Sunday, March 29, 2015

Qaran loogu sameeyay Garowe.!!!!

Daawo Sawirada Amabsador Yuusuf Bari-bari oo Aas 

                     


















Qaran loogu sameeyay Garowe.

Madaxweynaha Puntland,Guddoomiyaha Baarlamanka, wasiiro iyo xildhibaano, Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland iyo Federaalka, Xildhibaano, Isimo, Waxgarad, Aqoonyahan, ehelada Marxuumka iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay Aaska Qaran oo maanta Garowe loogu sameeyay ALLA ha u naxariistee Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari oo ahaa Safiirki Soomaaliya u fadhiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Ka dib markii Marxuumka lagu tukaday Salaada Janaasada,ayuu si rasmi ugu Hoyday Hoygiisa rasmiga ah.
Madaxweynaha Puntland,Guddoomiyaha Baarlamanka iyo Hogaamiye dhaqameedka ka qayb galay Aaska ayaa Marxuumka EEBE uga baryay Marxuumka inuu ka waraabiyo Janada Fardawsa,kitaabkiisana uu gacanta midig uga dhiibo, samir iyo iimaan buuxana Alle uu ka siiyo dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland, ehelkiisi iyo asxaabtii uu ka baxay
” Yuusuf waxaa uu ahaa Danjire qaran, waxa uu ahaa howlkar, waxa uu ahaa nin daacad u ah Soomaaliya,  jecel Soomaaliya in ay isbadasho jecel Soomaaliya in ay meel fiican gaarto, wakhtigiisa inta badan howshaa qaran ayuu ku biyey ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Wuxuu intaas ku daray”….Waxaan kaloo rabaa inaan udiro fariin Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ah dadkaasi ah wax ku oolka Soomaaliya oo runtii maalin walba moodo in xamar lagu laynayo in amnigooda la sugo xil gaar ahna layska saaro ” Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.
ALLA ha u naxariisto Yuusuf Bari-bari.
Hoos Ka Daawo Sawirada;-

No comments:

Post a Comment