Monday, March 29, 2021

PuntLand Shalay Iyo Maanta

                      



 Puntland ma wada qaadi kartaa Shacabka Xalaasha ah ee Reer Puntland iyo ururka Maafiyada ah ee  Aaranjaan !!

Xigasho :- AMB Bashir M Ali Yare .

Sanadkii 1992 markii dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay isla markaana gobolada waqooyi Bari ee Soomaaliya ee Puntland  ay kooxdii al Itaxaad weerar ay isku dayeen in ay ku qabsadaan mandaqada iyagoona dagaal la galay jabhadi SSDF ee ka soo jeeday deegaanadaasi   oo uu hogaaminyay ALLAH ha u naxariistee Marxuum Cabdillaahi Yuusuf Axmed Madaxwaunihii hore ee Soomaaliya , iyadoona uu jab xoogan ka soo gaaray kooxadii al itaxaad wayna kala firxadeen kuwii Puntland ka soo jeeday waxay ku hareen   puntland ka dib markii ay odayaal dhaqameedka ay soo fara galiyeen ayna damanaad qaadeen in ay ragaasi ay ka tanaasulayaan fikirkii xajirka ahaa iyo dagaalada halka kuwii al ixtaaxadka gobolada kale ka yimid ay deegaanadoodii ay ku laabteen waxaana horkayay wadaadka lagu magacabo xassan daahir aways.


Waxay isnabaanba Sanadkii 1995  ayay mar kale damac siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba u soo hanqal taageen iyagoona odayaasha dhaqanaka qaar ka mid ah iyo ganacsatada  qayb ka mid ah si   hoos ahaaneed  xiriir ula  sameeyay waxayna ku bixiyeen dhaqaale si ay u kasbadaan kalsoonidooda iyagoona halkaasi sidoo kale ku samaystay kooxdan Maafiyada ah ee Aaaranjan si ay awoodooda saldhig ugu sameeyaan.


Kooxda Aaranjaan oo ka koobanayd  dhowr  iyo toban  qof oo dhalinyaro u badnayd waxaana madax u ahaa Allah ha u naxariitee Cali Hayaan .


Kooxdan Maafiayda ah ee Aaaranjaan ayaa waxay ku dadaaleen in ay hanti hadan ay tabcadaan oo ay ka helaan ilaha Dhaqaale ee Puntland sida wax barshada (Privte Schools)  iyo ganacsiga soo dajinta iyo doofinta  ( Import and Export )


Intaas ka sokow waxaa uu damacoodu  ahaa in ay  siyaasada Puntland ka hagaan daaha gadashiisa arintaasi oo ay ka soo minguuriyeen Mafiayda Talyaaniga.

Waxay si cad majaraha ugu hayeen xukuumadii  Madaxwayne Cabdriximaan Sheekh Maxamed Faroole oo ay sida ay rabaan ay ka yeelaan si ay dhaqaaale mug leh uga sameeystaan magaca dowlada iyagoo isticmaalaya awooda doowalda si ay mashaaraciida puntland la siiyo ay ayagu u qaataan.


Dowladii Madaxwayne Cabdiwali Maxamed  Cali Gaas  kooxda aaranjaan xiriir ka dabacsan kii Faroole ayay lalahaayen kumana aysan guulaystan in ay majaraha u qabtaan .


Doorashadii ugu danbaysay ee puntland laguna doortay  Madaxwayne Saciid Cabdullahi Deni waxay ku bixiyeen  dhaqaale badan in saciid Cabdullahi Deni uu soo baxo lana doorto iyagoo ka dhex arkay danahooda in uu fulin karo  waxayna kula hishiiyeen in uu siiyo wasaarada Maaliyada ee Puntland si ay khasnada dhaqaalaha Puntland gacantooda u soo gasho .


Xilka Wasaarada Maaliyada ee Puntland ayaa ay kooxdan Aaaranjan dhexdoodu ay isku qabteen cida laga noqaysa   Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdirixmaan Faroole waxaa uu  la damacsanaa wiilkiisa Maxamed Cabdirixmaan halka hogaamiyaha kooxdan Maafiyada ah ee Aaranjaan Maxamuud Shido la doonayay Xassan Shire Abgaal oo uu xilkaas faraha ka saaray markiiba la doortay Saciid Cabdullahi Deni.


Maanta halka ay Puntland marayso waad u jeedaan shacabka xalaasha ah ee reer puntland iyo waxii ka dhashay go’aamadaas kooxda aaranjaan ay qaaday si ay danahooda u fushadaan halka madaxwaynihii shacabku ku rajawaynaayeena uu jeebka u galay kooxdan Maafiyada ah ee Aaranjaan iyo imaaraadka carabta .


Ciidamo gadoodsan oo aan mushaarkoodii helin 6 bilood baa waxay xireen jidka Gaalkacyo iyo Garoowe isku xira deegaanka Xarfo walina xal lagama gaarin arintaasna maahan maahan arin ugub ah oo puntland dhowr jeer bay ku soo laablaaabtay in shaqaalaha dowlada musharkooda loo waayay .


Wasiirkii ay kooxdan aaranjaan keensatayna waxaa uu maalin dhawayd ku goodiyay in ay puntland soomaaliya ka jari doonaan hadii isfahanwaaga Dowalda Federlka ah iyo Puntland uu sii socodo iyadoona uu wasiirka cadaadala ee Puntlandna uu u gafay sadexdii maamul goboleed ee dowlada hanaanka doorashada dowlada Federalka ah ku raacsanaa .


Sida aan ciwaanka qormadeena ku sheegnay Puntland mawada qaadi kartaa Shacabka Xalaasha ah iyo kooxdaan Maafiyada ah ee Aaaranjaan ,! Jawaabtu waa maya oo shacabka Puntland ma ogolaan doonaan mana yeeli doonaan in ay ku jiraan xaaladan adag oo dhaqaalihii dowlada uu galay jeebka koox danaystayaal ah ,sicir barar baahsan ,amni daro ka dhalatay ,danyartii  oo uu gacansigoodii burburay  iyo arimo badan oo jira awogeed maxaa la gudboon shacabka puntland  .


Waxaa la gudboon shacabka reer Puntland in ay iska ridaan reeryadan shaydanku saartay iyadoo laga doonayo qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka ,culumada, aqoonyahadana ,haweenka ,dhalinyada  ,iyo ururada bulshada rayidka ah in ay si wada jir ah ay uga hor yimaadan kana dhiidiyaan xaalada ay maanta ay puntland ay ku sugan tahay maanta  .


Odaayasha dhaqanka waan dhaliilsanahay waxaan ku dhaliilsanahay in aysan kaalintii ay lahayeen aysan ka soo bixin iyagoo qaarkood ay ku milmeen siyaasada dowlada, markii wadanku khalkhal galo marjaca loo laabto waxaa uu ahaa ismada taasaana lagu soo caana maalay mudu dheer 


Ganasatadu waa in ay iyaguna ay la xisaabtamaan dowalda maadama canshuur ay bixiyayaasha ay yihiin  hadana wadankii xaalada adag oo dhinaca dhaqaalaha uu soo wajahay ciidaamdiina aysan mushaarkoodii joogto u helin mudu dhowr bilood ah dhaqaalihiina jeebka ay ku shubteen koox maafiyo ah madaxwaynihiina uu kooxdaasi la saftay .


Waxaana nasiib daro ah gacanstadii reer Puntland ay ka weecdeen dekadii Boosaaso oo ay culus badan ay kala kulmeen badalkeediina ay isticmaaleen dekadaha dariska ah.


Culumada waa in ay wacyi galin baaxad wayn oo ku saabsan is gacan qabasho bulshada dhexdeeda ah ay ku baaqaan si loo garab istaago dadkii ku dhibaatoobay xaalka dhaqaale ee haatan puntland ka  jira .


Ugu danbayn waxaan xasuusin lahaa Hogaanka Puntland in ay xasuustaan Xadiiskii Rasuulka SWC 

«كلكم رَاعٍ, وكلكم مسؤول عن رَعِيَّتِهِ: والأمير رَاعٍ, والرجل رَاعٍ على أهل بيته, والمرأة رَاعِيَةٌ على بيت زوجها وولده, فكلكم راَعٍ, وكلكم مسؤول عن رَعِيَّتِهِ». وفي لفظ: «كلكم رَاعٍ، وكلكم مسؤول عن رَعِيَّتِهِ: الإمام رَاعٍ ومسؤول عن رَعِيَّتِهِ، والرجل رَاعٍ في أهله ومسؤول عن رَعِيَّتِهِ، والمرأة رَاعِيَةٌ في بيت زوجها ومسؤولة عن رَعِيَّتِهَا، والخادم رَاعٍ في مال سيده ومسؤول عن رَعِيَّتِهِ، فكلكم رَاعٍ ومسؤول عن رَعِيَّتِهِ».


Dhamaantiin masuuliyad baa idin saran Hogaamiyaha masuuliyad baa saran oo ka saran cida oo hogaaminaayo  ,ninka xaaskiisa masuuliyad baa ka saran ,hawaydana masuuliyad baa ka saran guriga ninkeeda ……………


Maanta Puntland waxaa ka jira waxii ALLA ka caraysiiyay oo dhan ,sida musuq maasuq ,eexda ,beenta ,iyo tuuganimada  ilaah waa dayib waxaan dayib ahana ma jecla ….. Ilaahay waa wanaagsan yahay waxaan wanaagsanayna ma jecla , shacabow sidee baan u rabnaa naxariistee eebe inaan helno hadii ay masuuliyiinteenii ay sidaa u dhaqmayaan anana aan nahay daawadayaal .


Ogaada Maafiyada talyaaniga ilaa maanta dhib ayay waxay ku hayaan wadanka talyaaniga Aaaranjaana waa CopyCat.


Wa bilaahi Towfiiq……..

AMB Bashiir M Cali Yare .

Friday, March 26, 2021

Gababaddii Ahmed Madoobe taliskiisa jubaland ??

                     

Gababaddii Ahmed Madoobe taliskiisa jubaland ??
---------------------

Haddaba Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa 8 Caqabadood kala kulmi doona Is dhiibista C/Rashiid Janan, waxa ayna kala yihiin:-

1-Tuhun iyo kala shaki soo foodsaara Axmed Madoobe iyo Shaqsiyaadka ka hoos shaqeeya ee xilalka u haya.

2-Hoos-u-dhac ku imaada mooraalka ciidamada maamulka, iyadoo 75% ay suuragal tahay in ciidamada maamulka ay u goostan dhanka DFS.

3-Heshiiska DFS iyo Janan waxa uu Axmed Madoobe ku khasbayaa in xilalka laga xayuubiyo dhammaan Saraakiisha ciidamada ee xiriirka la lahaa Janan, taasoo jahwareer u horseedi doonta Jubbaland.

4-Jubbaland waxa ay martigalin doonta khalalaaso amni daro oo ay geestan ciidamada.

5-Waxaa Meesha ka bixi doonta rajadii aheyd in Gobolka Gedo ay ku laabato gacanta Axmed Madoobe, taasoo albaabo khalalaaso ku furi doonto Mr Madoobe.

6-Waxaa hoos-u-dhac ballaaran ku imaan doona  kalsoonida ay dowlada Kenya ku qabto Axmed Madoobe iyo maamulkiisa.

7- Axmed Madoobe, waxa uu wajihi doona cabsi weyn oo dhanka ciidamada ilaalada u ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in Kismaayo laga dareemayo “Kala shaki iyo qeybsanaan ciidanka ah”.

8-Saan-saanta siyaasadeed waxa ay u muuqataa in Hoggaamiye Axmed ay naftu ku aamini doonto in madaxtooyada Jubbaland uu u raro magaalada Nairobi, halkaasoo saldhig u noqon doonta.


Si kastaba ha ahaatee, Axmed Madoobe oo lagu xagliyo garab istaaga Kenya ayaa iminka la daala-dhacaaya culeysyo siyaasadeed, waxa uuna noqonayaa mid kulansaday “Eedeymo dowladeed, mid shacab iyo tuhuno kale oo isbiirsaday”. 

Wednesday, March 24, 2021

15- 16 Shirkii Magaalada Baydhabo Iyo Heshiiskii [ Classified Documents]

 

15- 16 Shirkii Magaalada 

                     

Baydhabo Iyo Heshiiskii [ Classified Documents]

 

 17 September 2020 lagu gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu. Guddigu waxay diiradda saareen in ay xal farsamo ka diyaariyaan dhamaan qodobada khilaafku ka jiro si ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ugu sahlaan in ay is afgarad ka yeeshaan qabsoomidda doorashada Dalka.

1. Cabashada la xariirta Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee labada heer (SlElT iyo FIEIT).

2. Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland
3. Khilaafka Gobolka Gedo
4. Hirgelinta Qoondada Haweenka
5. Jadwalka cusub ee qabsoomidda Doorashad

Shirka waxaa ka soo baxay:

1. Guddiga doorashooyinka

a) lyadoo la tixraacayo is af-garadkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee shirkii Dhuusamareeb ee 4-aad, waa in ciddii haysa magac ama magacyo cabasho laga qabo oo ka tirsan Guddiyada Doorashada (FlElT iyo SIEIT) ay u soo gudbiyaan Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka saxiixaan heshiiskaan.

b) Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto macluumaadka xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo macluumaadka wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2bari gudahood ah.

2. Somaliland

Si waafaqsan talo soo jeedintii Madaxda Golaha Wadatashiga earanka ee shirkii Dhuusamareeb 5 February 2021 ee xallinta khilaafka Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta Somaliland, Guddigu waxay soo jeedinayaan

a) ln Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dib u celiyo 4 xubnood sl Guddoomiyaha Aqalka Sare ugu soo gudbiyo badalkooda muddo 5 maalmood ah laga bilaabo markii la saxiixo heshiiskaan.

b) Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa soo gudbinaya 4 xubnood oo ka mid ah Guddiga Maamulka kuraasta Somaliland (1 xubin Guddiga heer Federaal ah iyo 3 xubnood ee Guddiga StEIT).

3. Xal u helidda Gobolka Gedo

Guddiga ayaa si qoto dheer u falanqeeyey, ugana dooday xaaladda Gobolka Gedo ee dhinacyada siyaasadda, amniga, horumarka bulshada iyo dhaqaalaha.

Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka waxay soo jeedinayaan tubta xallinta khilaafka siyaasadeed iyo amni ee Gobolka Gedo guud ahaan iyo sidii ay doorashadu uga qabsoomi lahayd Magaalada Garbahaarey.

a) ln Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ay soo wada saaraan baaq nabadeed iyo xabad joojin Gobolka Gedo, loona cayimo ciidamada kala duwan baro ay ku sugnaadaan inta laga dhameystirayo dib u heshiisiinta Gobolka. Guddiga Dib u heshiisiinta ee ay soo magacaabeen Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa cayimaya baraha ay ku kala sugnaanayaan ciidamadaas si loo hubiyo xabad joojinta.

b) ln Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo ay ka maqan tahay Jubbaland ay u diraan Guddi dib u heshiisiineed Gobolka Gedo si ay u abuuraan jawi xasillooni amni ah, gogol xaarna ugu noqdaan dib u heshiisiin ballaaran iyo jawi lagu qaban karo doorashada Magaalada Garbahaarey. Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa Guddiga dib u heshiisiinta magacaabaya muddo 3 maalmood gudahood ah laga bilaabo markii Madaxdu saxiixaan heshiiskaan.

c) ln Guddiga dib u heshiisiintu ay wadatashi buuxa la yeeshaan bulshada Reer Garbahaarey si loo abuuro jawi ay ku qabsoomi karto Doorashada kuraasta taala Magaalada Garbahaarey.

d) Si loogu dhiso Degmada Garbahaarey maamul cusub oo dhex dhexaad ah, kana shaqayn kara isu soo dhaweynta bulshada ee dhanka siyaasadda, amniga iyo horumarka, waa in qaybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha qabaa’ilka deegaanka dega ay Guddiga dib u heshiisiinta u soo gudbiyaan magacyada shaqsiyaad qaadi kara masuuliyadda maamulka Degmada Garbahaarey. Madaxweynaha Dowladda ubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha Maamulka ay Guddiga dib u heshiisiintu usoo gudbiyeen.

e) ln Guddiga dib u heshiisiintu ay muddo 30 maalmood gudahood ah ku soo dhameystiraan qorshaha xasilinta guud ahaan Gobolka iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbahaarey si horey loogu socdo magacaabista Maamulka Garbahaarey iyo qabashada Doorashada.

f) Si loo hubiyo amniga Doorashada, Guddigu waxay soo jeedinayaan

I. ln AMISOM Police la geeyo Magaalada Garbahaare.
II. ln Guddiga dib u heshiisiinta iyo Maamulka cusub ee ay soo magacawday Jubbaland ka soo talo bixinayaan, kana shaqeeyaan sidii Guddiga doorashada, ergada iyo murashaxiinta loogu diyaarin lahaa ilaalo gaar ih (Close Protection) ee amnigooda si loo helo amni laysku halayn karo muddada ay doorashadu socoto.

g) ln Guddiga dib u heshiisiinta ay soo gudbiyaan qorshaha iyo jadwalka gogosha nabadeynta Gobolka iyo dhameystirka dhismaha Maamulka Gobolka Gedo, waana in hirgalinta qorshaha dib u heshiisiinta Gobolka lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah.

4. Qoondada Haweenka

lyadoo la tixraacayo heshiiskii 17 September 2O2O ee xaqiijinta Qoondada Haweenka, lagana duulayo waaya aragnimada in tirada haweenka ee Golayaasha Baarlamaanka aysan marna gaarin qoondadii lagu heshiiyey ee 30%, Guddiga Farsamadu wuxuu soo jeedinayaa

1) ln Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ay la yimaadaan ka go’naansho siyaasi ah oo ay ku xaqiijinayaan qoondada haweenka 30% ee labada Aqal.

5. Jadwalka qabsoomidda Doorashada

lyadoo la xeerinayo dib u dhaca ku yimid wakhtigii loo asteeyey qabsoomidda Doorashada hay’adaha Federaalka ee 202012021, Guddiga Farsamadu waxay soo jeedinayaan.

a) ln Doorashada lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa markii heshiiskaan ay saxiixaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

b) Guddiga Doorashada heer Federaal (FlElT) ayaa soo saaraya jaangoynta jadwalka guud ee hirgalinta doorashada

c) Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah (SlElT) waxay diyaarinayaa jadwal u gaar ah qabashada doorashada Dowladda Xubinta ka ah si waafaqsan jadwalka Guddiga heer Federaal si loo dadajiyo hirgalinta doorashada.
      

Magacyada Guddiga

1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, wasiirka Dastuurka DFS
2. Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Xaaji, wasiirka waxbarashada DFS

3. Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland
4. Wasiir Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade, wasiirka warfaafinta Puntland
5. Wasiir XirsiJaamac Gaani, wasiiru dowraha Madaxtooyada Jubarand

6. Wasiir Mursal Maxamed Khariif, wasiirka caafimaadka Jubaland
7. Wasiir Cabdiwaayeel Maxamed Jaamac, wasiir Arrimaha Gudaha Galmudug

8. Wasiir Aadan Cismaan Xuseen, wasiirka boosta iyo isgaarsiinta Garmudug

9. Wasiir Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka qorsheynta Koonfur Galbeed

10. Wasiir Maxamed Abukar Cabdi, wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed

11. Wasiir Maxamed Cali Caadle, wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle

12. Wasiir Caasho Khaliif Maxamed, wasiirka Haweenka Hirshabelle

13. Guddoomiye Basma Caamir Axmed, Guddoomiye ku-xigeen Gobolka Banaadir

14. Xiireey Axmed Rooble, Xoghayaha Gobolka Banaadir.

  


Sunday, March 7, 2021

Cidna Uma Maqana 🔙 Ceelna Uma Qodna

                            


XIGASHO :- [ Bashiir Shiikh Maxamed]

bashirmohamud@yahoo.com

Magaceygu waa Bashiir Shiikh Maxamed, waxaanan ahay diblomaasi Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay safaaraddii Soomaalida ee Stockholm xiligii uu safiirka ka ahaa halgamaagii weynaa ee ee Cabdulaahi Ciise Maxamuud (Alle ha u naxariistee).

May 07, 1979, markii uu Mudane Cabdulaahi Ciise (AHN) aaday waddanka Norway si uu u soo qalqaaliyo shirkaddii batrool baarista ee WESTERN GECO, waxaan ahaa mas’uulkii loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha (Chargé D'affaires) ee safaaradihii nooga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway (Eeg verbal note)[1].


Wareegtadii safaarada Soomaaliya ee Stockholm (Sweden) 1979

Haddaba, aniga aad uga xun boobka iyo bililiqeysiga lagu hayo dadkeygii iyo dalkeygii hooyo ayay ila noqotay inaan walaalaheyga Soomaaliyeed u soo gudbiyo wixii waayo aragnimadeyda ah, aanan garab istaago walaalaha qalinka u qaatay sidii ay u difaaci lahaayeen dalkeenna iyo guud ahaan danaheennaba.

Waxaanan isku dayi doonaa aniga oo soo koobaya inaan idiin soo gudbiyo waxa aan ka ogahay sida uu ku billowday qorshahaan shidaal baarista ee ay Norway ka waddo Bariga Afrika, anagoo la soconna meesha halista ah ee maanta xaalku marayo iyo in hadda la isku dayayo in dhulbadeed ay Soomaaliya leedahay loo sharciyeeyo Kenya. Walow ay Qaramada Midoobay dhowaan hor istaagtay heshiiskii is IS-AF-GARAD, waxba kama jiraanna ay ka soo qaadday. Haddana weli waxaa taagan khatar weyn oo mudan in aad looga foojignaado. Waxaana beryahaan soo shaacbaxaya warar ka soo baxaya shirka Istanbul oo la leeyahay dhulbadeedka Soomaalidu soohdin sharci ah ma laha, lana leeyahay haddaa soohdin loo sameynayaa.
Sidaan kor ku sheegnay Mudane Cabdullaahi Ciise (AHN)  oo markaas ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Stockholm (Sweden) ayaa soo qalqaaliyay heshiisna la gaaray shirkadda WESTERN GECO oo ay xarunteedu tahay waddanka Norway. Shirkaddaasi  sanadkii 1980kii ayay billowdahay in ay batrool ka baarto dhul-badeedka Soomaaliya ayadoo wajigii koowaad ceelal shidaal ka sahmisay Raas-Kamboni ilaa Baraawe. Wajigii labaadna Baraawe ilaa hoboyo.

Baaritaankaas shidaalka lagu sahminayay wuxuu qaatay muddo laba bilood ah, kadibna si loo ogaado natiijadii ka soo baxday baaritaanka markabkii howsha waday wuxuu dib ugu laabtay saldhiggiisii STAWANGER –Norwey. Ka dib, waxay noo sheegeen  in baaritaankii ay ku guuleysteen qaybtaas dhul-badeedka Soomaaliya ee ay baareenna ay ka heleen  laba god oo aad u waaweyn. Waxay noo sheegeen in keydka bartoorka ee ku jira labadaas god uu ka badanyahay keydka betroolka ee ku jira waddanka Norway oo dhan, ayadoo Nowey lagu tilmaamo dalalka ugu keydka batroolka badan qaaradda Yurub.

Shirkadda WESTERN GECO iyada oo ku faaneysa guusha ay ka gaartay sahmintii batroolka ayay warbixin arrinkaas ka hadlaya ku qortay  Warside ( Bulletin) bishiiba mar soo baxa oo ay shirkaddu iska laheyd. Waxayna warkooda gaarsiiyeen shirkadaha batroolka baara si ay ugu muujiyaan guusha ay ka gaareen batroolkii ay Soomaaliya ka sahmiyeen.

Laga soo bilaabo sanadkii 1960kii waxaa soomaaliya shidaal ka baaray shirkado badan oo ay ka mid yihiin : AMOCO, CONOCO, PHILLIPS, CHEVRON, SHELL-(PECTEN),  ARCO, AGIP, ENI, SINCLAIR,  Total-Fina-ELF (French company).  Shirkadahaasina waxay haystaan heshiisyadii ay la galeen xukuumadihii waddanka soo maray ilaa markii calanka la taagay. Waxayna shirkadahaasi iska leeyihiin xuquuqda shidaal baarista bad iyo berriba.

Shirkadahaasi markii ay heleen akhbaartii ku qorneyd warsidaha (bulletin) Western Geco wey baraarugeen oo Soamaaliya ayey isku wada shubeen, ayagoo ka doodaya kana soo horjeeda sababta shirkadda WESTERN GECO loogu oggolaaday in badda Soomaaliya batrool ka baarto. Waxayna shirkadahaasi ku doodeen in lagu xadgudbay heshiisyadii caalamiga ahaa ee lala galay.

Dowladdii Soomaliyeed waxaa khasab ku noqotay in ay si deg deg ah baaritaankii batrool uga joojiso shirkaddii WESTERN GECO, ayadoo heshiisku ahaa in ay baaraan badda Soomaaliya oo dhan. Baaritaankaas kharashka ku baxayay oo dhamaa $10 milyan oo doollar, waxaa bixinayay dowladda Norway. Kharashkii baaritaankaas hore ku baxay waxuu ahaa $2 malyan oo doolar, siddeeddii malyan oo doollar oo hartayna Norwey dib ayey ula laabatay oo waxay dheheen kharashkan waxaan ugu tala galnay baaritaan batrool. Halkaasna waxaa ku soo afjarmay rajadii ay Norway ka qabtay batroolka Soomaaliya.


Weli Ma Quusannin Waraabayaashii Baddu!! | Inj. Maxamed C. Cibaar

Haddaba sanadahaan dambe Norway ayadoo ka faa’ideysaneysa qaska iyo dowlad la'aanta ka taagan Soomaaliya ayay markale isku dayday iney soo nooleyso damacii ay ka laheyd batroolka Soomaaliya oo ay weli ka samri la’adahay. Waxaase nasiibdarro ah in dowladda Norway ay arrintaas u martay waddo qaldan oo sharci darro ah. Waxaan la wada soconna in Norway ay sanadahaan dambe shidaal baaris ah ka wadday xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan kale oo aan la soconnaa kaalintii firfircooneyd ee Norway ku laheyd heshiiskii IS-AF-GARAD ee Kenya iyo Soomaaliya ay wada saxiixdeen. Arrinka kale ee la yaabka lihi waa kaalinta Qaramada Midoobay iyo ergeygeeda ah ee arrimaha Soomaaliya Ahmed Oloude Abdalla ay ku leeyihiin isku dayga lagu doonayo in lagu  booboo badda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la yaab leh shirka hadda socda (soo gabagaboobay May 23, 2010) waddanka Turkiga ee la leeyahay Soomaaliya ayaa bad loo sharciyaynayaa (ayadoo loo marayo kalluumaysiga). Maxay iskaga indhotirayaan kuwa arrimahaan aan laga fiirsan faraha kula jiraa heshiisyadii caalamiga ahaa ee ay Soomaaliya horay u gashay oo muujinaya in Soomaaliya ay leedahay xuquuqda batroolka badda ee ku jira ilaa 200 mayl-badeed (370km) ?Kuwa Soomaalida matalayaase miyeysan u warheynin in Soomaaliya ay leedahay xeerar si cad muujinaya xuduudaha badda Soomaaliyeed oo caalamku aqoonsanyahay, heshiisyo caalami ahna ay ku gashay?

Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay si aad ah uga horyimaadaan iskudayada iyo heshiisyada lagu doonayo in lagu booboo dhulkooga iyo khayrkaadka ku jiraba. Ma jirto maanta cid noo maqani, waana in aan gacmaha isqabsanno kuna dadaalno wixii tabarteenna ah inaan ku difaacanno dalkeenna. Waxaa kale oo aan halkaan uga mahadcelinayaa walaalaha habeen iyo maalin u taagan sidii ay ummadooda uga badbaadin lahaayeen boobka iyo balaayada lala damacsanyahay. 

Bashiir Shiikh Maxamed
bashirmohamud@yahoo.com