Tuesday, October 21, 2014

Madaxii guud ee Shirkadda Shidaalka Total Christophe de Margerie ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka.


                                                          

 



Madaxii guud ee Shirkadda Shidaalka Total Christophe de Margerie ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka.
Shilka ayaa yimid kadib markii diyaaraddiisa khaaska ahayd ay ku dhacday mid kamid ah qalabyada yaalla garoonka diyaaraddaha.
Waxaa la geeriyooday saddex kamid ah shaqaalaha diyaaradda oo ay ku jiraan kabtanada.
Baaritaano la xiriira shilka ayaa bilowday, waxaana uu dhacay shilka habeenimadii isniinta xilli uu kusii jeeday magaalada Paris.
Shirkadda Shidaalka Total oo laga leeyahay Faransiiska ayaa kamid ah shirkadaha ugu waaweyn dunida ee iibiya shidaalka, waxaana ay ka howlgasha inka badan 50-wadan

Monday, October 6, 2014

Daawo sawirrada:Ciidamada Huwanta oo daafaha baraawe caawa seexanay:SAWIRRO…..



                                                                









Xaalada magaalada Baraawe oo maanta si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa ah mid degan, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada ay xarumo ka sameysteen hareeraha magaalada iyo wadooyinka laga soo galo, inkastoo ay caawa oo Isniin soo galeyso ay banaanka ugu baxeen.
Magaalada Baraawe oo leh dekad macmal ah oo caan ku ah dhoofinta dhuxusha ayaa waxaa Al-Shabaab ay ka heli jireen dhaqaalaha ugu badan ee ay ku howlgeli jireen, sidoo kale waxay u adeegsan Dagaan_
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa sheegay in guud ahaan Baraawe ay la wareegeen isla markaana ay ciidamada u jiheysteen deegaanada kale sida Sablaale iyo Haawaay.
Al-Shabaab ayaa xarunta ugu weyn u aheyd Baraawe, waxayna ka talinayeen mudo Lix sano, dadka ku noolna waxaa laga mamnuucay adeegyada bulshada muhiimka u ah sida in dadka ku nool aysan qaadan karin taleefanada casriga ah ee Smartphone, inaysan isticmaali karin dhuuqista Sigaar, qaadka & Tubaakadaha..

Wednesday, October 1, 2014

War deg deg ah: Ciidamada difaaca Puntland oo la wareegay buuralayda Galgala

                              

 
 
(Bureau for Somalian People's Development )
War deg deg ah oo nagasoo gaaraya buuralayda Galgala ee gabobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada difaaca Puntland ay la wareegeen guud ahaan buuralayda Galgala ee gobolka Bari oo ay qeybo badan kaga sugnaayeen maleyshiyada Alshabaab.
Inkastoo warar faahfaahsan aan lanaynin ayaa hadana wararka uu helayo warsidaha Puntlandi.com waxay sheegayaan in ciidanka daraawiishta Puntland ay xoog uga saareen xagjiriinta Alshabaab ee ku dhuumaalaysan jirtay buuraha Galgala, Waxaana la gaarsiiyay qasaaro xoogan sida ay wararku nagusoo gaarayaan.
Saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ee ku sugan Galgala ayaa inoo suurtoobi weyday inaan xiriiro la sameynayo sababo la xiriira isgaarsiinta halkaas oo aan wanaagsanayn.
Goordhow ayaa madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas wuxuu xarunta madaxtooyada ku qabanayaa shir jiraa’id oo kaga hadlayo la wareegitaanka ee Galgala, iyadoo saxaafadana lagu wargaliyay inay madaxtooyada tagaan.
Sanadkii 2010 ayaa ciidanka dowladda Puntland waxay mar qura ka saareen buuraha Galgala kooxda Alshabaab, inkastoo markii dambe iyagoo aan laga warhaynin ay si tartiib tartiib ah isugu aruursadeen buuraha.
Buuraha Galgala ayaa ahaa goobo ay Alshabaab kasoo maleegi jireen shirqoolada ka dhan ah dowladda Puntland iyo shacabkeeda