Saturday, March 28, 2015

Dowladda Somalia oo sheegtay inay soo Af-jaray Howlgalkii H. Maka Al-Mukarama (SAWIRRO)

https://youtu.be/mHDyfJpRcwo

                   
                                         








Jimco, Maarso 27, 2015

(Abdirashid Ciid Osman) — Dowladda Somalia ayaa shaacisay caawa inay soo af-jartay howlgalkii hotell Maka Al-Mukarama oo ay gellinkii dambe ee maanta la wareegeen gacan ku hayntiisa xoogag taageersan Al-shabaab, iyadoo weli rasaas laga maqlayo gudaha hoteelka.

Weerarrada ay dagaalyahanada Al-shabaab ku qabsadeen Hoteelka ayaa isugu jiray mid is-miidaamin ah iyo mid toos ah oo ay gudaha ku galeen, iyagoo dilay 10-qof oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa hoteelka gudihiisa.
Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka hoteelka; balse ma aysan sheegin tirada xubnaheeda weerarka qaaday, waxaase dad goobta ku sugnaa ay sheegeen inay yihiin afar illaa shan ruux.
Ciidamada Alpha Group ee dowladda Somalia iyo xoogagga hubeysan ayaa ku dagaalamay gudaha Hoteelka, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan inay rag ka mid ah kuwii weerarka qaaday isku qarxiyeen gudaha hoteelka.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN OO KU SAABSAN HOWLGALKA

No comments:

Post a Comment