Badbado Online
Waan soo dhoweynayaa murashaxnimada Senator Maxamed Cabdi Cismaan (Manjiino) iyo Senator Sareedo Jeyte, waxana aan u rajaynayaa guul iyo nasiib wacan. Labaduba waxay taageero ka kala heleen Mucaaradka Muqdisho iyo Nabad iyo Nolol. Murashaxiinta ay dabada ka riixayeen Deni iyo Axmed Madoobe, ma helayaan codad ku filan. Xildhibaanadii laga soo doortay Puntland wey wada fahmeen in Deni aanu lahayn wax fursad ah, ee ay tahay in xilli hore go'aan la gaaro. Laba quwadood ayaa doorashada Soomaaliya ku loolamaya:
1. Nabad iyo Nolol
2. Mucaaradka Muqdisho
Waa in labadaa dhinac lagu kala darsamaa oo aan waqti lagu lumin Siciid Cabdullaahi Deni.