Monday, September 16, 2013

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia oo sheegay in uu ku tegi doono Puntland booqasho si uu Shacabka Puntland ula kulmo

                                                        


Isniin, September 16, 2013 (BICD) — Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo horay ugu dhawaaqay inuu yahay murashax u tartamaya xilka madaxweynimo ee maamulka Puntland ayaa sheegay inuu dhawaan tegi doono Puntland si uu ugu ololeedyo doorashada dhacaysa bisha Jannaayo 2014-ka.
Mudane Gaas wuxuu sheegay inuu ololayaashiisa ka sameyn doono laga soo billaabo Boosaaso illaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, uuna dadka la hadli doono si aan fikirkooda iyo fikradahooda u soo ogaado sidoo kalena aan u xog-wareysto dadka Puntland ku nool.
"Puntland ayaan dhawaan tegi doonaa, waxaana doonayaa inaan soo maro guud ahaan gobollada Puntland ay ka kooban tahay, qorshahayguna waa in aan dadka fikirkooda ogaado,” ayuu yiri Prof. Gaas.
Sidoo kale, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in markii uu socdaalkiisa soo gabagabeeyo uu billaabi doono ololihiisa doorashada, isla markaana qorshihiisa yahay inuu helo codka dadka Puntland si uu ugu hoggaamiyo dimuqraadiyad iyo barwaaqo waarta.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa wuxuu dhowr jeer booqashooyin ku tagay Puntland intii uu xilka ra’iisul wasaarenimo ee dowladdii KMG ahayd uu haya, sidoo kale wuxuu booqday Puntland markii uu xilkaas ka tagay, iyadoo uu muran soo dhexgalay isaga iyo madaxweynaha Puntland, Faroole oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Puntland.
Maamulka Puntland oo ka mid ah maamullada ka jira Soomaaliya ayaa lagu wadaa in bisha Jannaayo ee sannadka 2014-ka ay ka dhacdo doorashada madaxweynimo ee maamulkaas, iyadoo ay u taagan yihiin xilligan siyaasiyiin kala duwan oo dhamaantood kasoo horjeeda madaxweynaha xilka haya.
Puntland ayaa waxaa tan iyo markii muddo hal sano ah lagu kordhiyay xilka maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ka dhacay rabshado ay dadka qaarkood uga soo horjeesteen muddo kororsigaas.
Diyaargarow doorasho oo xooggan ayaa ka socda Puntland, iyadoo doorashadan ay ka mid noqon doonto doorashooyinkii ugu adkaa ee soo mara maamulkaas tan iyo markii la dhisay sannadkii 1998-kii.

No comments:

Post a Comment