Wednesday, October 1, 2014

War deg deg ah: Ciidamada difaaca Puntland oo la wareegay buuralayda Galgala

                              

 
 
(Bureau for Somalian People's Development )
War deg deg ah oo nagasoo gaaraya buuralayda Galgala ee gabobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada difaaca Puntland ay la wareegeen guud ahaan buuralayda Galgala ee gobolka Bari oo ay qeybo badan kaga sugnaayeen maleyshiyada Alshabaab.
Inkastoo warar faahfaahsan aan lanaynin ayaa hadana wararka uu helayo warsidaha Puntlandi.com waxay sheegayaan in ciidanka daraawiishta Puntland ay xoog uga saareen xagjiriinta Alshabaab ee ku dhuumaalaysan jirtay buuraha Galgala, Waxaana la gaarsiiyay qasaaro xoogan sida ay wararku nagusoo gaarayaan.
Saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ee ku sugan Galgala ayaa inoo suurtoobi weyday inaan xiriiro la sameynayo sababo la xiriira isgaarsiinta halkaas oo aan wanaagsanayn.
Goordhow ayaa madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas wuxuu xarunta madaxtooyada ku qabanayaa shir jiraa’id oo kaga hadlayo la wareegitaanka ee Galgala, iyadoo saxaafadana lagu wargaliyay inay madaxtooyada tagaan.
Sanadkii 2010 ayaa ciidanka dowladda Puntland waxay mar qura ka saareen buuraha Galgala kooxda Alshabaab, inkastoo markii dambe iyagoo aan laga warhaynin ay si tartiib tartiib ah isugu aruursadeen buuraha.
Buuraha Galgala ayaa ahaa goobo ay Alshabaab kasoo maleegi jireen shirqoolada ka dhan ah dowladda Puntland iyo shacabkeeda

No comments:

Post a Comment