Tuesday, August 10, 2021

Siyaasadda Somalia SFR VS Qaadka la Cunno

             
Muqdisho (Badbaado Online) – Soomaaliya ayaa gashay qalalaase siyaasadeed oo kaga yimid meel aan la fileyn oo ah; qaadka dalka la keeno, kadib markii ay isku qabteen madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Haddii aan isku dayno inaan soo koobno; dooddu waxay tahay Farmaajo oo leh “qaadka Kenya waa xaaraan, kan Itoobiyana waa xalaal” iyo Rooble oo leh “qaad waa qaad”.

Hase yeeshee, doodda waa ay ka weyn tahay qaad, waxayna salka ku haysaa dano shaqsi, kuwa qoys, iyo kursi siyaasadeed.

Qaadka Kenya oo markii ugu horreysay Soomaaliya laga joojiyey bishii March 2020, waxaa loogu soo ganbaday cudurka Coronavirus oo markaas dalka ka qarxay, taasi oo aan dhalin wax su’aalo iyo tuhun ah.

Hase yeeshee, markii toddobaadyo kadib laga war helay in qaadka Itoobiya dalka yimaado, ayaa su’aalo badan ay dhasheen, ayada oo shacabka ay billaabeen inay is-weydiiyaan farqiga u dhaxeeya labada qaad.

Kooxda Farmaajo ayaa kadib billaabay olole warbaahineed, oo lacag badan lagu bixiyey, ayada oo la gaday sheeko ah “in Kenya naagal dhaxeeyo dagaal siyaasadeed iyo muran badeed, oo joojinta qaadkoodu yahay mid dagaalkaas qeyb ka ah.”

Hase yeeshee, waxaa durba soo baxday in sababta markii horeba qaadka Kenya loo xayiray aysan shaqo ku laheyn cudurka Coronavirus iyo xiisadda ka dhex-oogan Kenya iyo Soomaaliya, balse ay aheyd dano shaqsi, kuwa qoys iyo kuwa doorasho.

Qaadka Itoobiya ayaa waxaa heshiis kusoo galay xubno ka tirsan qoyska Farmaajo si ay dalka u keenaan, waxaana la xayiray midka Kenya, maadaama kan Kenya uu yahay kan Soomaalida ay jeceshahay, oo haddii uu dalka sii yimaado aanay jirin cid iibsaneysa midka Itoobiya.

Waxaa la rumeysan yahay in Soomaaliya la keeno 30 tan oo qaadka Itoobiya ah maalin kasta, ayada oo saamiga ugu badan ay leeyihiin qoyska Farmaajo, balse ay jiraan ganacsato kooban oo reer Muqdisho oo ku leh saami kooban, kuwaas oo ah wejiga ganacsiga, halka xubnaha qoyska Farmaajo ay yihiin kuwa ka dambeeya.

Qaadka oo laga sameeyo malaayin dollar, ayaa la rumeysan yahay in sanadkii uu xirnaa qaadka Kenya ay lacag badan uga soo xarootay qoyska Farmaajo, ayna ku adag tahay inay aqbalaan in qaadka Kenya dib loo furo, taasi oo ganacsigooda meesha ka saari karta.

Ka sokow, danta ganacsi, qaadka Itoobiya laga keeno wuxuu sidoo kale qeyb ka yahay qorshaha dib u doorasho ee madaxweyne Farmaajo, ayada oo lacagta kasoo xaroota qeyb ka mid ah loo dhigayey ololihiisa doorasho, sanadkii tegay.

Tani waa sababta ay Farmaajo uga go’an tahay inuusan ka gorgortamin dib u furitaanka qaadka Kenya, oo ganacsiga qoyskiisa ee qaadka Itoobiya soo geba-gebeyn karta.

Dhinaca kale, tan iyo markii laga war helay in qaadka Itoobiya loo xiray qoyska Farmaajo, waxaa jiray cadaadis xooggan iyo qeylo dhaan ay wadeen ganacsatadii qaadka ka keeni jiray Kenya, oo caddaalad darro ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn go’aansaday in qaadka Kenya dib loo furo, haddii dalka oo idil aan laga wada joojineyn qaadka, waxayna tani horseeday dagaal siyaasadeed ka dhex qarxay isaga iyo Rooble.

Farmaajo ayaa isku dayey inuu horistaago qorshaha Rooble, isaga oo wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu ka joojiyey in hay’adaha dawladdu ay heshiiyo ama is-afgarad la galaan dawldaha, iyo shirkadaha shisheeye ilaa inta doorashada laga soo gabagabaynayo.

Rooble ayaa ku gacan seeray wareegtada Farmaajo isaga oo sheegay inuu farayo in dhammaan hay’adaha dawladda federaalka ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan dastuurka ku meel-gaarka ah ee dalka, isaga oo sheegay in hay’adaha dawladdu ay joogteeyaan adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee qaranka

Somali Diaspora Concern

     
To- James Christopher Swan, the United Nations Secretary-General's Special Representative for Somalia.

Subject: Request for Meeting Appointment

Dear Sir,

It is our pleasure to write you and hope this letter finds you in the best of your health. We want you to approve the Somali Diaspora participation as monitors and observers in the election process. And, we welcome working with you, your staff and the international community and consider to be an honor.
Therefore, we are  volunteer group from  Somali Diaspora of the US, UK, Canada and EU  who decided to assist and to work with you, the federal government and regional states in the country's election. We know that, Somalia is the middle of the most heavily contested election in the country's history and we don't want to loose its credibility but to be free and fair to advance democracy, encourage political and promote peaceful transition. 

Therefore, we want to volunteer doing the work for free as monitors and observers to assess the conduct of the entire electoral process on the basis of national legislation by visiting all regional states and Banaadir Region. Our mission will focus only to record and report to you anywhere throughout the country instances of suspicious practices or the manner in which votes are counted, electoral fraud and where protests were lodged by hopefuls of both legislatures with election officials etc.

Having said that, we  would like you to schedule a meeting for appointment according to your convenience. We would like to discuss the partnership clauses with you in detail. Let us know the date and time of the meeting.

Best Regards,
Mohamed Bashir Ali "Eid"
Tfn:- +252619989318,+252907638888
Chairperson,
Somali Diaspora Concern

Monday, August 2, 2021

Shaki ka Qaraxii magaalada Kismaayo iyo khilaafka NISA

              
Shaki ka Qaraxii magaalada Kismaayo iyo khilaafka NISA.
        ~ -  - ~ - ~ - ~ - ~ 
  Khilaafka gacan ka hadalka looga baqo ee doorashada Soomaaliya islamarkaana saameeyay hey’adihii dowladda sida NISA ayaa maraya heer tuhun uu ka dhasho qaraxii Kismaayo ka dhacay todobaadkii hore ee lala beegsaday dhalinyaradii cayaartoyda ahayd.
Xogo soo ifbaxay saacihii u danbeeyay ayaa muujinaya in nabad sugidda dhexdeeda uu ka jiro tuhun ku saabsan in ay isla xiriiraan qaraxaasi iyo khilaafka NISA, ee u dhaxeeya taliyaha dabagalka Cabdullahi Dheere iyo Cabdullahi Kulane oo xil ka qaadistii R/W Rooble kadib xil kale loo magacaabay.

Tuhunka lagu tilmaamay in saraakiisha NISA qaarkood qaraxii ku sheegeen mid lagu xumeeynayay Cabdullahi Dheere iyo R/W Rooble, kadib markii mowqif adag iskal qaateen arinta Gedo ee doorashada Jubbaland.

Dhawaan ayaa warbaahinta Badbaado Online soo gaartay in xubnaha ugu sareeya nabad sugidda Soomaaliya uu ka dhex aloolsan yahay khilaaf salka ku haya arimaha doorashada gaar ahaan gobolka Gedo, waxaana maalmo kahor markii Kulane Jiis markale loo dhiibay xil culus oo hey’adda ah digniin ka bixiyay Cabdullahi Dheere, taasi oo ku aadan in amni darro ka dhalan karto.
Xog laga helay saraakiil NISA ka tirsan ayaa sheegaya in labada nin ee ku kala heybta ah madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Axmed Madoobe ay is dhaafsadeen hadallo kulul oo xiisadda Gedo ah iyo tuhun qaraxii Kismaayo ka dhacay ku saabsan.

Kulane Jiis oo gobolka uu ka soo jeedo ee Gedo awgii ku waayay xilkiisi hore, iyo Korneel Cabdullahi Daahir oo reer Kismaayo ah ayaa markii hore ahaa saaxiibo, waxaase hadda xaalkoodu uu gaaray in la isu hanjabo islamarkaana la isku eedeeyo falal amni darro.

Sanadihii u danbeeyay ayaa siyaasiyiin Soomaaliyeed, saraakiil hore iyo sidoo kale hey’ado caalami ah waxay soo saareen digniino ku saabsan isku milanka ama wada shaqeyn ka dhaxeysa NISA iyo kooxaha argagixisada ah,

Wal wal ayay shacabka ka qaadeen tuhunka ay nabad sugidda Soomaaliya dhexdooda iskaga shakiyeen fududeynra Qaraxii Kismaayo ka dhacay maalmo kahor ee lagu dilay dhalinyaro bahda kubadda cagta magaaladaasi ka tirsanaa.

Dadka ka faalooda amniga Soomaaliya waxay sheegeen in kiiska qaarkood aan loo sameyn baaris sax ah sabab la xiriirta in ay lugaha la galayaan xafiisyo hey’adaha dowladda ah.

Cabdullahi Daahir ayaa ra’iisal wasaare Rooble ku taageeray in Kulane xilka laga qaado, taasi oo dad badan sidoo kale oo ay mucaaradka ugu horeeyaan taageereen loona arkayay in xalka doorashada uu ku jiro.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sidoo kale wajahaya culeyska ugu badan doorashada kaasi oo uu kala kulmayo saraakiisha is diidan ee NISA, balse waxaa sii adkeyneysa sida la rumeysan yahay in khilaafku noqday laba garab oo kala ah garabka Fahad, Farmaajo iyo Kulane, iyo kan Rooble iyo Cabdullahi Dheere.

Waxaa muuqata in wixii laga digayay mudooyinkii danbe ee ahayd in hey’adaha amniga ku milmaan siyaasadda ay soo baxeen, beesha caalamka ayaana wali kor u heysa lacagtii doorashada taasi oo dhacdooyinkan lala xiriirinayo.
  
Qalinka:- Abdirashid Eid Osman