Waa Maxay Faraqa u
Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?
Warbixin ay July 12, 2013 soo saartay
kooxda Contact Group ee Qaramada Midoobay ayaa si qayaxan u cadaysay cawaaqibka
ka dhalanaya haddii Soomaaliya aqbasho nidaamka xadaynta badda ee loo yaqaan
EEZ (Exclusive Economic Zone for Somalia), taas oo ah in Soomaaliya waayeyso gebi
ahaanab badda muranka la geliyey oo ay qaadan doonto Kenya.
Arrintaa warbixinta UN waxay ka tiri:
"Marka Soomaaliya aqbasho EEZ ee nidaamka hoos imanaya UNCLOS, markaas
waxaa loo baahan doonaa in Soomaaliya iyo Kenya ay bilaabaan wada xaajood
labada dalba aqbalsan yihiin oo kusaabsan xuduud badeedka. Taasi waxay albaabka
u fureysaa suurtagal in ay noqoto in dib loo xadeeyo xuduud badeedka badda
ayadoo laga bedelayo xariiqda ku qotonta xeebta (perpendicular position) oo loo
bedelo xariiq jiifta oo laacaysa loolka (Latitude
line). Isbedelkaasi waxa uu xaqiiqo ahaan
dhulka la isku hayo qaybtiis ama gebi ahaantiisba hoos geynayaa badda Kenya.
Sababtaas awgeed ayey ahayd tii keentay in 8-dii October 2011 ay Xildhibaanada
Baarlamaanka Soomaaliya cod ku diideen isku daygii ahaa in EEZ lagu soo daro
nidaamkii Roadmap-ka,"sidaas waxay ku caddahay warbixinta
UN-ka ee S/2013/413 soona baxday July 12, 2013 boggeeda 249
iyo 250.
Waxaana warbixinta UN-ku cadaysay in
Soomaaliya ay sannadkii 1972 cabirka baddeeda ku qeexday 200 mayl-badeed oo ah
Territorial Waters.
Waxaa arrintaas (in Soomaaliya ay
leedahay 200 nm oo territorial waters ah) ayidey go'aan ay June 6, 2013 soo saareen
Golaha Wasiirada DFS, kaas oo qeexay sidan "Xukuumada
Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law
No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial
water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo
continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee
ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga
qaran."
Haddaba waa maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga
Dhaqaalaha (EEZ)?
In badan oo Soomaali ah ayaa dhici
karta in ay is weydiinayaan waa maxay faraqa u dhexeeya Territorial Sea iyo
EEZ? Maxaa Dawladdii Soomaaliya ugu adkaaysaneysey Territorial Sea oo ah 200
mayl badeed, oo ay uga soo horjeedey nidaamka EEZ? Haddaba qoraalkan ayaan ku
soo koobi doonaa aragtida guud ee arrimahaas jawaabta u ah:
Territorial Sea (Dhul-badeed): Waa Hanti aad leedahay
Territorial Waters (ama Territorial
Sea) waa qayb kamid ah badda oo ah hanti uu leeyahay dalku, taas oo la mid ah
dhulka berriga ee dalka, sida magaalada Hargeysa ama Kismaayo ama Xaafuun. Waa
dhulbadeed uu leeyahay dalka xeebtaas leh, wax kasta oo kujirana uu dalkaasi
leeyahay, sida shidaalka, macdanta, kalluunka iyo khayraad kasta oo kujira,
waxaa dalku leeyahay hawada ka saraysa Territorial Waters iyo dhulka badda ka
hooseeya. Waa dhul-badeed aan dal kale kula lahayn. Soomaaliya Territorial
Waters-keedu waa 200 nautical miles (mayl-badeed). Waa aag aysan soo geli karin
maraakiib dagaal ee shisheeye oo aan ogolaansho cad ka haysan dalka xeebtaas
leh.
EEZ (Aagga Dhaqaalaha): Waa Dhul
lagula leeyahay
EEZ oo laga
soo gaabiyo Exclusive Economic Zone waa dhul lagula leeyahay, laakiin dalku
dhaqaale ahaan masuule ka tahay oo khayraadka ku jira ka faa'iidaysan karo ama
kala bixi karo. Dalka xeebta leh ma xannibi karo maraakiibta halkaas maraysa
ama diyaarahada dul maraya. Waa aag aad maamulkiisa masuul ka tahay,
khayraadkiisana kala bixi kartid, laakiin waa meel lagula leeyahay. Sida aan ku
arki doono xeerka badaha waa meel ay Fiiloyinka (cable) iyo tuubooyin ay gashan
karaan dalalka kale.
Continental Shelf (Qalfoofka Qaaradda): Dhulka inta badda
hore u sii gashan
Waa inta qaaradda ama dhulku uu badda
hore u sii gashan yahay ee noqoneysa moolka. Af-Soomaali ahaan waxay noqoneysaa
Qalfoofka Qaaradda. Waana wixii ka sii shisheeya 200 mayl-badeed, taas oo lagu
siiyaadinayo 150 mayl badeed oo dheeraad ah. Laga soo bilaabo May 2009 waxaa
dalalka xeebaha ah loo ogol yahay in ay siyaadsadaan aagga badda taas oo ah 200nm+150nm
si loo gaarsiiyaan ilaa 350 mayl-badeed.
Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta
Badaha waxa uu si qeexan u sheegaya macluumaadka looga baahan yahay dalalka leh
xeebaha si loogu kordhiyo ballaca badda ay xuquuqda u leeyihiin. Waxaa loo
baahan yahay cabbir ka soo bilaabanaya Xeebta dalka ilaa 350nmi (648 km ) oo dhanka badda ah.
Wixii ka dambeeyey 2009 waxaa loo ogol yahay in ay ku
darsato 150 nautical mile oo dheeraad ah
Xeerka badaha Soomaaliya:
Territorial Waters (200 nm)
Dalka
Soomaaliya dhul-badeedkeeda waxaa qeexaya xeerka Law No. 37 oo soo baxay 1972,
xeerkaas oo Soomaalidu aysan marna ka tanaasulin. Islamarkaasna 1982 iyo 1989
waxay Soomaaliya saxiixday xeerka badaha ayadoo waafajineysa xeerka 1972 oo
aysan ka tanaasulin.
Waa maxay
xigmadda halkaas ku jirtaa?
·
Waa arrin raad ku leh hab-fikradii taariikhda fog ee
soo kala horjeedey ee Mare Clausum (closed sea - oo ah bad gaar kuu ah) iyo
Mare liberum (high seas ama free sea - oo ah bad la wadaago).
Waxaa jira in
xeerarka badahu ay asal ahaan salka ku hayaan in dawladaha itaalka roon, sida
gumaystayashii reer Yurub, ay ka dhaadhiciyeen caalamka inaan badda dalku
leeyahay ee Territorial Waters laga badin 3 mayl-badeed, markii dambena
layiri 12 mayl-badeed. Arrintaas 1970-naadkii si ay dalalkii itaalka roonaa ugu
qanciyaan dalalkii loo aqoon jirey Dunida Saddexaad, haddase loo yaqaan dalalka
soo koraya, ayaa waxaa loo soo bandhigay hab-fikirka aagga dhaqaalaha EEZ oo ah
200 mayl-badeed oo dalalku khayraadka kala bixi kartaan, laakiin loo sheegay in
aaggaasi yahay lala leeyahay oo maraakiibta dagaalka ee dalalka kale mari
karaan. Waxaana markaas la yiri aagga aan la idiin soo dhaafi karin Territorial
Waters waa 12 nm oo dhulkiina ka mid ah.
Dalal ay
Soomaaliya ka mid tahay oo loo bixiyey Territorialist States, waxay ku
adkaysteen in 200 mayl-badeed ay u tahay Territorial Waters oo ah dhul-badeed
ay leeyihiin oo aan lagu soo xad gudbi karin, halkii ay ka noqon lahayd EEZ oo
ah aagga dhaqaalaha oo keliya.
Bishii
September 16, 2011 ayaa shir waddama Bariga Afrika oo lagu qabtay Seychelles
waxaa lagu soo bandhigay in badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 mayl badeed,
markaa ayaa Faarax Qare, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, waxa uu kulankii
ka dalbaday in arrintaas cudurdaar laga bixiyo, waxana uu u qeexay in badda
Soomaaliya tahay Territorial Waters oo ah 200nm. Waxana uu intaas raaciyey in
Soomaaliya ay saxiixday xeerka badaha Adduunka ayadoo aan ka tanaasulin xeerka
Law No. 37.
·
Qoraalkii Faarax Qare waxaa ka mid ah ahaa tuducdan:
“By and with the signature and ratification of UNCLOS (as country No. 40),
Somalia became a signatory to the United Nations Common Law of the Sea
(UNCLOS), but under the reservation that Somalia Law No. 37 (territorial
waters) would be respected ("notwithstanding the stipulations of Somali
Law No 37 of 1972 concerning Somalia's territorial waters), while the
provisions that the 200nm EEZ (exUNCLOS) would apply for the protection of the
Somali economic interest in addition.” (Warka oo dhan halkan
ka akhri)
Waxaana Faarax Qare sheegay in beesha
caalamu ay tixgelinjireen xeerka Law No. 37 ee Soomaaliya, dhulbadeedka
(Teeritorial Wates) uu yahay 200 nm.
Marka loo fiirsado Dhammaan
Qaraarradii Qarammada Midoobey ka soo baxay 2008 ee ku saabsanaa in ciidamada
shisheeye geli karaan badda Soomaaliya waxa ay ka hadlayaan ama qeexayaan
dhammaantood waa TERRITORIAL WATERS. Eeg UN Resolutions 1814 (2008), 1816 (2008), 1838 (2008), 1846 (2008) iyo1851 (2008) -
kulli waxay ka hadlayaan Somalia Territorial Waters.
Sidoo kale December 31,
2008 markii Nairobi ay xukuumaddii Nuur Cadde heshiiska la galay reer
Yurub, heshiis oo uu Nairobi ku saxiixay Wakiilka
Soomaaliya u fadhiya Kenya (Cali Ameeriko) iyo Midowga Yurub, kaas oo ciidamo
ka socda Yurub (EURAVFOR) u ogolaanayey in ay galaan Dhul-badeedka (Territorial
Waters) - ufiirso halkaas: Waxaa heshiiska lagula galay in ay geli karaan
Territorial Waters, dhul iyo cir, lamana xusin wax EEZ ah.
Soomaaliya Weligeed Kama
tanaasulin 200 nm oo Territorial Waters ah
Waxay ahayd
1960 markii ay Soomaaliya Dastuurkeeda ku qeexday in dhulkeeda xorta ah uu soo
hoos gelayo Dhul-badeedka (Territorial
Sea ). Sannadkii 1967 ayaa
Soomaaliya fogaantii xadka Territorial Sea ee ahaa 12 mayl-badeed ee
gumaystayaashii dejiyeen waxay ka dhigtay 200 mayl-badeed (370.4km) oo ah
Territorial Sea.
Markii socdeen
shirarkii loogu gogol dhigayey xeerka badaha adduunka, waxaa Soomaaliya ka mid
ahayd dalalka ka soo horjeedey hab-fikirka EEZ, kuna dheganaa nidaamka
Territorial Waters oo ah 200nm. Sida shirkii ay ka soo qaban qabiyeen AALCC ee
Accra Ghana (1970), shirkii Colombo Sri Lanka (1971), shirkii Lagos Nigeria
(1972). Waxaa xilligaas jirey dalal ay Kenya ugu horeyso oo u ololaynayey
EEZ-ka.
Waxaa doodii
meel kulul gaarey August 1972 markii Kenya ay guddigii Seabed Committee u
gudbisey qoraal (draft) ay ku taageereyso hab fikirkii ahaa: In dhammaan
dalalka dhul-badeedkooda territorial Waters lagu xadido 12 mayl-badeed, isla
markaasna EEZ-ku noqdo 200 mayl-badeed si loo qanciyo dalalkii loo yaqaan
Territorialist. Markaas ayaa Soomaaliya durbadiiba bishii xigtey ee September
1972 soo saartay sharciga Law No. 37, kaas oo qeexaya dhul-badeedka Soomaaliya
in uu yahay Territorial Sea , kaas oo xoojinaya sharcigii Soomaaliya ay hore u
soo saartay 1967 oo Badda Soomaaliya ku xadaynayay 200 mayl-badeed oo ah
(TERRITORIAL SEA).
In aan
Soomaaliya weligeed ka tanaasulin Law No. 37 waxaa sii caddeeyey go'aan ay June 6, 2013 soo saareen Golaha Wasiirada DFS, kaas oo
qeexay sidan "Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay
sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya
200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay
xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka
tanaasulin sharciga qaran."
Maxaa Soomaaliya ugu dheganayd
hab fikirka Torritorial
Sea oo ah 200nm
Sababta ugu
weyn ee ay madaxdii hore ee Soomaalidu ugu dhegganaayeen in Soomaaliya
Territorial Waters uu yahay 200 mayl-badeed, waxay ahayd la xiriirta xornimada
dalka, difaaca qaranka iyo dhaqaalaha dhul-badeedkaas oo khaas u ah shacabka
Soomaaliyeed ee Allah ku abuuray badda dihin ee geeska Afrika.
Arrintaas
fahamkeeda oo xeel dheer waxaad ka fahmi kartaa marka aad akhridid labada qodob
ee hoose oo kamid ah Xeerka Badaha Adduunka, qobodabaas oo kan
hore khuseeyo Dhul-badeedka (Territorial Waters oo 200nm ah), kan labaadna Aagga Ganacsiga (EEZ):
Qaybta (PART II) ee xeerka Badaha
Adduunka oo ku saabsan Dhul-badeedka (TERRITORIAL SEA )
waxa ka mid ah:
·
Qodobka (Article 2) ee xeerka badaha oo khuseeya Territorial Sea -
waxa uu qeexayaa in xornimada dalka xeebta leh ay sharci ahaan gaarsiisan tahay
dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo hawada ka saraysa Territorial Sea iyo
dhulka ka hoose badda ee Territorial Sea. (Xornimada dalku waxay gaarsiisan
tahay dhulka iyo dhul-badeedka (Territorial
Sea ) iyo hawada ka
saraysa iyo dhulka ku hoos jira badda). UFIIRSO HALKAAS: Aaggaas dalka ayaa
mulkiyad u leh, meel aad mulkiyad u leedahayna wixii ku jira adiga ayaa iska
leh oo cid kale kulama leh. Dhaqaalihiisa
adigaa leh. Laguma soo xad gudbi karo.
Qaybta (PART V) ee xeerka badaha Adduunka oo ku saabsan
Aagga Dhaqaalaha EEZ (EXCLUSIVE ECONOMIC ZONE), waxaa ka mid ah:
·
Qodobka (Article 56) ee xeerka badaha oo khuseeya EEZ - waxa uu
qeexaya in dalalka xeebaha leh, marka laga hadlayo EEZ (Exclusive
Economic Zone) ay xaq u leeyihiin in ay aaggaas ka faa'iidaystaan
khayraadkiisa, sahamin ka samaysan karaan, khayraadka halkaas ku jira maarayn
karaan.
·
Qodobka (Article 58) ee xeerka badaha oo khuseeya EEZ - waxa uu
qeexayaa in dhammaan dalalka, ha noqdeen kuwo xeeb leh ama kuwo aan lahayn,
waxay maraakiibtoodu mari kartaa aaggaas dhaqaalaha (EEZ) iyo hawada ka
saraysaba, waxayna aaggaas badda hoosteeda dhigan karaan fiillooyinka (cables)
iyo tuubooyin (pipeline) sida uu sii cadaynayo qodobka Article 87 ee xeerka
badaha.
Labadaas xeer ee sare waxaa ku qeexan
haddii Soomaaliya aqbali lahayd hab-fikirka EEZ, oo la dhehi lahaa qaata 200 nm
oo EEZ ah iyo 12 nm oo Territorial Waters ah, markaas meel xeebta u jirta 12
mayl-badeed ayaa dalalka deriska ah ee aan badda lahayn waxay marsan lahaayeen
fiilooyiin iyo tuubooyin aysan Soomaalida kala tashan. Laakiin madaxdii
Soomaalida ee xilligaas waxay lahaayeen aragti xeel dheer, waana sababta
keentay in la loodin waayey xeerka Law No. 37.
Waxaa xusid mudan Soomaaliya keli kuma
aha lahaanshada xeer baddeeda oo Territorial Sea ku xadaynaya 200 mayl-badeed.
Waxaa ku weheliya dalal kale oo ku yaal Latin America iyo Afrika. (Eeg shaxda
hoose oo muujinaysa qaar ka mid ah dalalkaas, iyo sharciyada ay ka soo saareen
Territorila Waters.) Peru waxay xeerkaas ku qoratay Dastuurka.
|
Dalka
|
Territorial
Sea
|
Sharciga
(Law)
|
Taariikhda
|
|
Benin
|
200
nm
|
Decree
No. 76-92
|
April
2, 1976
|
|
Congo
|
200
nm
|
Ordinance
No. 049/77
|
Dec.
20, 1977
|
|
Ecuador
|
200
nm
|
Decree
Law No. 1542
|
Nov.
11, 1966
|
|
El
Salvador
|
200
nm
|
Constitution
|
Sept.
7, 1950
|
|
Liberia
|
200
nm
|
Act
No.
|
May
5, 1977
|
|
Peru
|
200
nm
|
Supreme
Decree
|
Aug.
1, 1947
|
|
Somalia
|
200
nm
|
Law
No. 37
|
Sept.
10, 1972
|
Maxaa hadda keenay in laga hadlo EEZ
·
"Marka
Soomaaliya aqbasho EEZ ee nidaamka hoos imanaya UNCLOS, markaas waxaa loo
baahan doonaa in Soomaaliya iyo Kenya ay bilaabaan wada xaajood labada dalba
aqbalsan yihiin oo kusaabsan xuduud badeedka. Taasi waxay albaabka u fureysaa
suurtagal in ay noqoto in dib loo xadeeyo xuduud badeedka badda ayadoo laga
bedelayo xariiqda ku qotonta xeebta (perpendicular position)
oo loo bedelo xariiq jiifta oo laacaysa loolka (Latitude line).
Isbedelkaasi waxa uu xaqiiqo ahaan dhulka la isku hayo qaybtiis ama gebi
ahaantiisba hoos geynayaa badda Kenya. Sababtaas awgeed ayey ahayd tii keentay
in 8-dii October 2011 ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cod ku diideen
isku daygii ahaa in EEZ lagu soo daro nidaamkii Roadmap-ka," sidaas waxay ku caddahay warbixinta
UN-ka ee S/2013/413 soona baxday July 12, 2013 boggeeda 249
iyo 250.
·
Dawladda
Federaalka Soomaaliya ayaa barlamaanka u gudbisey hindise sharciyeed cusub oo
loo samaynayo Kalluumaysiga kaas oo lagu soo daray qodob badda Soomaaliya ku
soo koobaya 12 maylbadeed iyo 200 oo ah EEZ, halkii ay ka ahayd 200 maylbadeed
oo Territorial waters ah.. HALKAN KA AKHRI.. Baarlamaanka
Soomaaliya oo July 17, 2013 si kulul uga dooday Sharciga Cusub ee Kalluumaysiga
iyo Xeerka Badda Soomaaliya ee Law No. 37.
Dawladdii KMG ee uu madaxweynaha ka
yahay Sheikh Shariif Axmed ayaa noqotay tii ugu horeysey oo heshiis Isfaham oo
muran gelinaya Badda Soomaaliya la gashay Kenya. Waxayna Kenya laga soo bilaabo
1970-naadkii maanka ku haysey hab-fikirka EEZ oo Soomaalida sida qayaxan uga
soo horjeedey. Waxaase April 2009 ay Kenya heshay madax Soomaaliyeed oo si ka
fiirsasho la'aan ah ula saxiixday heshiiskaas.
Laakiin markii dambe, Agoosto 2009
ayaa heshiiskaas isfahamka waxaa laga dhigay waxba kama jiraan. Taas markii ay
arkeen Kenya iyo xulufadeedii waxay bilaabeen in ay madaxdii Soomaalida ka dhaadhiciyaan
in badda Soomaaliya aysanba cabbir lahayn, sidaas daraadeed in la idiin
samaynayo EEZ cusub oo ah 200 maylbadeed iyo 12 maylbadeed oo ah Territorial
Waters.
Waxa arrintaasi markaas ka soo
bilaabatay in 21-23 May 2010 ee ka dhacay Istanbuul, Turkiga, markii Wasiirkii
Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee DFKMG Abuukar Cabdi Cusmaan uu shirkaas
Istanbul ka yiri "Aagga Ganacsiga EEZ ee badda Soomaaliya looma cabirin si
rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka ee Qarammada Midoobey."
Waxaana xigey haddallo xiriir ah oo ka soo yeerayey madaxda Dawladda FKMG ee
Sheikh Shariif.
Ugu dambayntiina waxaa EEZ lagu daray
qodobadda shardiga looga dhigay in DFKMG looga saarayo kumeel gaarska, shirkii
"wadatashiga" ee Muqdisho 6 September 2011 Roadmap, kaas oo dhigayey
in la xadaynayo EEZ, arrintaasi haddey hirgeli lahayn waxay noqon lahayd:
1.
In ayadoo la
adeegsanayo madaxda DFKMG meesha laga saaro xeerka Soomaaliya u soo dhisnaa
40-sano, Law No. 37.
2.
In la yiraahdo
hadda ayaa la idiin sameeyey EEZ, sidaas daraadeed maadaama aydin hore u
lahayn, wixii dembiyo ahaa ee shisheeye ka geystey xeebaha Soomaaliya wixii ka
baxsan 12nm waa wax aan cidna loo raacayn, sida kalluumaysigii sharci darrada
ahaa iyo sunta lagu aasay oo aan cidna lagu dacwayn karayn.
Waxaase arrintaas markale is hortaagey
baarlamaanka DFKMG oo kulankii October 8, 2011, kaas oo laalay wixii heshiisyo
la galay wixii ka dambeeyey Janaayo 1991, islamarkaasna si qeexan u sheegay
"In Hay’adaha Dastuuriga ee Kumeel gaarka ah ee dalka; sida Madaxtooyada,
Baarlamanka iyo xukuumadda aysan awood u lahayn in ay wax ka bedelaan ama dib u
eegis ama ka wada xaajood ku sameeyaan Xaduud badeedka Soomaaliya, iyo xuduudka
hawada iyo dhulka Soomaaliya....Cid walba oo ku xadgudubta waxa ay galeysaa
dambi ah Khiyaanno Qaran."
Waxaa laga sugayay in madaxweynahii
DFKMG Shariif Axmed uu saxiixo xeerkii uu baarlamaanka DFKMG sida buuxda isugu
raacay.
Sida sharciga ah ee DFKM ugu qoran
Dastuurka waa in Madaxwaynaha uu saxiixo, kadib markii Baarlamaanku soo
gudbiyo, kadibna u gudbiyo cida ay khusayso iyo hay'adaha fulinta, taasi weli
dhicin (Oct 14, 2011), sababtana DFKM ayaa la waydiinayaa, la xisaabtan kaasna
waxaa is leh Baarlamaanka.
Axdiga DFKMG, Qodobkiisa 36aad oo ku
saabsan "SHARCI DEJIN", waxa uu dhigayaa sidan:
·
1. Marka Golaha
Shacabka uu soo saaro sharci waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu u
ansixiyo.
·
2. Madaxweynahu
labaatan iyo kow (21) maalmood gudahood, marka sharci loo soo gudbiyey si uu u
ansaxiyo sida ku qeexan qaybta (1), waxaa uu u cadeynayaa Gudoomiyaha Golaha
Shacabka in uu ogaaladay ama diiday sharcigaas.
·
3. Haddii
Madaxweynaha diido inuu ku ansaxiyo sharci la soo hordhigay afar iyo toban (14)
maalmood gudahood, wuxuu qoraal tilmaamaya faritaanada sharcigaas ee ay la
tahay in dib loo eego si wax looga beddelo uu u gudbinayaa Gudoomiyaha Golaha
Shacabka.
·
4. Golaha
Shacabka wuxuu dib u eegayaa sharciga Madaxweynuhu ku soo celiyey iyadoo
tixgelinaya faalada Madaxweynaha waxayna :
·
a) Ogolaanayaa
soo jeedinta madaxweynaha iyagoo wax ka beddelay ama aan wax ka beddelin, kuna
celinaya mar kale Madaxweynaha si uu u ogolaado, ama
·
b) Diidayaan soo
jeedinta Madaxweynaha waxayna ansixinayaan sharcigii hore oo aan waxba laga
bedelin iyadoo lagu meel marinayo cod bixin aan ka yareyn 65% xidhibaanada
Golaha Shacabka taasoo Madaxweynaha ogolaan doono sharciga afar iyo toban (14)
maalmood gudahood maalinta sharciga la soo gudbiyey.
·
5. Faafinta
sharci uu sameeyey Golaha Shacabka ma dhaqan geli karo ka hor inta aan Iagu
daabicin faafinta rasmiga ah ee dowaladda.
Maxaa ku cusub arrinta badda:
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa
barlamaanka u gudbisey hindise sharciyeed cusub oo loo samaynayo Kalluumaysiga
kaas oo lagu soo daray qodob badda Soomaaliya ku soo koobaya 12 maylbadeed iyo
200 oo ah EEZ, halkii ay ka ahayd 200 maylbadeed oo Territorial waters ah.. HALKAN KA AKHRI.. Baarlamaanka
Soomaaliya oo July 17, 2013 si kulul uga dooday Sharciga Cusub ee Kalluumaysiga
iyo Xeerka Badda Soomaaliya ee Law No. 37.
21-kii September
2011 ayaa warbaahinta loo sheegay in
shirkadda TOTAL (ee laga leeyahay dalka Faransiiska) ay iibsaneyso saamiga
boqolkiiba 40% shidaal ka qodista 5 aag (Blocks) oo kala ah Block L5, L7, L11a,
L11b iyo L12. Heshiiskaas waxaa shirkadda Total la gashay shirkado hore saamiyo
aaggaas ugu lahaa iyo dawladda Kenya, waxaana heshiiskaas la kala saxiixday
19-kii September 2011, maalin kaddibna 20-kii September 2011 ayaa loo gudbiyey
Wasaaradda Tamarka ee Kenya si heshiiskaas loo ansixiyo, taas oo in la
ansixiyey saxaafadda loo sheegay 6-dii October 2011.
Arrinta taas xigtey in October 16,
2011 ay ciidamada Kenya ka gudbeen xadka NFD oo gudaha u galeen Soomaaliya. (Akhri...)
Shirkii Tamarta ee lagu Qabtay
Norway
Toddobaad ka
hor intii aan Ciidanka Kenya gelin gudaha Soomaaliya, waxaa Oslo dalka Norway
lagu qabtay shir looga hadlay tamarta (Energy Plus Partnership) oo ay ka qayb
galeen Kenya iyo Ethiopia. Shirkaas oo la qabtay 10kii iyo 11kii October 2011
waxaa Kenya uga qayb galay Ra'iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga iyo Wasiirka
Arrimaha Dibadda Moses Watengula (oo Soomaalidu ku xasuusato in uu Kenya u
saxiixay heshiiska Is-fahamka ee Norway ku luglahayd ee uu la saxiixday DFKMG).
Dhanka Ethiopia waxaa shirka
Oslo uga qayb
galay Meles Zenawi. Waxaa kale oo kulankaas ka qayb galay Ra'iisul Wasaaraha Norway Jens
Stoltenberg iyo xoghayaha guud ee Qarammada Midoobey Ban Ki-moon
Hoos ka akhri Tixraac qodobo kamid ah
xeerka badaha oo khuseeya EEZ iyo Territorial Waters:
TERRITORIAL
SEA
Article
2
Legal status of the territorial sea, of the air space over the territorial sea and of its bed and subsoil
1. The sovereignty of a coastal State extends, beyond its land territory and internal waters and, in the case of an archipelagic State, its archipelagic waters, to an adjacent belt of sea, described as the territorial sea.
2. This sovereignty extends to the air space over the territorial sea as well as to its bed and subsoil.
3. The sovereignty over the territorial sea is exercised subject to this Convention and to other rules of international law.
Legal status of the territorial sea, of the air space over the territorial sea and of its bed and subsoil
1. The sovereignty of a coastal State extends, beyond its land territory and internal waters and, in the case of an archipelagic State, its archipelagic waters, to an adjacent belt of sea, described as the territorial sea.
2. This sovereignty extends to the air space over the territorial sea as well as to its bed and subsoil.
3. The sovereignty over the territorial sea is exercised subject to this Convention and to other rules of international law.
EEZ
(EXCLUSIVE ECONOMIC ZONE)
Article
56
Rights, jurisdiction and duties of the coastal State in the exclusive economic zone
1. In the exclusive economic zone, the coastal State has: (a) sovereign rights for the purpose of exploring and exploiting, conserving and managing the natural resources, whether living or non-living, of the waters superjacent to the seabed and of the seabed and its subsoil, and with regard to other activities for the economic exploitation and exploration of the zone, such as the production of energy from the water, currents and winds;
Rights, jurisdiction and duties of the coastal State in the exclusive economic zone
1. In the exclusive economic zone, the coastal State has: (a) sovereign rights for the purpose of exploring and exploiting, conserving and managing the natural resources, whether living or non-living, of the waters superjacent to the seabed and of the seabed and its subsoil, and with regard to other activities for the economic exploitation and exploration of the zone, such as the production of energy from the water, currents and winds;
Article
58
Rights and duties of other States in the exclusive economic zone
1. In the exclusive economic zone, all States, whether coastal or land-locked, enjoy, subject to the relevant provisions of this Convention, the freedoms referred to in article 87 of navigation and overflight and of the laying of submarine cables and pipelines, and other internationally lawful uses of the sea related to these freedoms, such as those associated with the operation of ships, aircraft and submarine cables and pipelines, and compatible with the other provisions of this Convention.
2. Articles 88 to 115 and other pertinent rules of international law apply to the exclusive economic zone in so far as they are not incompatible with this Part.
Rights and duties of other States in the exclusive economic zone
1. In the exclusive economic zone, all States, whether coastal or land-locked, enjoy, subject to the relevant provisions of this Convention, the freedoms referred to in article 87 of navigation and overflight and of the laying of submarine cables and pipelines, and other internationally lawful uses of the sea related to these freedoms, such as those associated with the operation of ships, aircraft and submarine cables and pipelines, and compatible with the other provisions of this Convention.
2. Articles 88 to 115 and other pertinent rules of international law apply to the exclusive economic zone in so far as they are not incompatible with this Part.
Article
87
Freedom of the high seas
1. The high seas are open to all States, whether coastal or land-locked. Freedom of the high seas is exercised under the conditions laid down by this Convention and by other rules of international law. It comprises, inter alia, both for coastal and land-locked States:
(a) freedom of navigation;
(b) freedom of overflight;
(c) freedom to lay submarine cables and pipelines, subject to Part VI;
Freedom of the high seas
1. The high seas are open to all States, whether coastal or land-locked. Freedom of the high seas is exercised under the conditions laid down by this Convention and by other rules of international law. It comprises, inter alia, both for coastal and land-locked States:
(a) freedom of navigation;
(b) freedom of overflight;
(c) freedom to lay submarine cables and pipelines, subject to Part VI;
Article
3
Breadth of the territorial sea
Every State has the right to establish the breadth of its territorial sea up to a limit not exceeding 12 nautical miles, measured from baselines determined in accordance with this Convention. (FG: Halkaas weeye meeesha Soomaaliya sida xooggan u diidey, kana soo saartay Law No. 37 ee 1972 oo Somalia tarritorial Sea ka dhigaya 200 nautical miles.)
Breadth of the territorial sea
Every State has the right to establish the breadth of its territorial sea up to a limit not exceeding 12 nautical miles, measured from baselines determined in accordance with this Convention. (FG: Halkaas weeye meeesha Soomaaliya sida xooggan u diidey, kana soo saartay Law No. 37 ee 1972 oo Somalia tarritorial Sea ka dhigaya 200 nautical miles.)
Article
57
Breadth of the exclusive economic zone
The exclusive economic zone shall not extend beyond 200 nautical miles from the baselines from which the breadth of the territorial sea is measured
Breadth of the exclusive economic zone
The exclusive economic zone shall not extend beyond 200 nautical miles from the baselines from which the breadth of the territorial sea is measured
- ARAGTIDA DADWEYNAHA: Jawaabtaada toos ugu qor
halkan




No comments:
Post a Comment