Monday, August 24, 2020

Yaa u Sabab ah Dowlad-burburka

Yaa u Sabab ah Dowlad-burburka iyo Dagid la’aanta Soomaaliya? ( Fadlan Walaal Akhri Qormo Dhab ka Hadal ah oo Arimahaas Iftiimineysa ) Yaa ka dambeeyey burburintii dowladnimadii Soomaalida? Yaa hortaagan in dib loo soo celiyo? Yaa hoosta ka hurinaya dagaalka sokeeye ee aan dhammaadka lahayn sababtiisana la garanayn? Muxuu u dagi la’yahay dalkani halka ay quwadaha Reer Galbeedku wada dajiyeen, dibna u dhiseen dalalka kale ee ku burburaay dagaal sokeeye oo ka qota dheer kan Soomaalida? Yaa fashiliya heshiis kastoo la gaaro iyo dowladdii dib loo yagleelaba? Arrimahaas isku wada xiran, ma waxaa ka masuul ah annaga Soomaalida ah? Ma waxaa hoos ahaan uga shaqaynaya shisheeye naga awood badan oo dantooda ka dhex arkay daagaalka iyo dowladla’aanta? Mise waa labadaba? Jawaabta runta ah waxaa muuqata inay tahay labadaba. Sida ay labadaba u tahay iyo labada dhinac midba qaybta uu ka qaatay hoos ayaan ku faahfaahin doonnaa. ‘Laxiba shillalkay is dhigtaa lagu qalaa’ Waxaa jira muran soo noqnoqda. Dad badan oo Somaali ah ayaa marka ay cidi soo hadal-qaaddo inay jirto gacan shisheeye oo hagardaamo wadda ama cadow dibadeed oo si dadban uga shaqaynaya dhibaatada Soomaalida waxay la soo boodaan ‘Waar Soomaalidu iyadaan dad ahayn ee ma jirto sabab ay cid kale ku bar-tilmaameedsato!”. “Beesha caalamku aad ayay noogu dadaashay ee annagaa wax qabsan kari weyney”. “Eedda annagaa leh ee waxba yaynaan cid kale eedayn”. Ma dhab baa taasi? Maya iyo haa. Waa run inaan annaga Soomaalida ahi leennahay ‘eed’ weyn. Waa run in waxa sida tooska ah u burburiyey dowladnimadii ay yihiin keli-talis, musuqmaasuq, caddaalad-darro, waddaniyadla’aan, sakhrad qabyaaladeed iyo kursi-doon indhala’ oo intaba ay ku kacayeen dad Soomaali ah, Soomaali oo dhan ma ahee masuuliintii siyaasadda. Intaa oo dhan ciddii tilmaantaa been ma sheegin, waana cudurro haddaannaan iska daweyn aannaan dowladnimo hanan karayn. Waxayse dadka badankoodu ka indha la’yihiin laba xaqiiqo oo tan garab-yaal: xaqiiqda koowaad waxay tahay, cudurradaas dhammaantood ma aha wax Soomaalida u gaar ah. Waa cudurro ama cillado ay nala wadaagaan dhammaan dalalka Afrika, dunida Carabta iyo guud ahaanba dunida saddexaad inteeda badan. Dalalkaas oo dhan iyagoo nala wadaaga cudurradaas ayay haddana ka badbaadeen burburka aan ka kici kari la’nahay Waa maxay sababtu? Xaqiiqda labaad, ahna sababta aan u badbaadi weyney: xuma-falkii ay ku kacayeen siyaasiyiin Soomaali ah oo ummaddan hor boodayey dhawr iyo soddonkii sano ee la soo dhaafay, welina ay jiraan qaar halkii ka sii wada, ma ahayn wax aan dhaafsiisnayn soomaalida, balse waxaa ku dhex jirtey oo kaalin weyn ka ciyaaraysey gacan shisheeye (dib baan ka faahfaahin doonnaa). Xuma-falayaasha madax-ku-sheegga ah waxay goor walba ku xiran yihiin shar-wadeen ajnabi ah, si uuna fahmi karin qofka caadiga ah. Taas ayaa ah sababta ugu weyn ee cudurradaasi annaga Soomaalida ah noo dileen dalalkii nala qabeyna u dili waayeen. Dalalkaa kale qudhoodu kama badbaadsana faragalin dibadeed,waxaase kala duwan nooca faragalinta, taas oo ku xiran nooca danaha laga leeyahay dal kasta oo ka duwan dalka kale.Cilladaha Soomaalida ee Burburka Fududeeyey Marka la qodobbeeyo, cudurada iyo cilladaha kor ku xusan waxaa ugu waaweyn kuwa hoos ku taxan: 1) Qabyaalad. 2) Hoggaan-xumo. 3) Caddaalad-darro iyo musuqmaasuq ay caadeysteen siyaasiyiin aan damiir lahayn. Waa saddexda aafo ee qaranimada curyaamiyey, dibindaabyada cadowgana albaabka u ballaqay. 4) Caaddifad indha la’ oo caqliga hawl-gab ka dhigt. 5) Saddexdaa kore oo dilay dareenkii qiirada waddaninimo. 6) Jahli iyo fiira-gaabni ay ugu darantahay tan garwadeenka siyaasadda. 7) Maalin-la-noolnimo – micnaha ku xisaabtanla’aan shalay iyo berri - shalay wixii la soo maray oo aan laga tilmaan-qaadan iyo berri waxa dhici kara oo aan laga gaashaaman ama lagu baraarugsanaan. 8) Xintan iyo xased ( heer qof iyo heer qabiilba) 9) kala dambayn la’aan, taas oo iyada iyo xintanku burburiyaan isku-duubnida ummad ahaaneed, majaxaabiyaanna hoggaanka wanaagsan iyo halyeygii soo bixi lahaa. 10) Xusuus la’aan – “illowsho dhawinaa innagu Soomaaliyeey!” (abwaan Cabdi Muxumud Amiin). 11) U-fiirsila’aan iyo ka-fiirsi la’aan – wax kastaa orod bay nugu dhaafaan indhalaa’nna waan ugu boodnaa. Maskax waan leenahay kamase shaqaysiino. 12) Garan-waa ama dhegweynimo/dhukanaan ay u sabab tahay u-fiirsila’aantu. Ummad caqligeedii safar dheer ku maqanyahay! Tusaale marag u ah labada qodob ee kore (10 & 11), waxaa ilaa maanta la la’yahay wax Soomaali ah oo u fiirsada,dersa, ka dibna fahma riwaayadda ay 25 sano nugu hoosaasinayeen waxa loo yaqaan “international community” Beesha Caalamka. Waa wax la-yaab leh inay muddo ka badan 25 sano Soomaalidu garan kari la’dahay in laga riwaayadaysanayo laguna dul shaxayo, lagu dul taajirayo, laga leeyahay qorshe kale, qorshe liddi ku ah waxa la maqashiinayo. Waxaan faham iyo u-fiirsi u yeelan kari la’nahay in xoogaggan shisheeye (ee ah cidda dhabta ah ee gacanta ku haysa go’aanka siyaasadeed ee Soomaaliya), haddii ay run ka tahay ama daacad ka yihiin waxa ay ku hadlaan oo ah inay Soomaalida ku caawiniyaan inay nabad iyo dowladnimo ku soo noqoto, in hadday taasi run ka tahay waddankan mar hore la dajin kari lahaa sidii loo dajiyey dalalkii naga darraa ee isla xoogaggani ku dajiyeen muddo aad u gaaban. Waxaan wada ogsoonnahay madaxda Soomaalidu inay degdeg u fuliyaan amarrada kaga yimaada beesha caalamka (UN, AU, IGAD, US, iwm) sida marka ay shir ugu yeeraan ama ku amraan inay iska xaadiriyaan waddan dibadda ah. Waxaan kaloo ognahay go’aannada muhiimka ah ee ka soo baxa shirarka Soomaalida inay yihiin wixii ay yeeriyeen xogaggaas dibaddu. Xad waxay gaarsiisan yihiin madaxda ugu sarraysa kii ay doonaan ay ku amraan inuu xilka ka dego, asna uu ku khasbanaado inuu u hoggaansamo (Farmaajo iyo dowladdiisii, Cabdullaahi Yuusuf, Adan Madoobe). Haddaba, sida amarradoodaas oo dhan ay Soomaalidu u fuliso ayaa loo fulin lahaa wax kastoo tallaabooyin ah ee ay amraan in dalka lagu dajiyo, dagaalka lagu joojiyo, dowlad awood leh lagu dhiso. Waqti kuma qaadateen balse xaqiiqda ayaa waxay tahay in ayan doonayn inuu dalkani dego oo ku soo noqdo nabad iyo dowladnimo. Cilladaha kor ku taxan waa ayaandarro na haysata haddaan Soomaali nahay. Waa caqabado curyaamiya dadaalka qaran-dhiska. Ha yeeshee waa qalad in waxa keliyee naga hor-muuqdaa ay noqdaan ceebaha iyo cilladaha aan leenahay. Xilliyada burburka iyo dhibaatada waxaa bata is haaraanka, is-eedaynta iyo is liididda. Marka ay is-biirsadaan taas iyo magac-dilka cadowgaagu si dadban kaaga dhaadhiciyo waxay dishaa ku-kalsoonida naftaada iyo kartida waxqabsigaaga. Waxay kuu hoggaamisaa is-karhid, is-dhiibid iyo quus loo dhinto. Sida ummadaha kale, Soomaalidu waxay leedahay sifooyin aad u wanaagsan oo ka badan kuwaas aan wanaagsanayn ee aan soo tilmaanay. Dunida ma jirto ummad aan cillado lahayn. Qaar naga cillado badan ayaa ka nabad qaba ama ka sara kacay burbur iyo colaad sokeeye. Sababta Soomaalidu u badbaadi weydey ayaa haddaba tan ah: Ducfigeedu waa halkiisee, Waxaa u soo tafa xaytey cadow caynado badan, oo shaarar kala duwan ugu soo hoos gabbaday, oo ka faai’deystey cilladahaas iyaga ah. Sidii aan hore u tibaaxay, ducfigaas ayaa loo adeegsadey si aad u farsamaysan (highly systematic), oo ay Soomaalidu weli fahmi kari la’dahay. Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qormadan. Qalinkii: Abdirashid Eid Yaa u Sabab ah Dowlad-burburka

Saturday, August 22, 2020

Qirashaddi JaaJuuska (Spy)

                       
                 
A- Waxaan ahay laba Xiddigle ka tirsan Xaafiiska Bassaaska/ Sirdoonka Itoobiya.
 B-Xilligee ku biirtay ? 
 A- 1999-kii ! 
 B- Xaggee Shaqadaadu u badan tahay ?  
A-Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. 
B- Macnaha Soomaalida dhexdeeda ! 
A- Haah ! 
B-Mushaar ma qaadataa mise Dadka ayaad isaga dhex nooshahay ?
 A- Maya, Weli Mushaar la iima billaabin.
 B- Saa maxaad ku baddalatey inaad Soomaalida Itoobiya u Bassaasto ?
 A- Hadda waxba ma qaato balse midh baan kuu sheegi, Dalkaan Itoobiya ayaa Gacanta ku dhigtay Mustaqbalkana Ninkii ay Itoobiya Wadato ayaawax ka noqonaya.
 B- Ok! laakiin inta riyadaas la gaarayo Waxoogaa Ajar ah ma rajeyneysaa in laguu qoro maaddaama aad si Mutadawac-nimo ah u Shaqaynayso?
 A-Maxaad ula jeedaa ? 
 B-Waxba, balse waa Su'aal meesha gali karta. A- Maya, Ajarha Sheegin. 
B- Haa ! Macnaha waad ogtahay inaad Shaqo aan Sax ahayn haysid ?
 A-Ninyohow Su'aalo badnidaa yaad Adigu u Shaqaysaa ?
 B-Ok Saaxiib, waa inoo mar kale. 
 (Hadda waa #Senotore Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Xubin buuxda ka ah ! ).

Taariikhdu Iyada Ayaa Isqorta !

Mogadishu ( Badbaado Online)
True History Waxaan Rabaa In Aan U Sheego Madaxweyne Farmaajo IYO Ra;iisul Wasaare Kheyre ARRIN HADDA KA HOR DHACDAY....... Waxaa , Dhacay In Gen. Maxamed Abshir Muse (AUN) Uu Bedalay Seddex Sarkaal Ee Seddex Xidigleyaal ah Ama ( Kabtan.) Waxey 3dii Sarkaal U Tageen Ayagoo Dacwa Ah Sheikh cali Jimcaale (AUN) Oo Wasiir ah. Sheikh Cali Jimcaale , Wuxuu La Hadlay Gen . Maxamed Abshir Muse; In Uu Ka Noqdo Bedelka 3da Sarkaal . . Gen: Maxamed Abshir Muse Waa Ka Diiday Codsigii Sheikh Cali Jimcaale , Wuxuu na Ugu Jawaabay , Arintaan Siyaasad Maahin; Oo Waa; Arrin Boliis Ee Adiga Faraha Kala Bax. Sheikh Cali Jimcaale , Isagoo Careysan Ayuu Abdirizak Xaaji Xuseen (AUN) Oo Ahaa Ra'iisul Wasaarihii Ayuu U Tagay Arrintiina U Sheegay . Abdirizak , Wuxuu Ku Jawaabay  Mana Rabo In Aan Faraha; La Galo Arimmo Boliis; Iyo  Saraakiil. Taliyahooda Bedalaya. Haddaba , Waxaa U Soo Baxday... Sheikh Cali Jimcaale IN Ra;iisul Wasaaraha & Gen Iska War Hayaan Oo Bedelka 3dda Sarkaal Isla Ogyihiin. . Sheikh Cali Jimcaale; Oo Ahaa NIn Aan Gamban Lagana Wada Danbeeyo Ayaa Wuxuu Balad-weyn Uu U Kaxeeyey 43 Xildhibaan Oo Ay Wasiiro Ku Jiraan. Abdirizak , Markii Uu Arrinta Ka War Helay Isagoo Ka Baqaayo Dowladda; In Ay Ka Bur-Burto Ayuu Balad-weyn Uga dabaTagay. Sheikh; Cali Jimcaale Si Uu U Raali Geliyo . Abdirizak , Asagoo Canaananyo; Ayuu U Yeeray GEN. Maxamed Abshir &  MUSE Kunna Amray; In Uu Ka Nogdo Bedelka Sedexdda Sarkaal . Marka  Waxaan Rabaa; M- Farmaajo Iyo Ra'iisul Wasaare Kheyre In Aynaan Sahlanin Qilaafka U Dhexeeya Ayaga IYO Madaxda Maamul Goboleedyadda Aynna; Wada Xalliyaan; Si Aynna Uga; FAA'IIDEYSAn Dowlad DIIDka Ay Ku Shaqeystaan Shisheeyaha, Ee Maanta Somaliya Meel Xun Dhigay. . Waxaa Ayaan_Darro Ahayd In Maalintii BAARLAMAANKa La Furaayey In Aynna Xildhibaanada Aqalka Hoose Shirka Ka Soo WadaQeyb galin Iyo Ayaaddo Xildhibaanada Aqalka-Sare Aynna Shirka Furitaanka Barlamaanka Imaanin . Haddaba , Ma Rabno Saan Horay U Soo Araknay IN Madaxweyn Maamul Goboleed U Yeero Kuna Amro Xildhibaanadiisa Labada Aqal In Ay Shir Iskugu Yimaadaan Gobaladoodda Si Ay Uga Wada Arrinsadaan Dowladda Dhexe. Waxaan Ka Codsanayaa Madaxda Dowladda Federalka IYO Madaxda Maamul Goboleedyadda IN Leysla SHaqeeyo , Leysk Calool Samaad EE Fadlan Yaan DibLa Noo Celinin ♧

Soo Nognogshadda Elite ka Puntland

           


Sida Dastuurka Puntland ku qoran waxaa la filayay in deegaanka Puntland ka dhacdo doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha 2019. Balse Madaxweyne Cabdiwali Gaas kadib markuu Arkay. markuu ogaaday dhamaan Odey dhaqameedka, siyaasiyiinta, guud ahaan shacabka reer Puntland in aysan dooraneyn mar labaad Cabdiwali Gaas wuxuu go'aansaday, sedaxdaan qodob ee soo socda. 1- in kalfadhigii ugu danbeeya barlamaanka Puntland  waqtigiisu dhamaaday,in uusan qab soomin 25/10/18  gudigga khilaafaadka doorashada in aanan la magacaabin. 2- in moojaddo siyaasadeed la furro islamarkaana Magaala Madaxda Puntland ee Garoowe laga dhigo goob marti galisa duufaano siyaasadeed oo xasaasi ah,taasoo uu ka damacsan yahay Madaxweyne Cabdiwali Gaas, boor isku qaris iyo raad-dhumis doorashada 2019.3-in Dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ahi laga bilaabo aaga Takuraq ay isku hor fadhiyaan labada ciidan ee kala matalla Puntland iyo Somaliland.

cabdiwali Cali Gaas wuxuu Puntland ka doorbidey hamigiisa siyaasadeed ee u qaaska ah reer Puntland ha ogaadeen.

Sababtii ciidanka ajnabiga ay guriga Aadan Cadde u weerareen oo la ogaaday




Sababtii ciidanka ajnabiga ay guriga Aadan Cadde u weerareen oo la ogaaday

Janaale ( Online) – Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee dhowaan weerarka ku qaaday guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan ee degmada Janaale, ayaa sidaas sameeyey kadib markii la siiyey warbixin sirdoon oo qaldan, sida saraakiil Soomaali ah ay sheegeen.
Ciidamada Soomaalida iyo kuwa ajnabiga ayaa guriga Aadan Cadde weeraray xilli saq-dhexe ah 4-tii bishan, waxayna kala baxeen saddex wiil oo da’doodu u dhaxeyso 15 illaa 20, sida ay sheegeen qoyska madaxweynihii hore. Halka ay jiraan saddexda wiil ayaan ilaaa hadda la ogeyn.
Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, oo si toos ah wax uga ogaa howlgalkan ayaa yiri “Waxaa nala siiyey warbixin sirdoon oo been abuur ahayd ka hor weerarka guriga Aadan Cadde, iyada ayaana ku dhaqaaqnay.
“Ciidamada Mareykanka ma aysan aqoon goobta weerarka iyo gurigaba, waxayna isku halleeyeen warbixin sirdoon oo been abuur ah, oo ay bixiyeen jaajuusiin deegaanka ka howlgala, kuwaas oo laga yaabo in mararka qaar ay qabyaalad darteed been u sheegaan” ayuu yiri sarkaalka oo la hadlay wargeyska The Guardian.
Sarkala kale oo sirdoon oo inta badan la shaqeeya ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa sheegay in inta badan ay dhacaan qaladaad ka dhasha been ay sheegaan jaajuusiin aan la isku haleyn karin.
Major Karl Weist, oo ah afhayeenka taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa xaqijiyey in ciidamada Mareykanka oo caawinaya kuwa Soomaalida ay howlgalka fuliyeen habeenkii afarta bisha September, 2018.
“Waxaa naloo sheegay in weerarka lagu beegsanayey shabakad Al-Shabaab oo qaraxyada sameysa, anaga waxaan taageereynay kaliya ciidamada Soomaaliya” ayuu yiri..!!