SAFARKAYGII JABUUTI IYO SANADGUURADII 44aad EE XORNIMADA.
[ Qore:- Professor Muhyadin Ali Yusuf]
DADKA JABUUTI~
Jabuuti waxaa degaan ahaan iska leh labada qowmiyadood ee Soomalaida iyo Cafarta oo labaduba Muslim ah, waxaase la dega Carabta, Itoobiyaan Amxaara u badan, iyo dad asal ahaan Yurub ah oo faransiis u badan. Shacabka deggan waxaa hadda lagu qiyaasaa ilaa hal malyan oo badankood deggan yihiin caasimada. Dadka shan dhib ayaa haysta xagga nolosha oo u baahan in si cilmiyaysan loo maareeyo si noloshooda xag caafimaad iyo xag dhaqaale kor loogu qaado, waxayna kala yihiin cimilada kulul, maandooriyaha qaadka, biyaha cusbadu ku badan tahay, nolosha oo qaali ah iyo cunto xumo. Halkii Litir oo caana geel ah waxaa la gadaa magaalada dhexdeeda ilaa 4 US $ lacag u dhiganta ama ku dhow. Intaas waxay sababeen in cimriga qofka reer jabuuti uusan dheeraan ama cuduro la noolaado. Dawladdu caafimaadka aad bay ula tacaalaysaa waxayna guulo ka gaareen sida ay u maareeyeen cudurka safmareenka ahaa ee Covid-19, laakin waxaa si wax looga qabto shantaas qodob waxay u baahan tahay qorshe habaysan oo loo dejiyo sida qaadka oo la rabo in si tartiib tartiib ah loo yareeyo maadaama uu khatar ku yahay jiritaanka Qaranka jabuuti. Dalka waxaa ku soo badanaya qaxooti aan sharci ahayn oo weliba amniga dalka iyo lahaanshaha qaranimo ee mustaqbalka halis galin kara. Soomaalida oo aad u soo gali jirtay hadda way istaagtay waayo Soomaaliya waxay heshay nolol deggan iyo horumar laakin Itoobiyaanka soo gali jiray waxaa laga yaabaa in ay ka soo bataan sidii hore, sidaas darted waxaa loo bahaan yahay qorshihii looga hortegi lahaa qaxootiga itoobiya iyo khatarta kai man karta. Dadka cadaanka ah iyo Carabtu waa dad ganacsi iyo mashaariic u jooga ee aan dhibaato ku hayn amniga dalka inkastoo ay khatar qarsoon oo aan hadda la fahmi Karin u qorshaysanaan karto. Horumarka dalku samaynayo waxay daboolayaan baahi badan oo shacabku u baahan yahay waxayna kor u qaadaysaa wacyiga dadka maadaama aqoonta iyo ilbaxnimadu soo kordhayaan.
La soco qaybta kale
No comments:
Post a Comment