Tuesday, August 20, 2013
Salwe oo sheegay in xasan sheikh tegi doono shirka New deal isagoo Shimbir dhaawacan ah (Maqaal)
Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu shirka New Deal ee Brussels tagayaa isaga oo ah shimbir dhaawacan.
Somaliland waa ay qaadacday si walba oo uu tanaasul iyo maqaam gaar ah u siiyay. (Unity was one of his six pillars)
Puntland xiriirkii bay u jartay. (Reconciliation among the six pillars)
Jubbaland xaalkeedii waa sidiisii oo wax xal siyaasadeed ah uma hayo (Reconciliation and federal building)
Xariggii Daahir Aweys iyo wajigii uu biloowgii ku qaabilay ee uu lahaa wax ku fududeeyso isagii buu la rogmaday culays badan ayaana ka haysta Xamar.
Sida muuqata waxa uu dhowr jeer ku fashilay in uu isbaddel ku sameeyo xukuumaddiisa illa dhowr jeer isaga oo waliba u qasday in uu shirkaas caalamiga ah tago isaga isbaddal ku sameeyay wajiyada xukuumadda.
Xaaladdii ammaanka waa ay ka soo dartay iyada oo al-Shabaab aad u soo laba-kacleeysay, burburkeediina ka faa'idaysan waayay (one of the pillars)
Ammaankii Muqdisho, sidii loo qarxiyay xaruntii UNDP-da aad bay uga shakiyeen beeshii caalamka, ka bixiddii SMF ee dalkana ma shiddo yareeyn (one of the pillars)
Kenya iyo isaga oo xiriirku sii xumaanayo marba marka ka dambeeysa sidaana ku fashilay arrinkii ahaa xiriirka gobolka (one of his six pillars)
Warbixintii Kooxda Monitoring ka QM ee Soomaaliya oo fadeexado badan oo dhaqalae iyo siyaasadeed bannaanka u soo saartay (Financial managment one of the pillars I think)
Qadar oo uga sii jeesatay arrimaha Masar sida la leeyahay, iyo Masar oo isaga u ahayd marjac siyaasadeed ....
Waxa u haray waa bil. Ilama aha in uu intaas ku xallin karo intaa oo mashaqo ah.... hope in ay kaliya wake up call u noqoto!
Xigasho: C/salaan Salwe

No comments:
Post a Comment