DAACADNIMADA IYO AAMINAADA SHACABKA WAR-MOOGGA AH WAA QALABKA AY KU ADEEGTAAN SIYAASIINTA JIR-JIROOLAYAASHA AH (CHAMELEONIC POLITICIANS).
Qore :- Avv. Khalif M Duale
Burburka dowladii dhexe iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay kadib, ayaa sabab u noqday in shacabka Soomaaliyeed kala irdhoobaan, la is-aamini waayo,
Koox kasta ee dalka taladiisa la wareegta ay noqdaan ciil-qabayaal dagaalada iyo colaadii sokeeye ay saameeyn xun ku yeelatay,
Kuna dhiirada in ay ku ciil-baxaan kuwa ay colaadda siyaasadda ay intii muddo ah kala dhaxaysay.
Marka aad si qoto dheer ugu kuur-gashid hab-dhaqanka go'aanada ay madaxda qaarkood gaarayaan,
Waa kuwo u qaab eg hab-dhaqanka qab-qablayaasha dagaalka (warlords) iyo ficilada xanafta leh ee ka soo yeeraya mar walba loona soo dhiibaayo af-hayeenada dowlada sida waa idin "xaaqaynaa" dabaabaad iyo drones ayaa kor idinka ilaalinaaya, cagaf-cagafyo ayaan idin dul-marsiinaynaa iyo hadalo colaad iyo nacayb xambaarsan laguna dhaga hadlaayo shacabka ay dowladda u yihiin.
Hoggaamiyaha la doorto marka uu lumiyo saldhiga taageeradiisa (political base) hilmaamo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalka, ula dhaqmo shacabka sida in ay yihiin muwadiniin labaad (second-class citizens) xuquuq dastuuri ah aysan ku lahayn dalka, ka door bido xuquuqda miskiin iyo dan-yar leeyihiin midda ganacsatada xarbul-taajiriinta danleey ah ayaa waxa ay abuuri karta in shaki wayn uu galo in muddo xileedka madaxda dalka ay si salmi ah ku dhammaysan karaan.
Mas'uuliyiinta dalka ma ku baraarugsana in nidaamka dowladnimo iyo dastuurka dalka la ixtiraamo,
Waayo madaxda shakhsi ahaantooda ma ahan kuwo ka badbaaday saamaynta colaada sokeeye ay ku reebtay fikirkooda colaadinta iyo gacan-togaalaynta kooxaha ay ku kala irdhoobeen dagaalada sokeeye.
Madaxda ka arrimisa dalka intooda badan waxa ay si toos ah ama si dadban go'aanadooda saldhig uga dhigaan in ay ku aargutaan dowladnimada iyo jaaniska ay waqtigaan xaadirka ah ay haystaan sida horay u dhacday in madaxdii dalka soo martay ay ku sifoobeen aargudasho aan la mahadin.
Dalka Soomaaliya wali ma ka dhicin heshisiin (conciliation) iyo dib-u-hishisiin (reconciliation) dhab ah, middaas ee abuuri karta jawi la is-aamino, lana dhiso calool-fiyoobi (confidence building measures) saameeysa dhammaan shacabka Soomaaliya.
Markii aadan xisaabtamin, koox kasta si laab-la-kac iyo qar-iska-tuurnimo ah aad ku taageertid, lagu adeegsado, lagugu owr-kacsado, noqotid ma liibaane lagu liibaanay, filo in dowladnimada lagugu dulminaayo iyo ihaano nuuc kasta ha noqotee. waayo jiilalka dalka hormuudka ka ah waa kuwo ku barbaaray ama siyaasadda indha ku-kala qaaday waqtiyada dagaalada sokeeye ay dalka ka socdeen,
wax walba iyo go'aan kasta ku jaangooya aargudasho.
Xikmad hore ayaa ku leh "Aaminaadda qofka daacadda ah waa qalabka uu ku duulo qofka been-loowga ah."
Shacabka Soomaaliyeed waa in ay taxadar wayn ka muujiyaan siyaasiinta danleeyda ah in aysan mar dambe ka faa'idaysan niyad-samida iyo daacdnimada shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan madax daacad u ah dalkooda hooyo.
Madaxda Soomaalida waa in lagu suubiyo baaritaan dheer (back-ground check) mas'uuliyiinta dalka garwadeenka ka noqonaysa mustaqbilka si mar dambe aan loogu sirmin ama la hubiyo in ay nadiif ka yihiin wixii xumaa ee shalay laga wada shallaayay.
The trust of the innocent is the liar's most useful tool". Stephen King.
Ugu dambayn, waxaan ku waani lahaa ururada bulshada qaybaheeda kala duwan, waxgaradka Soomaaliyeed, culumaa'u-diinka, aqoon-yahanada in la dhiso hay'ad ka shaqsysa hishisiin dhab ah (conciliation) waayo, waxa ay hay'adaha kale ee dowladda ku mash-quulsan yihiin waa dib-u-hishisiin (reconciliation) aan miro-dhal ahayn waqtigeedana la gaarin.
Badbaada Allah,
Qore :- Avv. Khalif M Duale