Shabaab ayaa sirdoon xoog leh u soo dirsatay in ay dhexgalaan dowladda Soomaaliya, Shabaabka ayaa doonaya in ay guuldareysato habka maamul ee dowladdu u shaqeyneyso.
Maalinimadii maanta waxaa shabaabku magaalada Garbahaarey ka soo direen 3 kamid ah kumaandooska aadka u tababaran sidoo kale degmada Buurdhuubo waxaa ka yimid 5 iyagoo nimankani la soo diray haatan la sheegay in saraakiil dowladda ka tirsan ay Muqdisho keeni doonaan si ammaankoodda loo sugo. Shabaab ayaa heysata fursado aad u macaan iyagoo si toos ah uga faa’iideysta in ay danahooda ku meel mariyaa.
Shabaab ayaa arrimaha dowladda kaga xiran waxaa u dhammeeya kuwa dowladda ugu jira ee kal hore Shabaab soo dirtay iyagoo ku soo galay “Waan isa soo dhiibnay” tani oo aan baaritaanno iyo dabagal intaba lagu sameynin.
Dowladda Soomaaliya ayaa leh xildhibaanno, wasiiro, agaasimeyaal, ciidamo iyo saraakiil nooc walba leh oo weli qalbigoodu uu ka buuxo cunsuriyadda Al-Shabaab u heyso bulshada nabadda jecel, tani oo maalin kasta keenta dib u dhacyada ku dhaca horumarinta dowladnimada dalka.
Madaxweynaha dalka ayaa isagu ka soo jeeda xisbi Islaami ah oo aaminsan in Shabab iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca isku si loola dagaalamo. Soomaalida ayaa kala saari la’ kala duwanaanshaha iyadoo la daalaa dhaceysa dhibaatada dalkooda heysta.

No comments:
Post a Comment