Friday, July 16, 2021

Request: - Volunteer Diaspora Observeres election in Somalia 2021.

        To - UN Somalia

    
        Request: - Volunteer Diaspora will Observers election in Somalia 2021.

   Honorable representative of the united nation

    Greetings from the USA, EU Volunteer Diaspora Group.
    We know that we will not have much time for elections in Somalia, due to the situation in our country.
   We have decided to take part in monitoring and reporting on the 2021 elections in Somalia.
    Volunteer diaspora ensures that the election will take place peacefully without any human rights violations.
The group will share information with the Diaspora everywhere in the world as Election Result.
   We will report to the representative of the united nation and as the united nation of somalia is at the forefront.

        RESPONSIBILITIES

     ●  Insecurity, weak justice institutions, and inadequate human rights protection systems have contributed to impunity for human rights violations in all elections in Somalia.
     ● Regularly inspect polling stations and strengthen voter registration records
    ● Monitor the impact of the by-laws of the Regions and the electoral process.
    ● Participation Women's participation and consulting with Electoral Management Institutions on the right steps for fair elections.

             Conclusion
  We want the Diaspora Community Center volunteers to democratically report on the 2021 elections in Somalia (SFR) on equality and justice.
Well are proud that you will accept us.
   We hope you take this application seriously.

          CONTACT HERE
   PERSONAL INFORMATION.
   Chairman:- diaspora Community Center [ D.C.C ]
   Name: Mohamed Bashir Ali "Eid"
   Address: Swedish / Somalia.
    Email Address:- Mashr123@live.se
   Min.Mobil tel - +252619989318

   Best regards,
   diaspora Community Center [ D.C.C ]

SAFARKAYGII JABUUTI IYO SANADGUURADII 44aad EE XORNIMADA.

            
SAFARKAYGII JABUUTI IYO SANADGUURADII 44aad EE XORNIMADA. 
[ Qore:- Professor Muhyadin Ali Yusuf]

DADKA JABUUTI~
Jabuuti waxaa degaan ahaan iska leh labada qowmiyadood ee Soomalaida iyo Cafarta oo labaduba Muslim ah, waxaase la dega Carabta, Itoobiyaan Amxaara u badan, iyo dad asal ahaan Yurub ah oo faransiis u badan. Shacabka deggan waxaa hadda lagu qiyaasaa ilaa hal malyan oo badankood deggan yihiin caasimada. Dadka shan dhib ayaa haysta xagga nolosha oo u baahan in si cilmiyaysan loo maareeyo si noloshooda xag caafimaad iyo xag dhaqaale kor loogu qaado, waxayna kala yihiin cimilada kulul, maandooriyaha qaadka, biyaha cusbadu ku badan tahay, nolosha oo qaali ah iyo cunto xumo. Halkii Litir oo caana geel ah waxaa la gadaa magaalada dhexdeeda ilaa 4 US $ lacag u dhiganta ama ku dhow. Intaas waxay sababeen in cimriga qofka reer jabuuti uusan dheeraan ama cuduro la noolaado. Dawladdu caafimaadka aad bay ula tacaalaysaa waxayna guulo ka gaareen sida ay u maareeyeen cudurka safmareenka ahaa ee Covid-19, laakin waxaa si wax looga qabto shantaas qodob waxay u baahan tahay qorshe habaysan oo loo dejiyo sida qaadka oo la rabo in si tartiib tartiib ah loo yareeyo maadaama uu khatar ku yahay jiritaanka Qaranka jabuuti. Dalka waxaa ku soo badanaya qaxooti aan sharci ahayn oo weliba amniga dalka iyo lahaanshaha qaranimo ee mustaqbalka halis galin kara. Soomaalida oo aad u soo gali jirtay hadda way istaagtay waayo Soomaaliya waxay heshay nolol deggan iyo horumar laakin Itoobiyaanka soo gali jiray waxaa laga yaabaa in ay ka soo bataan sidii hore, sidaas darted waxaa loo bahaan yahay qorshihii looga hortegi lahaa qaxootiga itoobiya iyo khatarta kai man karta. Dadka cadaanka ah iyo Carabtu waa dad ganacsi iyo mashaariic u jooga ee aan dhibaato ku hayn amniga dalka inkastoo ay khatar qarsoon oo aan hadda la fahmi Karin u qorshaysanaan karto. Horumarka dalku samaynayo waxay daboolayaan baahi badan oo shacabku u baahan yahay waxayna kor u qaadaysaa wacyiga dadka maadaama aqoonta iyo ilbaxnimadu soo kordhayaan.
La soco qaybta kale

Thursday, July 15, 2021

Mogadishu Maxey U Baahan Tahay Oo Aan Weli La Fahmin :____

              
Casimada Dowladda Federal Republic Maxey U Baahan Tahay Oo Aan Weli La Fahmin :____

Magaalada Mogadishu Waa Magaalo Fac Weyn Dhinac Xadaarad Iyo Weliba Dhinac Dhaqaale Anagoo Og Mogadishu Kaalin Ahaan Halka Ay Kaga Jirto Magaalooyinka DalkaLeeyahay,  Ahmiyada Gaarga Ah Ay Leedahay Magaaldaas Oo Ay Ugu Fadhido Dhamaan Dowladda Federal Republic  Iyo Shacabkeedaba .

Mogadishu Maantay Waxay Baahi Weyn U Qabtaa Shacab Hanta Qiimaheeda Oo Dhinac Ah Iyo Maamul Wanaagsan Oo Daacadnimo Ku Shaqeeya .

Gudoomihayaha Gobolka Waa Madaxweynaha Gobolka Banadir Halka Ay Sarta Ka Quruntay Waa Hogaanka Maamulka Gobolka Oo Gabi Ahaanba Ku Fashilmay In Uu Xakameeyo Wax Alaale Iyo Wixii Ka Xiriiray Gobolkaas .

Duqa Magaalda hanad Gudomiyaha Gobalka Waajibaadka Saaran Ee Hormarineed Ee Degmada Waa Mid Aan Kaalinteeda Si Wanaagsn U Muuqan Waxayna Ka Mid Tahay Mid Ka Mid Ah Ayaandarooyinka Ay Waajahayso Magaalda Mogadishu.

Banadir Nasiib Uma Helin Inay Hesho Taliye Qeybeed Hanta Amaanka Magaalada Iyo Taliyaal Xabsiyeedyo Guta Waajibaadkooda Amni Anagoo Og In Ay Mogadishu Leedahay 18 Xabsi Iyo ka badan, Oo Hoos Taga Taliyaha Qeybta Ee Magaalda Mogadishu "Xamar" .

Isku Soo Wada Duuboow Mogadishu Waxay Ku Jirtaa Dib U Gurasho Hormarineed Waxaad Maqlaysaa Maalinkasta Xafiis Baa Laga Raray Oo Degmo Hebel Baa Loo Raray Hay'adihii Oo Dhamaantood Faaruqiyey Magaalda Iyo Dhamaan Shirkadihii Bud Dhiga U Ahaa Maalgashiga Magaalda .

Waxaan Qabaa Mogdishu haday Hesho Gudoomiye Gobol Oo Shaqadiisa U Guta Si Wanaagsan In Xal Laga Gaari Karo Dhibaatooyinka Ka Taagan Magaalda Xamar.

Dowladan Ama Mida Cusub Waxaa Looga Fadhiyaa In Ey Mogadishu Waqti Fiican Siiso Si Xal Looga Gaaro Waxay casimadu Tabanayso .
 
            Xigasho :- Mohamed Bashir Ali "Eid"

Tuesday, July 13, 2021

Qatar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

         
Qatar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

  Runta Kharaara.

Maxaa keenay in Qadar ey Ergay soo dirto.

Aniga oo la yaaban Qadar oo Safiir u joogo Somaliya ayaa hadana, Ergay gaar ah u soo diree Somalia, oo is leh Qadar  ma waxa ey noqotay UN, AU, ama Dowlad Veto leh ?. ayaa Dr. Mutlaq bin Mejad Al qahtani la soo diray oo Runtii leh waaya aragnimo Diplomacy, Laakin ku faano in uu khabiir ku yahay "counterterrorism and  mediation of Conflicts" La dagaalkana argagisida iyo Dhaxdhaxaadinta xasaradaha, iyada oo aan weli caalamku isku raacsaneyn yaa Argagixiso ah, ayey Qadarna Xiriir dhaw la leedahay Dowladda Isreal.  Dr. Mutlaq  Socodkiisii ayuu Hargesa ka soo bilaabay, Xamar ayuu yimid, waana loo kala firxaday.( F.S: 1 & 2aad waa sawirada ergayag Labaduba ). Qadar waa Dal ka yar "Degmada Qoryooleey" Dhul ahaan.

Qadar waxa ey Aaminsan tahay in Somalia wixii ey rabto ey ka sameey karto, Haddiiba ey Lacag heeysato, Suuqana laga helayo Siyaasi Beec ah. Aragtidaa Qadar waxaa la wadaago wadamada khaliijka sida Imaaraadka. Labaduba Tartan iyaga ka dhexeeyo ayeey Somaliya u soo rarayeen,  waxa ey Hore u tijaabiyeen in La kireeysan karo Laba Kooxood oo Siyaasiyiin Somaliya ah oo uga dagaalamo Somaliya Gudaheeda. 

Danahooda ugu dambeeyo oo labaduba ey naga leeyihiin waa: 

1. Danta Qadar oo Shidaal ah, haba ugu horeeysu Baddeena ey  Kenya nagu heeysato oo Qadar ey dhinac Shirko uga tahay.

2. Imaaraadka oo  Dekado Doon ah, gaar ahaan Berbara  si meesha looga saaro Tartan lala galo dekadaha Dubai Mustaqbalka. Somalidu hadda  ma wada ahan kuwii ey yaqiineen ee Jeebka indhaha ku lahaa. 

Labaduba kalama shar yaro, Caawa Bacdal Af  Fur ayaan Caalamka ka baxsan Somaliya u faalal tagay oo aan ka war doonay. waxaan Mobile-ka  ka wacay Rag aan berri hore aqiin oo u badan Aqoon yahano lagala tashan jiray Arrimaha Afrika, laakin Hadda ah Howl gab.

Mid ayaa igu yiri:  Xalay 3/MAY/202, Anniga oo ah khabiir iyo  Diplomasiyiin u badan Reer Galbeed, ayaa Siyaasiyiin Reer Qadar ahi noo sheegeen arrin aan la yaabnay oo ah in ey rabaan in ey la wareegaan Howlaha Doorshada Somalida iyo Maamulka Habka loo marayo.

khabiir kale oo Arrimaha Africa wax ka qoro ayaa igu yiri: Amb. Yamamoto ayaa ka dambeeyo in ey Qadar Ergay gaar ah u soo magacaabato Somaliya. 

waxaan ku iri: Sabab?. waxa uu igu yiri: Si Fashilka Amb.James Swan uu u qariyo. Waxa eyna Qadar  rabtaa in ey Xubno ka tirsan Baarlamaankii Hore ee dhacday oo  iyagu ey markii hore  maalgashadeen ey mar kale soo ceshadaan, iyaga oo u marayo Xildhibaano ey Qadar Maal gashato kuna darsato  Baarlamaanka la soo xuli Doono, tilaabtaasi waxa ey noqon doono khatar cusub oo Somalida dib u dhigi Doonto.

Mid kale ayaa igu yiri: Anigaaba la yaaban, wax badanna kama ogaan karo oo hadda waxaan ahay howl gab la tacaalayo Caafimaadkiisa.

intaas oo kaliya ayaan ka ogaaday Xiriirkii iyo faalalkii Bacdal Af Fur aan ku sameeyay Caalamka intii uuna iga dhicin Dabkii Mobile keeygu. 

xaqiiq

Markii iigu horeysay ee arrin Qadar la xiriirto aan ka qeyb qaatay waxa ey aheyd Sannadkii 2011-2012, wakhtigaa oo Anniga iyo Prof. Stig J. Hansen ey Jaamacadda "Norwegian University of Life Sciences -NMBU" ee Dalka Norway ( F.S: 3 & 4aad waa Anniga iyo Prof. Stig, iyo Anniga oo joogo Xarunta Jaamacadda NMBU ) oo aan markaa  ka ahaa "External Examiner" ayey Jaamacaddu  nagula heshiisay  in aan Daraasad  Cilmi baaris ah  ku sameeyno Doorka Dhaxdhaxaadin ee Qadar ey sheegato in ey ka shaqeyso, laga Bilaabo dhaxdhaxaadintii  Eritrea iyo Djabouti. Socodalkeenii waxaan ka bilaawnay Nairobi, kadibna, Djabouti, Cadan, Sanca ilaa Doha. 
Daraasadii aan ka sameynay ma aheyn wax qarsoodi ah, waxaan ku soo bandhignay Qolka Shirarka ee  Xarunta Jaamacadda ee Magaalada OSLO.

Daraasadda oo aad u dheereed iyo Dhaxdhaxaadinta Qadar in ey wajiya Badan leedahay, waxaad ka heli kartaa,Xarunta Jaamacadda iyo Archive-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Norway.

Wadanka ha la go'doomiyo ma lihi, Khaliijka oo kaliyana ma ahan ee Waddamada Reer Galbeedka ,Asia iyo Africa da deriska nala ah, la xisaabtan iyo Xiskaaga oo joogo la macaamil.

Anniga leey ajarimaayo, Viso iyo Fara saarna kama rabo Wadamada khaliijka, Dalkeygaa i deeqo.

F.G: yeeyna isaga kaa darsamin: (Diplomaci, Siyaasi, Jaasuus) iyo ( Cilmi baare,  Khabiir, Falanqeeye). Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan iga sax. Commentigaagu waa ii kaalmo aqooneed oo aan wax ka faa'iidayo. la soco Runta Dadka qaar la Xaraar

Mahadsanid

Qore: Yahya Amir