Tuesday, August 20, 2013
Why don't you start believing that no matter what you have or haven't done, that your best days are still out in front of you.
Somala waxaa wax ka bedeli kara hogaamiye ku shaqeeya qaab talawadaag ah,
Ka raadiya xalka gudaha intuusan ka dayin dibada, leh han ka ilaaliya dhaqamada guracan sida Musuqmaasuqa, eexda, iyo takoorka qabyaaliga ah.
Sidoo kale hogaamiye aan marnaba ka daalin beegsashada yoolka qarameed, ishana ku haya khatara iman Kara.
Codkar ah iskana ilaaliya hadalada turxaanta leh ee dadka kala gayn kara, aaminsan cadaalad iyo sinaan, Ilaaliya awoodada dastuuriga ah iyo kala lahaanshaha waajibaadka isagoon leexsanayn awoodaha madaxda kale.
Hogaamiyaha waxa ka sii muhiimsan, system na ilaaliya nana kala ilaaliya, si aynu u yeelano dhaqan dawlad Casri ah, lana jaanqaada ilbaxnimadan xilagan ee xawaaradaysan isuna soo dhawaanshaha shucuubtu Caalamka.

No comments:
Post a Comment