Tuesday, March 29, 2016

Bankiga Gumeystaha vs USA

                                                  


Bankiga Gumeystaha vs USA
_----------
1832: Bangigii Rothschild ee Maraykanka The Second Bank of The United States ayaa waydiistay Koongareyska Maraykanka inuu cusbooneysiiyo heshiiskii dowladda iyo bangiga (ee deyn siinta dowladda ahaa) iyadoo aan waliba la gaarin xiliga uu dhacayo oo ah 1836. Kongareysku wuu ansixiyay wuxuuna sharcigii u diray Madaxweyne Jackson si uu u saxiixo. Andrew Jackson oo ahaa madaxweynihii 7aad ee Maraykanka, hayayna xilka labadii xili ee u dhaxeysay 1829-1837 wuxu saaray sharcigaas awoodiisa “Veto” ee mamnuuc ka dhigaysa sharci walba ee uusan raali ka aheyn. Wuxuuna raaciyay diidmadiisa qayaxan hadalkan.
“Kaliya ma aha in muwaadiniinteenu ay dhadhaminayaan madax-furashada dowladeena lagu heysto, ee waxaa intaas dheer in inka badan 8 milyan oo saami oo bangigaan ah ay leeyihiin dad ajaanib ah. Taasi ma weysan khatar ku aheyn madax-banaanideena iyo xornimadeena, in bangigaan oo kale oo ay yartahay xiriirka uu la leeyahay wadankeena aan u kordhino heshiis deyn bixin?
“In naloo maamulo hantideena, naloo qaado lacagta bulshadeena iyo in kumanaan muwaadiniinteena ahi ay ku tiirsanaadaan bangiga noocaan oo kale ah, waxaa nooga wanaagsan in awooda ciidan ee cadowgu ay toos noo qabsadaan. Xataa haddii dowladeenu ay ku qasbanaato inay siiso bangigaan heshiis kale oo deyn uu nagu siiyo, kadibna faa’iidada uu bangigaani helo uu sida roobka samada ka yimaada ugu qeybiyo umadda Maraykanka oo dhan -taajirkeeda iyo faqiirkeeda- bixinta iyo siinta heshiiskaan waxay noqoneysaa mid uusan u qalmin bangigaani”
“Heshiiska i horyaala (ee uu soo ansixiyay Koongareysku) wuxuu u muuqdaa mid si macno la’aan ah nooga saaraya qiyamka iyo qaacidada cadaaladda ah ee aan ku qotano”
Sidaas ayuu Kongareysku ku awoodi waayay inuu meel mariyo sharcigii bangigaas. Isla sanadkaan 1832 ayuu madaxweyne Jackson u istaagay dib-u-doorasho afar sanno oo kale ah, wuxuuna si toos ah diidmada bangigaan uga dhigay olalihiisa doorashada, isagoo astaanta olalihiisa doorasho ka dhigay “Jackson and No Bank” oo la macno ah “Doorta Jackson si uu idinkaga dhiciyo bangiga Rothschild iyo deymeyntiisa” Sidaas ayaana afar sanno oo kale lagu doortay Andrew Jackson oo ah ninka hada ku sawiran lacagta $2. !

No comments:

Post a Comment