Friday, November 27, 2020
Doorashada Somalia federal republic xaggee U Socotaa ??
Mogadisho (Badbado Online) – Olalaha doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka ayaa
si weyn uga socdo wadamada dariska la ah Soomaaliya, waxaana la sheegayaa in
dowladaha qaar ay lacag kubixinayaan sidii ay usoo saari lahaayeen siyaasiin ay
ku aragti yihiin si ay berri uga helaan danahooda gaarka ah. Siyaasiinta ayaa
ololahooda doorashada ka wada dalalka Qatar, Turkiga, Imaaraadka iyo Kenya,
waxaana dhowr jeer safaro ku kala tagay siyaasiin badan halka qaarkoodna ay
Soomaaliya usoo dirsadeen wakiilo la kulama madaxda Qaranka. Wadamada Imaaraadka
Carabta iyo Kenya ayaa damacsan in Villa Somalia doorasho uga saaraan Madaxweyne
Farmaajo islamarkaana ay halkaas geeyaan siyaasiin ku aragti ah maadaama uu
Farmaajo dagaal siyaasadeed weyn uu la galay dowladahaan, halka dowladaha Qatar
iyo Turkiga ay dhankooda lacag malaayiin doolar ah Soomaaliya gelinayaan si ay
Farmaajo ugu sii hayaan ama qof kale u keenaan, haddii aysan qorshahooda koowaad
ku guuleysan. Dowladaha Kenya iyo Imaaraadka ma jiro qof ay isku raacsan yihiin
laakiin waxay ka siman yihiin aragtida ah in Farmaajo booska baneeyo, halka
Qatar iyo Turkiga ay ka siman yihiin Farmaajo sii joogo ama qof kale keensadaan,
labadaan dowladoodna waa isku aragti waliba iska war qaba,” ayuu yiri Nuur
Shariif, oo ah aqoonyahaan bartay siyaasadda, dalkana xog ogaal u ah. “Muqdisho
wax olole ah miyaa ka socda?, ololihii doorashada waxay u weecdeen dibadda mar
kastana siyaasi gadaal ay ka riixeyso dowlad kale waxba dalkan uma galo, waan
soo aragnay haddana waan aragnaa in Qatar dalkan siday rabto ka yeelaneyso marka
Soomaalida uma fiicno sidaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Nuur Shariif.
Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafuud ka socoto dowladaha carabta qaarkood
oo taageersan madaxda Soomaaliya ee hadda talada heyso halka mucaaradka
qaarkoodna ay dalalkooda ugu tageen. Sidoo kale qaar kamid ah madaxdii hore ee
dalka ayaa ku sugan wadamada dariska waxeyna wararka ugu badan sheegayaan in ay
kulamo la qaadanayaan madaxda dowladaha ay martida u yihiin si ay ugu
guuleestaan doorashada Soomaaliya.
No comments:
Post a Comment