Tuesday, August 20, 2013

Mareykanka iyo Ingiriiska oo la sheegay inay heleen xog ku saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh xiriir la leeyahay Al Shabaab

Raa’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galeyr, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu xiriir rasmi ah kala dhaxeeyo Ururka Al Shabaab.!!


Cali Khaliif Galeyr oo xilligaan ka tirsan Mudane-yaasha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay in natiijadii ka dhalatay dagaalada Kismaayo, lagu ogaaday sida uu yiri in uu jiro iskaashi u dhaxeeya Dowladda iyo Shabaab.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu xusay inay hal dhinac ka soo wada jeesteen, isla-markaana ay si wadajir ah isaga kaashadeen dagaalada Gobolada Jubbooyinka, sida uu yiri.
Sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyay in Dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka ay helayn, xog cadeyneysa in uu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo Ururka Al Shaab iyo Dowladda Federalka ee Soomaaliya.
Caalamka ayaa wuxuu Ururka Al Shabaab uu u aqoonsan yahay Urur argagaxiso, isla-markaana khatar ku ah danaha reer Galbeedka ee Geeska Afrika.
Majirto wax war ah oo weli ka soo baxay dhinaca Dowladda Federalka ee Soomaaliya, oo ku aadan eedeymaha xoogan, ee uu Mr. Galeyr u jeediyay Dowladda uu hogaamiyo Prof. Xasan Sheekh Maxamuud

No comments:

Post a Comment