Monday, November 1, 2021

MUSUQMASUQ ( CORRUPTION)

   

                 


MUSUQMASUQ ( CORRUPTION)


Somalida waxaa ku adag sida loo   sameeyo in hal meel wax laga wada arko (one view) - ARAGTI QURA dhaqan   ahaan (Social corruption - racism & discrimination), micnihii:   waxaan nahay dad aan laheyn towfiiq & is-raac bulsho, taasina waxay   fursad u noqotay daneystaha iyo caado-qaataha inuu nagu bato, lug-gooyo   badana inoo horseedaan.
Musuqmasuq wuxuu gaaray saqafka halkii u sareeysey aqal Somaligii, ( wax walba oo ay Somali sameysato) sida; golaha ummada  (political  corruption), hay'adahii adeega iyo kuwa siyaasada,  wasaaradaha &  wakaaladaha dowlada ( institutional or financial  corruption).
Hanjabaada Al-  shabaab (categorie jihadiste) & joogitaanka Amisom & Unisom  muddo ka badan  20 sano, isla markaana waxba ka bedelin ammaanka dalka ( the big spin ).

  Al-  ictisaam iyo sunna wal jamaaca ( categorie political islamistic)   dhammaan waa nooc ka mid ah musaqa ka jira Somalia, waana taas waxa   keenay ummadda Somalida iney ka bixi weydo jid gooyada  amniga nagu hayo  iyo dunida oo u aragto dhibkeena inuu yahay mid amni,  uusan aheyn mid  siyaasi.( micnihii: in Somalida aysan ammaankeeda  gacantooda ku  sameysan karin, in loo sameeyo mooyee.
waxaa arrintaas daliil iyo  burhaan u ah in galka arrimaha Somalia laga wareejiyey wasaaradda  arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka, waxaanna loo wareejiyey wasaaradda  gaashaandhiigga (Pentagon ).

dhammaan dalalka Afghanistan iyo Ciraaq weli galkoodu waa mid siyaasi, iyadoo la wada ogsoon yahay dhibka ka taagan dalalkaas.
Kaaga  darane, waxaan ku sifoownay, in dowladnimadeenna tahay   waxaa  loo yaqaan  tuugo wax maamuleysa ama madax ka ganacsata kursiga iyo  awooda dowlada (  kleptocracy means: rule by thieves or trading in  influence) illeyn waa  wax ku dhisan 4,5 ( xaaran) & qurun.
 Taasina waa mid maanta  socota,oo aan waxba soo kordhin karin. ummadda  Somalida waxay ku jiri doontaa reer land iyo reer land kale iwm.
in marba walba leysku dul meereysto, leysku rarnaado , leys dulsaarnaado iyo musuqmaasuq weyn oo aan dhammaan laheyn.
    Xigasho:- Dr Black 

No comments:

Post a Comment