Soomaaliya usoo dirsadeen wakiilo la kulama madaxda Qaranka. Wadamada Imaaraadka Carabta iyo Kenya ayaa damacsan in Villa Somalia doorasho uga saaraan Madaxweyne Farmaajo islamarkaana ay halkaas geeyaan siyaasiin ku aragti ah maadaama uu Farmaajo dagaal siyaasadeed weyn uu la galay dowladahaan, halka dowladaha Qatar iyo Turkiga ay dhankooda lacag malaayiin doolar ah Soomaaliya gelinayaan si ay Farmaajo ugu sii hayaan ama qof kale u keenaan, haddii aysan qorshahooda koowaad ku guuleysan. Dowladaha Kenya iyo Imaaraadka ma jiro qof ay isku raacsan yihiin laakiin waxay ka siman yihiin aragtida ah in Farmaajo booska baneeyo, halka Qatar iyo Turkiga ay ka siman yihiin Farmaajo sii joogo ama qof kale keensadaan, labadaan dowladoodna waa isku aragti waliba iska war qaba,” ayuu yiri Nuur Shariif, oo ah aqoonyahaan bartay siyaasadda, dalkana xog ogaal u ah. “Muqdisho wax olole ah miyaa ka socda?, ololihii doorashada waxay u weecdeen dibadda mar kastana siyaasi gadaal ay ka riixeyso dowlad kale waxba dalkan uma galo, waan soo aragnay haddana waan aragnaa in Qatar dalkan siday rabto ka yeelaneyso marka Soomaalida uma fiicno sidaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Nuur Shariif. Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafuud ka socoto dowladaha carabta qaarkood oo taageersan madaxda Soomaaliya ee hadda talada heyso halka mucaaradka qaarkoodna ay dalalkooda ugu tageen. Sidoo kale qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka ayaa ku sugan wadamada dariska waxeyna wararka ugu badan sheegayaan in ay kulamo la qaadanayaan madaxda dowladaha ay martida u yihiin si ay ugu guuleestaan doorashada Soomaaliya.