Tuesday, March 29, 2016

Puntland oo soo bandhigtay qodobka ay ka doorbidi laheyd nidaamka 4.5 (hadafkeeda fog...

                           


Dhawaan ayey aheyd markii maamulka iyo Odayaasha Puntland ay caddeeyen in marnaba aysan aqbali doonin nidaamka 4.5, waxaase hadda soo baxaya nidaam ka duwan kaasi oo uu soo bandhigay Boqor Cabdullaahi Axmed Cali oo ka mid ah Isimada Puntland ee kasoo jeeda gobolka Sool.
Boqor Cabdullaahi Axmed, waxa uu sheegay in isaga oo ku hadlaaya Afka Odayaasha uu doorbidi lahaa in ka tanaasulka xulashada hab deegaan, muddo kordhin loo sameeyo Dowlada hadda jirta.
Boqor Cabdullaahi Axmed Cali waxa uu sheegay in 4.5 laga soo gudbay, islamarkaana ku meelgaarkii uu raacay, sidaa aawgeed ay qabaan in Dowladda ay ka tanaasusho 4.5, ama wakhtiga loo kordhiyo, si la isaga illoobo nidaamkaasi.
Waxa uu ku taliyay in Dowlada Somalia ay ka xishooto shacabkeeda islamarkaana aysan dadka israacsan ku cadaadin waxa ay iyada rabto, isaga oo tilmaamay in intii Puntland qaadan lahayd 4.5 in dowladda hadda talada haysa wakhtiga loo kordhiyo.
Wuxuuna taa ku sababeeyey in hadda aan la gaarin doorasho degmooyin in dalka laga qabto oo Puntland ay taageersan tahay.
Madaxda Puntland iyo shacabkeeda ayuu ugu baaqay in marnaba aan la qaadan waxa uu ugu yeeray 4.5 oo uu sheegay inuu lamid yahay cudur dilaa ah oo aan dawo laheyn.
Maamulka Puntland ayuu sidoo kale sheegay in uu ka fiirsado wixii u wanaagsan iyo wixii dhib uga imaan kara, isaga oo farta ku goday in arrinka iminka ay waddo Dowladda federaalku uu wakhti danbe noqon doono mid dhibtiisa leh.
Dhanka kale magaalada Garowe waxaa meelaha qaarkood ku qoran NO:4.5, taasoo ka turjumaysa siday shacabka Garowe u diidan yihiin nidaamka qabiiliga ah ee 4.5-ka, ayagoo ku doodaya in deegaan wax lagu qeybsado, taasoo Puntland ay u aragto in ay sed badan ku heli karto, saameyn weynna ay ku yeellan karto siyaasadda mustaqbalka dhow ee Soomaaliya.

No comments:

Post a Comment